
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 21-KA JANNAAYO 2019-KA
SHABAAB OO WEERARAY WAQOOYI BARI KENYA
Xoogaga Ururka AlShabaab ayaa weerar ka gaystay Gobolka Waqooyi
Bari ee dalka Kenya, halkaas oo ay dadna ku dileen sidoo kale ay ku burburiyeen Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.
Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari, Ururka AlShabaab ayaa xalay beegsaday degaanka Shimbiriley oo 70 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Gaarisa.
Degaankaan ay weerareen AlShabaab ayaa la sheegay in ay ku sugneyd shirkad laga leeyahay Shiinaha , islamarkaana ay halkaasi ka wadday dhismo Waddo.
Dagaal Kooban ayaa dhexmaray dagaalyahanada AlShabaab iyo Ciidanka Kenya ee ku sugnaa degaankaasi, waxaana ka dhashay Khasaare, waxaana warar qaar ay sheegayaan in Shabaab ay beegsadeen gaadiid ay laheyd Shirkad Shiineys ah.
SHACABKA DEGAANKA GUBADLEY OO KA CABANAYA DHUL BOOB LAGU HAYO
Degaanka Gubadley oo ka tirsan deg mada Kaaraan waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dega ankaasi, gaar ahaan waxgaradka, odaya asha dhaqanka, ganacsato, haween iyo dhallinyaro.
Ujeedka kulanka ay yeesheen shacab ka degaanka Gubadley ayaa ahaa inay ka wadahadlaan arrimo ku saabsan xuduuda degaankooda, dhul boob lagu hayo iyo sidii ay go’aan mideysan uga qaadan laha ayeen.Kulanka oo hubnihii ka hadlay ay sheegeen in dad ka yimid xaafado ka tir san degmada Huriwaa ay ku xadgudbay aan degaanadooda, iyagoona sheegay in ay u sameysteen dokumentiyo been abu ur ah isla markaana ku doonayaan inay degaanadooda xoog kula wareegaan.
Madasha shirka dhex maray bulshada beesha Gubadley waxaa goob joog ahaa milkiilayaasha goofaf ku degaanka oo halkaasi ku soo bandhigay Dokumentiyo ay siisay Dowladdii hore ee Jaalle Maxa med Siyaad Barre, hase yeeshee kooxah aan dhul boobka ka wada degaanadaasi ay doonayaan inay kula wareegaan qaab aan sharci ahayn.
DAD KU DHINTAY DAB KA KACAY FARAN SIISKA
Dab xooggan ayaa waxa uu Waabe rigii hore ee shalayto ka kacay Dhismo ay Shaqaale degganaayeen oo ku yaalla bart amaha M/Albiine ee G/Safooye ee dalka Faransiiska. 2 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen, halka ay ugu yaraan 22 kalena ku dhaawacmeen, sida ay baahiy een Warbaahinta Gudaha ee Faransiiska.
Telefishinka Wararka ee BFM TV ayaa sheegay inuu dabku ka kacay dabaqa 3aad ee Dhismaha uu dabku ka kacay.
Kooxaha dabdamiska oo tiradoodu dhan tahay 70shaqaale ayaa gacan ka geystay daminta dabkaasi, waxayna sheegeen inay dhismahaasi ka soo heleen maydad ka 2 qof oo aad u gubtay, 4 dhaawacyo culus qaba iyo 18 kale oo uu dhaawacyo fudud soo gaaray.
60 qof ayaa laga daadgureeyey Dhism aha uu dabku qabsaday, mana kala cad da waxa sababay dabkaasi khasaaraha dhimashadda iyo burburka hantiyeed gey stay.
MEYDAD XALAY LAGU ARKAY DEEGAANKA CEELASHA BIYAHA EE DULEEDKA MUQDISHO
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydadka 4 Qof oo la soo dhigay.Dad ku sugan Ceelasha ayaa u sheegay Dalsan in laamiga dhinaciisa lasoo dhigay 4 ruux oo meyd ah oo indhaha ka xir an,kuwaas oo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilkooda.
Dadweyne Farbadan oo ku nool Ceel asha Biyaha ayaa tegay Goobta meydad ka ay yaalaan,iyada oo la aqonsan yahay dadkaasi la dilay,isla markaana,iyaga oo indha ka xiran halkaasi la dhigay.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliska Soom aaliya ayaa gaaray goobta Meydadka la soo dhigay,kuwaas oo wada baaritaano ku aadan waxa ay ahaayeen meydadkaas iyo dadka ka dambeeyay dilkooda. Xigasho:radiodalsan.com
MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE WA ARE OO KA HADLAY DAGAALO KA JIRA DEEGA ANO KA MID AH HIRSHABELLE
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir shabelle Maxamed Cabdi Waare oo dib u gu laabtay M/Jowhar ayaa ku eedeeyay colaadaha ka jira deegaano ka mid ah Hir shabelle inay hurinayaan mas’uuliyiin, cuq aal iyo ganacsato ka soo jeeda Hirsha belle.
Md Waare ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Hirshabelle isagoo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaal beeleedyo dhowaan ka dhacay deegaano kala duwan oo ka tirsan Hirshabelle. "Iya doo ay jiraan dhibaatoyin dhinaca abaara ha ah in shacabka Hirshabelle ay isdilaan waa wax nasiib darro ah oo aan loo baah nayn,”ayuu yiri Madaxweyne Waare isa goo ku tilmaamay nasiib darro dagaalo ka dhacay deegaano ka mid ah Hirshabelle.
"Waxaajira dad niyada,gacanta,maskaxda iyo afkaba ku taakuleynaya dagaalada so cda waxaana ka mid ah dadkaas mas uuliyiin,dhaqan, ganacsato iyagoo dag aal adana ku raaxey sanaya,waan arkeynaa dadkaas waa na iska celineynaa. ”ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Dhinaca kale waxa uu u mahadceliy ay Md.Waare masuulyiinta, cuqaasha iyo ciidamada ka qeybgalay sidii loo xasilin la haa deegaanada ay dagaal beeleedyada ka dhaceen. Md.Cali C/hi Xuseen ayaa u ga warbixiyay Md.ware xaaladaha ka jira Hirshabelle. Madaxweyne Waare oo 7ya dii la soo dhaafay howlo shaqo ugaga ma qnaa xarunta Hirshabelle ee Jowhar ayaa lagu wadaa in dhowaan uu si rasmi ah u furo kalfadhiga Baarlmaanka Hirshabelle.
QARAX WAYN OO KA DHACAY DALKA SYRIA
TVga dowladda Suuriya ayaa soo war iyay in qarax xooggan uu ka dhacay xaa fad ku taala koonfurta Magaalada caasim adda ah ee Dimishiq. Waxa uu sheegay Tvgu in qaraxan shalay oo Axad ah dha cay, wali aan dhab ahaan loo ogaan khas aaraha ka dhashay, balse hakad badan galiyay shaqooyinka maalinlaha ah ee aagaasi.Qaraxa ayaa loo maleynayaa in uu ahaa fal argagixiso, sida ay sheegeen Masuuliyiinta qaar.
Sarkaal u dhashay dalka Syria oo qaab ilsan xuquuqda aadanaha, oo aan magaciisa lasoo xigan ayaa u sheegay wa kaaladda wararka ee AFP in qaraxu uu ka dhacay meel u dhaw xafiiska Sirdoonka Militariga ee magaalada Dimishiq.
"Qaraxa wuxuu ka dhacay meel u dhaw Xafiiska Sirdoonka Militariga ee M/Dimishiq, waxaa jira dad ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay, laakiin ma xaqiijin ka rno tiro ahaan.” Ayuu yiri Sarkaalkan.
Ma cadda haddii qaraxu uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ama uu ahaa ruux isa soo miidaamiyay. Wararka ayaana sheegaya in qaraxa
kadib rasaas ay daba socotay.
Weerarrada qaraxyada ah ayaa u muu qda kuwa sii yaraanaya tan iyo markii ay ciidamada dawladda Suuriya qabsadeen xaafadaha caasimadda iyo magaalooyin ka kale sannadkii hore.
MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED & GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KUL AN GAAR LA QAATAY ODAYAASHA
Gudoomiyaha G/Shhacabka ee JFS Maxamed Mursal Sh.C/maan oo uu wehl iyo Madaxweynaha DGK/Galbeed Sooma aliya ayaa kulan gaar ah la qaatey Guddi ka socda golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u heshiisiinta ee Maamulka cusub ee DGKG/S uu ka bila abay Deegaanada maamulkan. Odayaa sha dhaqanka ayaa Gudoomiyaha G/shac abka iyo MdLafta Gareen u gudbiyay xaal adaha Guud ee deegaanada iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah ay deegaanada Maamulkan ka hirgasho.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka wax ay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo Xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan Dad ka deegaanadan iyo la shaqeynta Madax weynaha cusub iyo maamulkiisa.
Dhinaca kale MdLafta Garen ayaa od ayaasha dhaqanka uga mahad celiyay si da ay uga go’an tahay horumarka iyo Ma amul wanaaga deegaanadan, Isagoo bal an qaaday in maamulkiisa uu diyaar u yah ay in uu la fariisto cid walba oo tabasho Qabta si loo xaliyo deganaanshaha Dee gaankana looga wada shaqeeyo.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha shacabka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqan ka iyo guud ahaan bulshada deegaanad an, wuxuuna kula dardaarmay in wax wa lba laga Horumariyo danta dadka deega anka ayna la shaqeeyaan maamulka cus ub ee DGKGS si dadka DG/u helaan na
bad gelyo waarta iyo maamul wanaagsan.
MUWAADIN SOMALI HAYSTA DHALASHADDA DALKA BRITAIN IYO DHOWR QOF OO KALE OO LA XIRAY
Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Koox ka tirsan Ha y’addaha Ammaanka ee dalkaasi ee baar itaanka ku haya Weerarkii Hotelka Dusit D2 ay ballaariyaan Baaritaankooda, ka dib, markii ay Boliska Degmadda Kituya ee W/bari ee dalkaasi sheegeen inay gac anta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiray somali iyo Kenyan oo ku sugnaa 2 Hotel oo ku yaalla Degmadaasi.
Wargeysku waxa uu qoray in mid ka mid ah dadka la qabtay uu ka mid yahay Muwaadin Somali haysta Baasaboorka dalka Britain, waxaana Ninkaasi magicii sa lagu sheegay Muxiyadiin Xasan oo 47jir ah. Taliyaha Boliska Degmadda Kituya, Antooni Kamiyu waxa u u sheegay inay Ninkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay sha lay subax ka fuliyeen Hotellka lagu maga caabo Parkside Villa Hotel oo ku yaalla Degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Taliyahaasi waxa uu magacyadda sad dex kale ee ay hawlgalkaasi ku qabteen ku kala sheegay Muuse C/qaadir oo 25jir ah, Axmed Idris Maxamed oo 24jir ah iyo Maxamed Cabdi Cali oo 25jir ah. Wuxu una intaasi ku daray inuu Muuse C/qaadir haystay dhalashadda Kenya, hal ka lab ada kale aysan wax aqoonsi wadan in. Raggaasi la qabtay waxay sheeg een inay yihiin Gnaacsato dhinaca Shida alka.
WARIYEYAAL KA HAWLGALLA W/WARFAAFINTA SOMALILAND OO LAGU EEDEEY EY INAY BARAHA BULSHADDA WAX KU QOREEN
Suxufiyiin ka hawlgala w/warfaafinta So maliland ayaa lagu eedeeyey inay baraha bulshada qaarna wax ka dhan ah xukuu mada ku qoreen, qaaar kalena Like ama Comment ama share ku sameeyeen qora allo. Wariyeyaashan waxa shalay u yee dhay guddida anshaxa ee w/warfaafinta, waxaanay su’aallo ka waydiiyeen ujeeda da ay qoraalo ay qoreen uga jeedeen, hal ka kuwo kalena wax laga waydiiyey qora alo durayo xukuumadda ugu sameeyeen Like ama share.
Wariyeyaasha shalay guddida anshaxa ee wasaaradda la kulantay waxa ka mid ahaa Cabdicasiis Maydhax, Mubarak Ca bdi Yuusuf,Muna Ibrahim Dhakhtar, Nasi im Maxamed Muuse, Saciid Cagjar iyo Nuura Maxmed Nuur. Waa markii ugu ho reysay ee wariyeyaal wasaarada ka shaq eeya wax laga waydiiyo qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshada ee ay isticmaa laan, waxaana la sugayaa go’aanka ka soo saaraan guddida anshax marintu.
CIIDAMADA XOOGGA DALKA OO GACANTA KU DHIGAY XUBNO KA TIRSAN AL SHABAAB
Ciidamada xoogga dalka ayaa hawl gal shalay ay ka sameeyeen degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku soo qabtay 3 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, s ida uu sheegay Taliyaha Ururka 260aad guutada 9aad Qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka oo ka hawgala deegaana daasi Daahir Cali Mahame.Taliyaha ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadkan gac anta ay ku soo dhigeen ay ahaayeen ku wo shacabka ku dhibaateynayay wadoo yinka, islamarkaasina ay ahaayeen mad ax jabis.
Guud ahaan gobolada dalka waxaa ka socda howgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab oo dib looga xureynayo dee gaanada dalka ay kaga sugan yihiin.
Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala G/Bakool ayaa wada dadaalo ay uga hort agayaan boobka askareynta ah oo Al Sha baab ay ku haayaan carruurta dhigata du gsiydaa baadiyaha ah iyo kuwa xoolaha raaca
NIN FALASTIINI AH OO 100 MILYAN UGA DII DAY ISRAA'IL INUU UGA IIBSADO DHISME KU YAALLA DHULKA LA HEYSTO
Cabdul Ra’uuf Almuztasib , oo ah Fala stiinideggan M/Hebron ee galbeedka da anta Galbeed ee dhulka reer Falastiin ay aa ka diidday Israa’iili doon ayay inuu gu rigiisa uu uga iibiyo boqol mil yan oo doo llarka Mareykanka. Dhimaha lacagta aad ka u baddan lagu doonnayo ayaa ku yaa lla meel aan sida uga fogeyn masaajidka Ibraahimi ee mag aalada Hebron,wuxuu na iska diidday mulk iilaha dhismaha lac ag walba oo loo soo bandhigay. "Waxaan diidday boqol milyan oo doollar" ayuu yiri Muxtasib oo intaasi ku daray " Waxaan ku diiddi doonaa dham maan lacagta dunid da taalla oo dhan, ma na ku wareejinayo qiimahaasi iyo addu unka oo dhan dhu lkayga iyo dadkayga, laakiin lacagtu waa wax aad u wanaagsan balse waa marka ay nadiif tahay".
Almuztasib , oo la hadlay telfishinka Almaydeen ayaa waxaa uu sheegay in qiimaha hore uu ku billowday 6 milyan oo doollar, kahor inta aanu qiimaha sare ugu kicin 40 milyan oo doollar, balse markii u gu dambaysay loo gaaray qiimo dhan bo qol milyan oo doollar, isagoona ugu damb ayn sheegay in qiimahaasi iyo ka badan uu ku iibsan doonin dhulkaasi , taasi bad alkeeda uu sii ahaanayo waardiyaha mas aajidka khadiimka ee Ibaarhiimi.
Dadka Israa’iiliyiinta ee ku sugan mag aalada ayaa sidoo kalle u sheegay muwa adinkan Falastiiniga ah inay u fududayn doonaan safar uu ku tago dalalka Austr alia, Canada oo kaddibna ka billaabo gan acsi iyo nolol cusub, balse dalabkaasi ay uu diidday.
DIYAARADAHA QAADKA OO AAN KA DEGGIN PUNTLAND
Diyaaradaha qaadka ayaa maalintii afa aad ka deggin Puntland , kaddib markii uu sameeyey go'aan madaxwaynaha cusub ee Puntland uu ku joojiyay canshuur dha afka loo sameeyo ganacsatada oo qaad ka uu ka mid yahay canshuur dhimista la samayn jiray.
Waxaa la arkayay qaar ka mid ah goo baha lagu iibiyo qaadka ee ku yaalla mag aalada Boosaaso oo xiran, balse taas ka ma reebin deegaannada Puntland inuu soo gaaro qaadka, oo gaadiid ayaa maal mihii u dambeeyay ka keennayay koonf ur ta magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Ganacsatada soo dejin jirtay qaadka ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ku sugany ihiin magaalada xarunta ah ee Garoowe, iyagoo doonaya madaxweynaha cusub in ay kala hadlaan sidii wax looga baddeli lahaa go'aanka lagu joojiyay canshuur dhafka.Qaadka ugu badan waxa uu Pun tland uga yimaadda dalka Kenya, halka oo ay diyaarado ka keenan, kuwaas oo ga rsiiya dhammaan magaalooyinka waa weyn.
Waxaa jira dad soo dhaweeyay go'aanka madaxweynaha ee sababta u noqday in aysan ka soo deggin Puntland diyaaradihii qaadka keeni jiray, iyagoo xata ku baaqay in canshuur dheerad ah laga qaado gaadi idka qaadka soo galinaya, taas oo jirta ayaa haddana dad kale waxaa ay cambia reeyeen go'aanka madaxweynaha.
MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO MARKALE DAGAAL KAGA DHAWAAQAY DEGMADA DHOOBLEY
Ugu horayn Madaxweynahu wuxuu sal aan sharaf ka qaatay Cutubyo katirsan Cii damada isaga oo intaas kadib khudbad u jeediyay uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan. Madaxweynahu wuxuu sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maq an ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu suga yo wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xag ar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe isagoo sheegay in Ciidamadii shaq adaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.
Madaxweynaha waxaa uu hoosta ka xa riiqay in AlShabaab ay yihiin fulayo shaca bka u xoog weyn wuxuu tusaale usoo qaa tay Xasuuqii soobe oo uu sheegay in dad aan waxba galabsan ay ku laayeen.
Waxaa uu Madaxweynahu amaanay Ciid amada Saldhiga Baarsanguuni ee Degma da jamaame kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin geesiyo shacabkooda u hiiliyay, isa goo sheegay in Ciidamada Jubbaland howlgalka ay sii wadi donaan.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu Dowlada kenya uga tacsiyeeyay weerarkii dhawaan dadka aan waxba galabsan Alshabaab ay la beegsadeen,wuxuu intaas ku daray in Dowlada Kenya waxa shac abkeeda loo beegsanayo ay tahay in laga leexiyo howlgalka ay Soomaaliya ka wa daan iyo gurmadka ay Shacabka Sooma aliyeed u fidiyeen taas oo aan maranaba hakad ku iman doonin.
SHIR DHAQAALE LOOGU URUURINAYO SOMA LIA OO KA FURMAY LUBNAAN
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madax ka socota ururka Jaam aca da Carabta ayaa ka furmay maga alada Beyruut ee caasimada dalka Lub naan.Waxaana diirada lagu saarayay sidii dha qaale loogu uruurin lahaa dalalka ay daga allada la dageen ee Jaamacadda Ca rab ta, sida uu sheegay xoghayaha ururkaasi. Shirka ayaa la filayaa in sii gaar ah diirada loogu saaro dalalka Siiriya, So omaal ya, iyo Yemen oo ka mid ah dal alka ugu dar an ee ay ragaadiyeen colaad aha iyo daga aalada sokeeye.
Axmed Aboul Gheit xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xus ay in dhaqaalaha ka soo baxa dalalka Jaa macada Carabta lagu gargaari doono dad ka ay saameyeen colaadaha ka taagan sa ddexdaasi dal. Sidoo kale wax uu xusay in dhaqaalahan qeyb ka mid ah loo ade egsan doono dib u dhiska dalalkaasi oo si weyn ugu burburay dagaalada. Dalalka Ja amacadda Carabta ayaa si weyn u garab istaa dowladda federaalka ah ee Soomaa liya, iyagoona ka tageera dhinacyo kala duwan.
NINKII UGU CIMRIGA DHEERAA OO SHALAY GEERIYOODAY
Manta waxaa dunida isaga tagay oo ge eriyooday mid kamid ah ragii ugu cimriga dheeraa adduunka inta la ogyahay.
259 cisho oo kaliya ayaa laga jogaa mar kii la gudoonsiiyay shahaadada ninka dun ida ugu da’da weyn, diiwanka lagu qoro waxyaabaha dhif iyo naadirka ah ayuu sid aasi ku galay (Guinness World Records).
Waxaa lagu magacaabi jiray Masazo Non aka waxaa uuna u dhashay dalka Japan oo uu iminkaba ku geeriyooday, waxuu dhashay July 25, 1905
waaberigii shalay ayuu ku geeriyoo day gurigiisa xili uu hurdaaye sida ay Dai ly Mail u xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uuna jiray 113 sano. W/T: Cabdishakuur Maxa med Cabdulle (Abdishakur Gesey).
DARAWAL RAGG ALSHABAAB LOOGA SHAKI SAN YAHAY U GACAN GALIYAY DOWLADDA KENYA
Laba nin oo hubeysan islamarkaana doonayey inay dib ugu laabtaan Kenya ka dib safar ay ku tageen Somalia ayey pol ice Kenya ku xireen Countyga Garissa.
Labada nin ee la xiray oo Soomaali ah ay aa magacyadooda lagu sheegay Aden Hassan Mohammed oo 22 jir ah iyo Ibr ahim Ali Guyo oo 19 jir ah, waxaana xarig ooda fududeeyey darawal kaxeynayey ga ari Taxi ah oo ay soo kireysteen.
Ciidamadda ammaanka Kenya ayaa magaca Darawalkan qariyey sababo la xir iiro amnigiisa ayaa sheegay in raggaan uu kasoo qaaday goob lagu magacaabo Hoo singo oo ka tirsan Somalia.
Labada nin ee somalida ah islamarkaa na la xiray ayaa shirkadda ay gaariga ka
soo kireysteen u sheegay inay doonaya an in la geeyo Hamey oo ka tirsan dhulka Somalida.
Markii la gaaray Hamey ayey bedeleen rabitaankooda waxa ayna sheegeen inay doonayaan in la geeyo xerada qaxootiga Hagadera oo ku taallo gudaha dalka Ke nya. Darawalka kaxeeynayey gaariga Ta xi ga ah ee labadan ku safrayeen ayuu shaki weyn soo galay kadib markii ay rag an dalbadeen inuu ka fogaado waddooy inka waaweyn oo uu maro waddooyin aan la isticmaalin oo qarda jeex ah.
Intaas kadib darawalku waxa uu raadiyey xarun ay ku sugan yihiin Police waxa uuna ku wareejiyey ragan oo watay hub isagu jira bistoolad iyo rasaas aad u fara badan. Waxaa sidoo kale ragan hube ysan ay wateen oo ay Police ku ka haleen budo cad oo aan la garaneyn ujeeddada ay ka lahaayeen balse baaris dheerad ah ku sameynayaan ciidamada Kenya.
Saraakiisha sar sare ee Kenya ayaa wado baaritaano ku aadan shaqsiyaadkii ka lugta lahaa weerarkii lala beegsaday dhismaha Dusit Hotel oo ku yaallo M/Na irobi oo ku nafwaayeen 21 ruux, waxaana raggaan lagu sameyn baaritaano adag oo lagu ogaanayo inay ku lug lahaayen wee rarkaas iyo inkale.
DOWLADDA SUUDAAN OO MARTIGELINAYSA WADAXAAJOOD NABADEED
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Aldirdiri Maxamed Axmed waxa uu ku dhawaaqay inay toddobaadkan ma rti gelin doonaan Wareeg kale oo Wadaxaajoodka Nabadda ee dalka Afrikadda Dhexe (Central Africa Republic), kaasi oo ka furmi doona caasimadda Sudan ee Khartoum. Wasiirka waxa uu tilmaamay in ay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Ergooyin ka kala socda Dowladda Afr ikadda dhexe iyo 14 kooxood oo muca arad ku ah Dowladda dalkaasi.
Shirweynahaasi ayaa la filayaa inuu furmo bishan Janaayo 24da, sida uu Wa siirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Khartoum. Kulankaasi oo uu Ururka M/Afrika soo qabanqaabi yey ayaa la sheegay in looga hadli doono qoddobo ay ka mid yihiin: Iscafin Guud, Awoodqeybsiga Kooxaha Siyaasadda iyo Dhaq ancelinta iyo Heshiisiinta Dagalaamayaa sha Kooxaha ka dagaalama dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Su dan, Aldirdiri Maxamed Axmed waxa ka le oo uu sheegay in Xaqiijinta Ammanaka iyo Deganaanshaha dalka Afrikada Dhexe uu muhiim u yahay dalka Sudan. Si kastaba ha ahaatee, Kulanka ay Dowla dda Afrikada Dhexe iyo Kooxaha Muca aradka uga furmi doona magaallad da Khartoum ayaa ah Shirweynihii 2aad ee ay Dowladda Sudan martigeliso.
Bishii Augsut ee sannadkii hore ee 2018kii, Dowladda Sudan waxay martigelisay Kulan u dhexeeyey Kooxaha hubeysan ee SELEKA iyo BALAKA ee ku dagaalam ayo gudaha dalka Afrikada Dhexe
Tan iyo sanadkii 2013kii, waxaa dalkaasi ka socday Dagaal Diimeed iyo mid Qa baa’il, iyadoo dagaalka xooggan uu dhex maray Dagaalamayaasha Muslimiinta Hu beysan ee SELEKA iyo Maleeshiyadad Kirishtaanka ee BALAKA.
WASIIR HORE:”WAXAAN LA XANUUNSANA HAY LACAGO XAARAAN AH OO AAN QAATAY”
Wasiirkii hore ee wasaaradda boost aha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxam ed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in uu xanuuno ka qaadey lacago xaaraan ah oo uu qaatey muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaasi.
Waxa uu cafis ka dalbaday Shacabka Somaliland, waxa uuna sidoo kale ka cod saday in ay usoo duceeyaan si xanuuna da uu ka qaaday lacagaha uu sheegay in ay xaaranta yihiin. "Markaan sannad sha qeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kallid uu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeed na sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiigkar baad qabtaa, sannadkii saddexaad ba an shaqeeyay waan xanuunsaday dhakh tarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ay aaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu wa xaa weeye wax ka badan mushaharkii la guu qorey ayaa kusoo galay waa xaa ra an dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay” sida asi waxaa sheegay Maxamed Abgaal.
Puntland oo xayirtay Gaadiid xamuul ah oo u socday
Koonfurta Soomaaliya
Wararka naga soo gaaraya degaanka Xarfo oo ku yaalla Waqooyiga gobolka Mu dug ayaa sheegaya in Ciidanka Amma anka maamulka Puntland, ay halkaasi ku xayireen gaadiidu rararnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiid ka ayaa warbaahinta u sheegay in labad dii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xay irnaayeen degaanka ka dib markii lagu rogay Canshuur Xad dhaaf ah oo aysan bixin karin.
Gaadiidka ayaa horay u bixin jiray lac ag dhan $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale iyadoona wadar ta guud ee lacagtaasi ay noqonayso $60 Dollar. Maamulka Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug ayaa gaadiidleyda u sheegay in lacagtaan lagu difaaci doono G/Sool oo inta badan ay ku dag aalla maan M/mulSomaliland iyoPuntland.
YUUSUF GARAAD: CASHAR MA NOOGU JIRAA MAARYENTA WEERARKII DUSIT?
Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dus it labadaba waxaan joogay Nairobi. Wax aan daawanayay Telefishinka, dhegeysan ay ay idaacadaha, akhrinayay wargeysya da, dhex mushaaxayay saxaafadda bulsh ada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajn ebi.
Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xa taa shacabku ay wax weyn ka barteen we erarkii Westgate taas oo daliisheedu ay ta hay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit.
Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amn iga, saxaafadda iyo waliba dadka ad eeg sada saxaafadda bulshadu waxay ila tah ay in ay wax badan ka baran karaan howl galkii amni, kii maareynta xogta iyo kii sax aafadeed ee Dusit.
Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta
oo xataa ay iska dhegatireen sheega shada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona af jaraan weerarku waxay ahayd farsamo sa rreysa. Goobta lagu qabanayay shir sax aafadeedka macna weyn ayay gudbiney say. Mas’uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqa tay in aad looga fekeray.
Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsad een saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso.
Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqi ijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaal iyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqee yeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhi gin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed.
Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladda an oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon. Si ay ka muuqato mas’uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deg genaani kaashatay ay aa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, mid da ay tahay in dadwe ynaha lagu wargel iyo, tan ay tahay in dad weynaha looga di go, goorta la gudb inayo iyo goobta, mas ’uulka gudbi naya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan.Waxaan is leeyahay cashar ay sah lan tahay in lagu tababbarto ayaa Soo maaliya ugu jira – Dowlad iyo Shacabba. Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda.
JUBBALAND OO U DIGTAY DADKA KUNOOL DEGAANADA AY KU SUGAN YIHIIN SHABAAB
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa u digay dadka kunool degaanada ay ma amulaan dagaalyahanada AlShabaab ee ku yaalla gobolka Jubbadda Dhexe iyo si doo kale qeybo ka mid ah gobolka Jub badda Hoose. Afhayeenka Laamaha A mniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta u she egay in dadka Shacabka ah laga doona ayo in ay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin Shabaab.
Afhayeenka ayaa xusay in maamulka Jubbaland ay ka go’an tahay in sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto dhiba atooyinka ay ku hayaan AlShabaab, isl amarkaana dhawaan Ciidanka Jubbaland ay gaari doonaan. Ciidamada Jubbaland ayaa dhaqdhaaqyo Ciidan ka wadda deg aano ku yaalla gobolka Jubadda Hoose, waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in dhawaan ay tagi doonaan deg mada Bu’aalle oo ah xarunta ugu weyn AlShabaab ee Jubbaland.
ITOOBIYA OO XAQIIJISAY IN ASKAR LOOGA DILAY WEERARKII GOBOLKA BAAY
Hadalqoraal oo ka soo baxay Wasa aradda Difaac ee Ethiopia ayey ku xaqi ijiyeen inay Alshabaab weerareen Kolon yo Ciiddanka Ethiopia oo marayey Degma dda Buurhakabo, kuna sii jeeday M/ Baydhabo. Qoraalka waxa lagu beeniyey hadal ay Alshabaab ku sheegeen inaydhowr Askar Ethiopian ah ku dileen We erarkaasi, inkastoo Baraha Alshabaab la gu soo bandhigay Gaari Ural oo ay lahaa yeen Ciiddanka Ethiopia oo la gubay.
Hadalqoraal kale oo ay AMISOM soo saareen ayey ku sheegeen in weerarkaasi oo dhacay Jimcihii la soo dhaafay lagu dhaawacay 3 ka tirsan Ciiddanka AMIS OM, laguna dilay dhowr ka tirsan Alshaba ab, waa sida ay hadalka u dhigen.
Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia waxay ku hanjabtay inay Duullaan ballar an ku qaadi doonaan Dagaalamayaasha Alshab aab, balse lama sheegin nooca uu noqon doono Hawlgalkaasi. Dabayaaqadii bishii October ee saanna dkii, Alshabaab waxay sheegteen inay 30 Askar Ethiopian ah ku dileen gudaha som alia.
XILLIGA UU DHACAYO DAYAX MADOOBAAD KA UGU HOREEYA SANADKAN 2019 OO LA SHAACIYAY
Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya ma cluumaadka dayax madoobaad la she egay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qa ar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay "Bildhiig” .Day ax madoobaadku waxaa si fiican loo ga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Am eerika, qeeybo ka mid ah galbeedka Yur ub oo ay ka mid tahay UK iyo waqo oyiga Afrika.
