
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MIOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 30-KA MAARSO 2019-KA
DIBADBAXYADA KA DHANKA AH MADAXWEYNAHA AAN HADLIN OO WALI SII SOCDA
Dadka Aljeeriya ayaa isugu soo baxay toddobaadkii lixaad dibadbaxyada ay uga soo horjeedaan xukuumadda madaxweynaha da'da ah ee xanuunsanaya Cabdilcasiiz Boutefliqa, iyo kuwa ku xeeran ee talada dalka wax ka maamulo.
Booliiska ayaa u adeegsaday dibadbaxayaashangaaska dadka ka ilmeysiiya iyo tubooyinka biyaha seyra si loogu kala eryo boqolaal kun oo qof oo dibadbaxayaal ah.
Mudaaharaadasha oo wajiyadooda kusoo xardhay midabka calanka dalka Aljeeriya ayaa tuban toddobaadkii 6 aad caasimadda Aljeeriya.
Madaxweyne Butefliqa oo ka digay qalalaaso ka dhaca Aljeeriya
Aljeeriya oo daroogada Cocain oo dhan 700 oo kiilo markab ku qabatay
Mr Boutefliqa ayaa lumiyay taageerada xisbigiisa iyo milatariga dalka, kuwaasi oo doonaya in maxkmadda sare ee dalka ay ku dhawaaqdo inuusan mudneyn inuu dalka sii hogaamiyo.
Balse dibadbaxyaasha ayaanan dooneyn inuu xilka ka dego keliya, ee ay waxay sidoo kale ku baaqayaan inay isaga tagaan xukunka dalka dhammaan hogaamiyeyaasha ku da'da ah ee lasoo shaqeeyay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwa haatan ku howlan inuu markale dalka hoggaamiye madaxweyne Bouteflika.
Kolsii horeysay madaxweyne Cabdulcasiis Butefliqa ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta dibedbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo musharraxnimadiisa doorashada soo socota.
Warqad lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalkaasi, APS, ayaa 82 jirkan ku xanuunsan magaalada Geneva waxa uu ku ammaanay dibedbaxayaasha "sida nabadda leh ee ay fekerkooda u cabireen".
Balse waxa uu ugu baaqay inay iska jiraan "suuragalnimada ah inay ku soo dhex dhuuntaan xooggag dibedda iyo gudaha laga soo diray".
DOWLADDA SOOMAALIYA OO WAJAHEYSA CULEYS DHINACA AMNIGA AH
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MIOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 30-KA MAARSO 2019-KA
DIBADBAXYADA KA DHANKA AH MADAXWEYNAHA AAN HADLIN OO WALI SII SOCDA Dadka Aljeeriya ayaa isugu soo baxay toddobaadkii lixaad dibadbaxyada ay uga soo horjeedaan xukuumadda madaxweynaha da'da ah ee xanuunsanaya Cabdilcasiiz Boutefliqa, iyo kuwa