Qaramada Midoobey oo sheegtay 8-kun oo qaxooti ah ay maalin walba galaan Yurub

0
Friday September 25, 2015 - 20:37:36 in Wararka by
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey oo sheegtay 8-kun oo qaxooti ah ay maalin walba galaan Yurub

    Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa sideed kun oo qaxooti u dhashay Suuriya iyo Ciraaq ay maalin walba galaan Yurub, iyadoo ka digtay sii socoshada qul qulka muhaajiriinta ee galaya wadamada Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa sideed kun oo qaxooti u dhashay Suuriya iyo Ciraaq ay maalin walba galaan Yurub, iyadoo ka digtay sii socoshada qul qulka muhaajiriinta ee galaya wadamada Yurub.

Isku duwaha Gobolka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Amin Awad oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in maalin walba ay shan kun oo qaxooti tagaan dalka Greece oo noqday marinka ugu badan ee Muhaajiriinta kaga gudbaan Yurub inteeda kale.

Mr Awad ayaa sheegay inay sii kordhi karto tirada muhaajiriinta ee ku qul quleysa Yurub inta lagu guda jiro xilliga qaboobaha, isla markaana xuduudaha ay yihiin kuwo furan.

Ku dhowaad nus milyan ruux oo badankood ka yimid Suuriya ayaa sanadkan galay Yurub, kuwaasoo ka soo cararay dagaalada iyo rabshadaha ka socda dalkood.

Midowga Yurub ayaa wali isku khilaafsan sida laga yeelayo qul qulka qaxootiga, waxaana dalka Jarmalka uu qaabilay qaxooti ka badan boqol kun oo ruux.

Wadamada Croatia, Serbia, Hungry ayaa bilaabay inay xuduuda ka xirtaan qul qulka qaxootiga faraha badan ee soo galaya dalalooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip