Soomaali ka mid noqotay dadkii ku dhintay Isbuurashadii ka dhacday Xajka oo tiradooda sii korodheysa

0
Friday September 25, 2015 - 20:29:26 in Wararka by
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali ka mid noqotay dadkii ku dhintay Isbuurashadii ka dhacday Xajka oo tiradooda sii korodheysa

    tirada ku geeriyootay xajka ee soomaalida ah ayaa sii cagacageyna ilaa haatan 7 ruux inta la xaqiijiyay inay ku dhinteen Isbuurashadii shalay ka dhacday xajka, gaar ahaan meel banaanka ka ah Masaajidka Xaramka, xilli xujeyda oo gudaneysa waajibaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

tirada ku geeriyootay xajka ee soomaalida ah ayaa sii cagacageyna ilaa haatan 7 ruux inta la xaqiijiyay inay ku dhinteen Isbuurashadii shalay ka dhacday xajka, gaar ahaan meel banaanka ka ah Masaajidka Xaramka, xilli xujeyda oo gudaneysa waajibaadka xajka, kana soo laabtay sheydaan-tuurka ay isbuurteen.

Ahmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo ka mid ah Guddiga Xujeyda Soomaalida oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in todobada ruux ee ku dhimatay shilkaas ay afar ka mid ah ka yimaadeen dalka Kenya, halka saddexda kalena ay dhinaca Soomaaliya ka yimaadeen.

"Tirada aan hada heyno ee Soomaalida ku dhintay Isbuurashada waa todobo ruux, waana ka badan kartaa tiradaā€¯ayuu yiri Axmed Safiina.

In ka badan todobo kun oo Soomaali ayaa ka mid ahaa Xujeydii sanadkan xajineysay, waxaana ay ka kala yimaadeen dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in ilaa 717 ruux ay ku dhinteen isbuurashada, halka sideed boqol ka badan ku dhaawacmeen, waxaana bilowday baaritaanka shilkan oo guddi u saartay dowladdu.

25-kii sano ee la soo dhaafay ayaa shilal ay ka dhaceen xajka, iyadoo sanadkii 1990 ay aheyd sanadkii ugu badnaa ee ay xujey ku dhintaan, xilligaasoo 1400 xujey ah ay dhimatay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip