Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socota Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay General Antonio Maggi Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababarada siiya Ciidamada Xoogga dalka, waxaana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta tababarada iyo taakuleynta Midowga Yurub ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiir Diini ayaa uga mahad celiyay
taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu
sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan
dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed. Isagoo tilmaamay in
sanadkan 2016 la kordhin doono tababarada si kor loogu qaado xirfada iyo
aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
" Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo
Midowga Yurub waa mid wanaagsan. Waxeey nagala qeyb qadanayaan
dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka oo matala dhamaan bulshada qeybaheeda
kala duwan. Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo aqlaaq leh oo sidoo
kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Wasiir Diini.
Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee
tababarida ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an
tahay taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo
ballan-qaaday inay kordhin doonaan tababarada ciidanka xoogga dalka
Somalia.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha Midowga Yurub
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socota Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay General Antonio Maggi Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababarada siiy