
Dhimashada Xujeyda oo gaartay 453 qof iyo dhaawaca 719 kale
Waxaa isa soo taraaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay isdardarkii maanta ka dhacay duleedka Magaalada Makka, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada 453 ruux iyo dhaawaca 719 kale. Isdardarkan amaba isbuurashadan, ayaa ka dhacday Mina oo qiyaastii
5km u jirta Magaalada barakaysan ee Makka. Waaxda Difaaca Sacuudiga ayaa
qoraal ku sheegtay inay soo badanayan dadka ku waxyeeloobay
isbuurashada.
Waxaa laga cabsi qabaa inay intaa ka badato tirada dhimashada ee iminka laga warqabo, iyadoo gargaar bani’aadanimo loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay isbuurashadaasi.
Tani waxay ku soo aadaysaa, xilli maanta loo dabaaldegayo maalinta 1-aad ee Ciidul Adxaa, iyadoo dhammaan Muslimiinta caalamka ku nool ay ciidayan.
In ka badan laba milyan oo Muslimiin ah, ayaa ka qayb qaadanaya acmaasha Xajka. Xajka waa rugni ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.
wixii warar ah inagu soo kordha dib ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa insha allaah


0 



Dhimashada Xujeyda oo gaartay 453 qof iyo dhaawaca 719 kale
Waxaa isa soo taraaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay isdardarkii maanta ka dhacay duleedka Magaalada Makka, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada 453 ruux iyo dhaawaca 719 kale.