Dayax madoobaadku wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa. Dayax Mado obaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka.
Habeenka uu dhacayo dayax madoobaad ka, waxaa kaloo la socda wax la yiraahdo "Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka guduudan ee uu yeelanayo dayaxa. Tani waxaa loo aanaynayaa iftii nka ka dhasha marka dahaarrada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex ma ro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg kan burtuqaalka (oranjada) ama casa an, kaasoo ku dhaca dayaxa.
Waxaa intaa dheer in dayax madoobaad kan uu dhici doono, ayadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabba ha wareegga ah ee uu ku socdo.
Dayax madoobaadku waxa uu billaaba nayaa Isniinta oo ay taarikhdu ku began tahay 21 Janaayo, iyadoo marka hore qee yb ka mid ah dayaxa madoobaan doono. Dayax madoobaadkan ayaa waxaa sidoo kale laga arki doonaa Waqooyi Galbeeed ee Faransiiska, Waqooyi Galbeed ee Spa in, Portugal iyo qeeybo ka mid ah Galb eedka Afrika.
Waxaa sidoo kale laga arki doonaa dham maan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, bariga Pacific iyo Waqooyibari Ruushka. Eegidda dax madoobaadka adigoon qalab ku eegeeynin waxba dhib ah malahan balse waxaa aad u khatar badan in la eego qorax madoobaadka.
Dhacdadaan ayaa ah fursaddii ugu damb eeysay ee ay cirbxiyeenada UK arkayaan dayax madoobaad tan iyo inta laga gaaro sanadka 2029ka. Xigasho;BBC
WERIYEYAAL U SHAQEYNAYAY IDAACADA ALSHABAAB OO LAGU DILAY DUQEYN
Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa soo bandhigtey magacyada qaar ka mid ah weriyaal ka howlgalayay idaacada ku hadasha codkaururka AlShabaab oo lagu diley weerar duqeyn ah.
Weriyaasha ka tirsanaa ururka AlShab aab ee duqeyntan lagu diley ayaa magic yadooda lagu kala sheegay Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan.
Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burburiyey Xaruntii Idaa cadda Al Shabaab taas oo ku taalay De gmada Jilib. Diyaaradaha Mareykanka oo kaashan aya Malatariga Soomaaliya ayaa kordhay duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigy ada AlShabaab ay ku leeyihiin qaar ka mid ah Gobalada dalka. Hase yeeshee du qeyn daraad laga fuliyey duleedka magaa lada Kismaayo ayaa dowlada Maraykanka ku sheegatay inay ku dishey in kabadan konton kamid ah dagaalamayaasha AlShabaab.
XISBIGA HIMILO QARAN EE UU HOGGAAM IYO MADAXWEYNIHII HORE SHARIIF OO SHIR UGA SOCDA NAIROBI
Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaami yo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa maalintii 3aad shir wada tashi uga socda M/Nair obi, shirkaasoo looga hadlayo qaab dhis meedka Xisbiga iyo qorshayaasha Xisb iga hiigsanayo mustaqbalka dhow.
Shirka wada tashiga ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro ho re, siyaasiyiin iyo Aqoonyahano xubin ka ah Xisbiga Himilo. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axm ed oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay xilligan ka bilaabato nidaamka xisbiya da badan oo ah nidaam aas aas u ah dow ladnimada iyo dimoqraadiyada.
Qaar ka mid ah xubnihii Xisbiga ayaa soo jeediyay talooyin iyo fikrado kala duw an oo ku saabsan sidii shirarka wadatash iga Xisbiga ay uga dhici lahaayeen guda ha Soomaaliya. Waxaa lagu wadaa in dhowaan magaalada Muqdisho ka dhac do shirweynaha Xisbiga iyo ku dhawaaqi stiisa Golayaasha uu yeelanayo iyo hog gaanadiisa, iyadoo la sameyn doono Gole Dhexe iyo Gole Fulin uu Xisbiga yeesho.
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Sh.Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu dalka dib uga soo laabto, isla markaa na u guda galo dhismaha Xisbiga Himilo Qaran, isagoo la filayo inuu safaro ku ta go Gobolada dalka.
MAREYKANKA OO LOOGU BAAQAY INUUSAN DHIMIN TIRADA CIIDDANKA KA JOOGA SOMALIA
Dowladda Britain ayaa la sheegay inay ka codsatay Maraykanka inuu ka laabto qorshaha lagu dhimayo Tirada Ciiddanka ka jooga Somalia, kadib, weerarkii ay Alsh abaab isbuucii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalladad Nairobi.
Wargeyska The Telegraph ee ka soo bax a magaalladda London ayaa qoray inay Saraakiil Difaaca oo Reer Galbeed u she egeen inay Britain kala xiriirtay Maraykan ka, kuna qancisay inay ka laabtaan qorsh ahaasi.
Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sannadkii hore sheegeen inay kalabar dhimi doono tirada Ciiddanka Khaaska ee Mraaykanka ee Hawlgalladda ee ku sugan Qaaradda Afrika 3da sanno ee soo socta.
2,000 oo Askar Maraykan ayaa Marayka nka ka jooga Qaaradda Afrika, kuwaasi oo 500 ka mid ah ay Saldhigyo ku leeyih iin gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gabs aday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen sar rimo la xiriira Hawlgalaldda Ciiddamka G aarka ee Maraykanka ka fuliyan Somalia.
Wargeyska The Telegraph waxa kale oo u uqoray inay Dowladda Britain marm arka qaarkooda qaadaan inay hoggaami yaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia.
Dowladda Britain oo taageero xooggan ka geysata Taageeridda Hawlgalka Nab adda Somalia waxay hakisay Taageera da AMISOM, iyadoo Dowladda Britain hal gan ugu jirto Qorshaha ay kaga bixi doon to Ururka Midowga Europe ee EUda, iya doo Dowladaha kale ee Isbahaysiga EUda sii wadaan Maalgelinta Somalia.
Ururka Midwoga Europe waxay 90% bixiyaan maalgelinta Ciiddanka AMISOM ee ay tiradoodu dhan tahay 20,000 o o Askari. Xigasho: telegraph.co.uk
HAWEENAY SOOMAALI AH OO KU JIRTA DADKII ABAABULAY WEERARKII NAIROBI
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska da lka
Kenya ayaa shaaciyay Haweenay Soo maali ah in ay ka qeyb ka aheyd dadkii ka
dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hot eelka Desit2 ee M.Nairobi todo baadkii la soo
dhaafay. Ciidanka Kenya ayaa G/W /Bari ee dalka Kenya ka bilaabay dad allo la
doonaayo in lagu soo qabto Maryan Ca bdi oo la sheegay in ay bixisay hubkii
lagu weeraray Hoteelka.
Maryan ayaa Ciidanka Booliska Kenya waxa ay sheegeen in hubka iyo Qaraxy ada ay ka qaaday Gudaha Soomaaliya, isl amarkaana ay geeysay Magaalada Nai robi oo ay ku sugnaayeen Kooxda Weerar ka qaaday.
Haweyneydaan ayaa wali gacanta lagu dhigin, waxaana wali socda howlgal balla aran oo lagu soo qabanaayo, Maadaama la aaminsan yahay in ay ku sugan tahay gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka ay degto Soomaalidu.
NIN AJNABI AH OO LAGU QABTAY GAROON KA MUQDISHO
Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ayaa ku warramaya in Shalay nin Ajnabi ah oo looga shakiyay in uu sido walxaha qarxa lagu qabtay Garo onkaasi. Ninkan ayaa la sheegay in lagu qabtay qeybta ugu dambeysa ee baarista Garoonka, xilli uu doonayay in uu ka dho ofo halkaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkani uu ku qornaa Flightka diyaarada Ethiopian Airlines, iyadoona la soo warinayo in laga reebay duulimaad kaasi. Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, iyagoona u soo gud biyay qeybta dambi baarista CIDda ee magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani dhalasho ahaan uu ka soo jeedo dalka Ko onfur Africka. Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faah faahin ah oo ay saraakiisha laa maha amnigu ka bixiyeen ninkaasi.
DFS ayaa wax badan ka bedashay am nigao Garoonka diyaaradaha Aadan Cad de, si loola socda dhaq dhaqaaqa dadka ka dhoofaya Garoonka iyo kuwa ka soo dagaya intaba.
DOWLADDA SOOMAALIYA IN DUQEYN LAGU DILAY WARIYAYAAL ALSHABAAB+MAGACYO
DFS ayaa sheegtay in duqeyn diyaar adadeed lagu dilay 5kamid ahaa Wariyay aasha Xaraka dda Alshabaab. Wakaalad da wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay aa lagu baahiyay in duqeyn ka dhacday Degmadda Jilib habeenkii habeen hore ahaa La gu Dilay Wariyayaasha islamarkaana la burburiyay xaruntii Radio Andulus ee Degmadaas.
Wariyayaasha la dilay waxaa kamid ah sida Dowladda Sheegtay Feysal Yare, Ma xamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Sey fulah iyo Xasan Cabdiraxmaan oo Gobol ka Gado u qaabilsanaa kaas markii danbe Jubada dhexe u wareegay.
Dhanka kale DS ayaa sheegtay in du qeymo kale oo ka dhacay Degmadda Bu’ aale lagu dilay hogaamiyayaal sare oo ka Tirsanaa Shabaab.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhan ka Shabaab oo loogu hadlaayo sheegada DSoomaaiya ee k u aaddan in duqeyn la gu dilay 5kamid ah wariyayaasha Shabab.
GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PUNTLAND OO GUDDI MAGACAABAY
Afhayeenka Gollaha Wakiilada Puntl and, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoo bo] ayaa shalay magacaabay Guddiga doorashada ee Guddiyada joogta ah ee Baarlamaanka maamulkaasi. Xubnaha Guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha ayaa ka kooban saddex xubnood oo ah Xildhibaano oo ka tirsan Gollaha Sharcide jinta.
Mudanayaasha xubinta ka ah Guddiga ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Diiriye Car ab, Muuse Xasan iyo Cali Axmed Saalax.
Xubnaha Guddiyada joogatada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa in ay ka koobnaadaan min 10 xubnood, oo leh saddex Gudoomiye, oo lagu xulayo ha naan awood qaybsiga gobolada dowlad goboleedkaa
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 21-KA JANNAAYO 2019-KA
TIRO KA MID AH CIIDAMADA QM EE JOOGA MALI OO WEERAR LAGU QAADAY Maleeshiyaad la sheegay inay gacan saar la leeyihiin ururka Al Qaacidda ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen waqooyiga dalka Mali halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada nabad ila