Dowladda Sacuudiga oo iska fogeysay mas'uuliyadda musiibadii Xajka ka dhacday

0
Friday September 25, 2015 - 20:41:42 in Wararka by
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga oo iska fogeysay mas'uuliyadda musiibadii Xajka ka dhacday

    Dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysay eedeymaha loogu soo jeediyay ee mas'uuliyada musiibadii ka dhacday Xajka, kadib markii in ka badan todobo boqol oo ruux ku dhinteen isbuurasho dhacday maalintii Ciida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga ayaa iska fogeysay eedeymaha loogu soo jeediyay ee mas'uuliyada musiibadii ka dhacday Xajka, kadib markii in ka badan todobo boqol oo ruux ku dhinteen isbuurasho dhacday maalintii Ciida.

War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in shilkan uu ku dhacay Xujeyda oo aan tilmaamihii la siiyay raacin, markii dad ka soo noqonayay sheydaan tuurka iyo kuwo usoo socday ay hal wado wada isticmaaleen, taasna ay sabab u aheyd isbuurashada.

Dowladda Iiraan oo ah tirada ugu badan dadkii ku dhintay isbuurashada ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay qaadato mas’uuliyadda shilkaas.

Hogaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay mas’uul ka yihiin isbuurashada, wuxuuna xusay in tani ay ku dhacday maamul xumada Sacuudiga.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa amray in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha xajka, waxaana uu ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo shilkan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip