Ninkan ayaa ku nolaan jiray qolka sagaalaad waxaana halkaasi kula nolaayd haweenayda lagu magacaabo Violet Kemunto Omwoyo, taas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada la dagaalanka Argagaxisada ee (ATPU) habeenimadi taladada ahayd.
Cali Saalim ayaa bilkasta kiro ahaan u bixinjiray lacag u dhaxaysa 30,000 ilaa 40,000 mana aysan bixin lacagta kirada labadi bilood ee u dambaysay waxaana horay milkiilaha guriga uu ugu wargaliyay ciidamada boliiska in aysan alaabta ka daad guraysan guriga ilaa ay ka bixiyaan kirada guriga.
Subaxnimadii isniinta maalin un ka hor weerarka ayaa Mss Violet oo facebookeeda ku soo gasha (Junior Red) ayaa waxa ay ku shaacisay in ay iibinayso alaabta gurigooda, iyadoo intaasi sii raacisay in todobaad gudihii ay u guuri donaan magaalada caasimada ah ee Nairobi islamarkaan ay si deg deg ah u iibinayso laabta.
Saalim ayaa ahaa nin furfuran waxa uuna degaanka uu deganaa ka samaystay saxiibo dhowr ah balse Violet ayaa qarin jirtay wajigeeda iyadoo ku labisan jirtay Xijaab.
Sidoo kale barteeda bulshada ee Whatsapp waxaa u saarnaa sawir qof madaxiis oo ku labisan xijaab madow.
Waxa ay sidoo kale labadan lamaane jeclaayeeen cunista hilibka lo’da mana jirin maalin dhalata oo uusan saalim hilib ka soo gadan kawaanle ku yaala banaanka hore ee gurigiisa.
Gaariga Saalim ee noociisu ahaa Toyota Ractis ayaa ka mid ahaa gawaarida loo adeegsaday weerarka, balse waxaa lagu isticmaalay taariko been abuur ah oo numberkoodu ahaa KCN 340E
Kenya Oo Shaacishay Magacyada & Halka Ay Ku Noolaayeen Ragii Weeraray Hotel DusitD2 Ee Nairobi
Waxaa lasoo bandhigay qaar ka mid ah Magac-yada dadkii weerarka ku qaaday Hotelka DusitD2. Cali Saalim Gichunge oo loo yaqaano magaca Idiris ama Faruuq kaas oo ka mid ahaa ragii weeraray hoteelka DusitD2 ee magalada Nairobi ayaa la ogaaday in uu ku