Diblumaasi u dhashay dalka Qadar oo ku tilmaamay inuu yahay Addoon muwaadin Soomaali ah

0
Wednesday March 13, 2019 - 21:50:31 in Wararka by
  • Visits: 392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diblumaasi u dhashay dalka Qadar oo ku tilmaamay inuu yahay Addoon muwaadin Soomaali ah

    Diblumaasi u dhashay dalka Qadar oo ka howlgala safaarada dowlada Qadar ay ku leedahay dalka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay muwaadin Soomaliyed oo haysta dhalshada Britain addoon. Maxamuud Axmed oo ah muwaadin asalkiisu yahay Soomaali ayaa u ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diblumaasi u dhashay dalka Qadar oo ka howlgala safaarada dowlada Qadar ay ku leedahay dalka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay muwaadin Soomaliyed oo haysta dhalshada Britain addoon. Maxamuud Axmed oo ah muwaadin asalkiisu yahay Soomaali ayaa u ahaa darawal Cabdulahi Cai Al-Ansari oo ah diblumaasi u dhashay dalka Qadar madaxna ka ah qeybta caafimaadka ee safaarada Qadar magaalada London.

Hase yeeshee mudadii uu u shaqeynayay ayuu waxaa loola dhaqmay Maxamuud Axmed oo ah 79 jir siyaabo aadanimada ka baxsan waxana uu haatan dacwad u gudbiyay maxkamad ku taal magaalada London.

Maxamuud Axmed oo sidoo kale ka ahaa safaarada Qadar ee dalka Britain ayaa shaqeyn jirey 24 saacadood 7 maalmood sida ay daabacday jariirada the telegraph.



Waxaa soo baxaya warar sheegaya in muwaadinkan Soomaaliyeed la isku dayay in la siiyo lacag laaluush ah oo gaareysa konton kun oo Yuro ah si uu uga laabto dacwada.
Maxamuud Axmed ayaa shaqadii uu ka hayay safaarada Qadar ee London ayaa intii uu ka shaqeynayay safaaradaas waxaa marwalba uu kala kulmayay aflagaado iyo handadaad diblumaasiga u qaabilsanaa caafimaadka safaarada Qadar ee Britain.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip