Laba qof oo Soomaali ah oo ka mid noqotay Xujeydii Shalay ku dhimatay Xajka (SAWIRRO)

0
Friday September 25, 2015 - 10:21:05 in Wararka by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba qof oo Soomaali ah oo ka mid noqotay Xujeydii Shalay ku dhimatay Xajka (SAWIRRO)

    Laba nin oo Soomaali ah, ayaa ka mid noqday Xujeydii shalay ku dhimatay Mina, oo 5km oo keliya u jirta Magaalada barakeysan ee Makka, iyadoo dhinaca kalana la la'yahay Soomaali badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba nin oo Soomaali ah, ayaa ka mid noqday Xujeydii shalay ku dhimatay Mina, oo 5km oo keliya u jirta Magaalada barakeysan ee Makka, iyadoo dhinaca kalana la la'yahay Soomaali badan.

Mid ka mid ah labada nin ee Xujeyda Somalida ah ee dhimatay oo magaciisa lagu koobay Sharmarke, ayaa ka yimid Magaalada Hargeysa, iyadoo midka kalana uu yahay Somalida ka soo jeedda Gobolada Waqooyi Bari Kenya amaba haysata dhalashada dalkaasi Kenya.

Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka mid ah Masuuliyiinta Guddiga Xujeyda Somalida, ayaa sheegay illaa iyo hadda inay ogyihiin dhimashada labadaasi nin ee Somalida ah, sida uu yiri.

Axmed Aadan Dagaal, ayaa tibaaxay inay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn, isla-markaana ay wadaan dadaalo ay ku baadigoobayan.

Isbuurashadii shalay ka dhacday Mina, ayaa waxaa ku dhimatay 717 Xujey ah, halka ay ku dhaawacantay 863 kale. Dadka dhaawacmay waxaa dhaawacyadooda loo qaaday illaa 15 isbitaalo, oo ku kala yaala Magaalooyinka Makkah, Jeddah, Ta’if (Daa’if) iyo Mina.

Sheekh Shamsudiin Gobdoon Makaawi oo ka mid ah Culimada Somaliyeed ee ku sugan Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay jiraan Soomaali badan oo la la’yahay.

Somalida la la’yahay oo aan tiradooda si rasmi ah loo garanayn, ayaa waxaa laga raadinayaa isbitaalada badan ee loo kala qaaday dadkii ku dhaawacmay shilkii maanta.

Isjiiridan, ayaa ka dhalatay markii Xujey u socotay dhagaxtuurka ay isku dhaceen Xujey kale oo ka soo laabatay dhagaxtuurka, waxayna taasi sababtay geerida boqolaalka Xujeyda ah.

Mina Mina1 Mina2 Mina3 Mina4 Mina5 Mina6 Mina7 Mina8 Mina9




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip