Hase ahaatee, qorista waxaa si xun uga saameeyey duqeyn loo geeystay xarun tabababar oo ay Al-Shabaab ku leedahay Hiiraan, 2015-kii; tani waxa ay ka dhigan tahay duqeymo sanadkan loo geysto in ay sii xumeyn doonaan shqaalayna Al-Shabaab ee ciidamada.
Tababarka
Tababarka aas aasiga ah ee dagaalayahanada cusub ee la qoray waxa uu socdaa lix bilood, waxaa ka mid ah barista daraasaad hubka fudud kuwo ku saabsan, tababar jireed. Tababarka saaakiisha waxa uu socdaa 9 bilood. Tababarka Al-Shabaab ee saraakiisa waxaa ka mid ah: Sida duurka loogu dagaalamo, la isaga ilaaliyo in la dareemo, dhul qodista iyo iwm; sida ciidamada dagaalada loo galiyo iyo la socodka hubka iyo sida dib u gurushada loo sameeyo.
Sarkaal tababar sarkaalnimo la qaatay 10 kale oo Al-Shabaab ah ayaa sheegay in la baray kaartooyinka ku dhufo oo ka dhaqaaq-da ah, sahanka iyo qaraxyada,; iyada oo uu ujeedku yahay si la isaga dhiciyo cadaw xoog badan; qalabka tababarka waxaa bixiyey Al-Qaacida.
Makaaniko-nimada iyo darawalnimada daraasado ku saabsan ayaa la siiyaa kuwa ay soo xulaan abaanduuleyaasha goobaha dagaalka ku jira. Shuruudaha waxaa ka mid ah in ay geesiyiin yihiin oo ay diyaar u yihiin in ay ku shaqeeyaan dagaalka iyaga oo aan xabbad rideen. Koorso kasta oo tababar waxaa la siiyaa 40-60 darawal iyo 8-12 makaanik.
Koorsoyinka darawalnimada waxaa lagu bixiyaa gawaarida gaboobay ee aan la rabin. Makaanigga waa in uu leeyahay laba sano oo khibrad geerej ah kahor inta aan la siin tababar sare oo ay bixiso Al-Shabaab.
Sidee Al-Shabaab U Qortaan Ciidamada Una Tababaraan?
Warbixin uu diyaariyey machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa faah-faahin ka bixisay sida Al-Shabaab ay u qorato ciidamada, islamarkaana u tababarto. Qorista Sanadihii hore, Al-Shabaab waxa ay qorashada ciidankeeda ugu tiirsaneyd Muqdisho iyo m