
Real Madrid iyo Liverpool oo Man United kula dagaallamaya saxiixa xiddig reer Brazil ah
Real Madrid ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qayb kasoo noqotay loollanka loogu jiro difaaca kooxda Porto ee Eder Militao.
Difaaca reer Brazil ayaa ka mid ah xiddigaha loogu doonista badanyahay suuqa kala iibsiga, iyadoo kooxaha waaweyn ee Europe ay isha la raacayaan.
Laba toddobaad ka hor, Liverpool ayaa kula soo biirtay Manchester United xiisaha ay u qabaan Militao, Los Blancos ayaana hadda saddex kusoo noqotay.
Da’yarkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah lasoo baxay, isagoo lagu tilmaamo inuu yahay dagaalyahan, qaab ciyaareed ahaanna shabbaha Pepe oo horay Real Madrid ugu soo ciyaaray.
Lacag dhan £42.5m ayaa xiddiggan lagu iibsan karaa, waxaana xusid mudan in lacagtaas ay tahay midda heshiiskiisa lagu burburin karo.
Kooxda Porto ayaa dooneysa inuu heshiis cusub qalinka ku duugo, si qiimaha heshiiskiisa lagu jebin karo ay sare ugu kacdo, inkastoo xagaagii uu saxiixay heshiis gaaraya illaa 2023.
20-sano jirkan ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Manchester City, Barcelona, Roma iyo Borussia Dortmund, hase ahaatee, waxaa ugu cadcad Manchester United, Real Madrid iyo Liverpool.
Real Madrid iyo Liverpool oo Man United kula dagaallamaya saxiixa xiddig reer Brazil ah
Real Madrid ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qayb kasoo noqotay loollanka loogu jiro difaaca kooxda Porto ee Eder Militao. Difaaca reer Brazil ayaa ka mid ah xiddigaha loogu doonista badanyahay suuqa kala iibsiga, iyadoo kooxaha waaweyn ee Europe