
Sanadguuradii 10aad ee aasaaskii Daladda Bulshadda Rayidka ee Ex Banaadir oo Muqdisho lagu Qabtay
Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Cabdulaahi Ugaas Saalax, Siyaasiyiin, Culumaa’udiin, haween iyo dhalinyaro ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho.
Munaasabadaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii Daladda Ururadda Bulshada Rayidka ah ee Ex Banaadir 10kii sano ee ay dhisneyd iyo u diyaargarowgga sanadka 11aad ee jiritaankeeda iyo sida loogu baahan yahay in dib loo eego wixii u qabsoomay iyo wixii aanan u qabsoomin iyo waliba sida ay daladda mar kale u heli laheyd taageero ku aadan bulshada deegaanka Ex banaadir.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Daladda Ex Banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, isagoo ka hadlay marxaladihii ay soo martay 10kii sanno ee la soo dhaafay iyo wax qabadkeedii waxaana uu xusay in daladdu uu aas aasay alaha u naxariistee Marxuum Jeneraal Axmed Jilacoow Caddow oo ay dishay gacan ka gardaran.
Sidoo kale waxaa iyagana munsabadaasi ka hadlay Imaam Maxamed Yuusuf Cali Ugaas Maxamuud cali Ugaas Cabdulle, Ugaas Cabdulaahi Ugaas Saalax , Shiikh Muuse Macalin Cagaweyne,Nabadoon Shiikh Axmed Abuukar Gaaboow Drs Ruqiya Cali Cabdulle, Marwo Sahro C/lle, iyo xubno kale kuwaasi oo si weyn uga hadlay waxqabadka hadda Daladda Ururadda Bulshadda Rayidka ah oo ay ku mideysan yihiin guud ahaan dalado badan.
Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka hadlay R/Wasaarihii hore ee Soomaliya Prof Cali Maxamed Geedi, isagoo ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeediyay masuuliyiinta daladda Ururadda bulshadda iyo qabanqaabadda munaasabadaan iyo intii gacan ka geeysatay, waxaana uu amaanay waxqabadka daladda 10kii sanno ee ay jirtay isagoo sheegay in loo huray naf iyo maal haatana loo bahan yahay in la sii labalaabo si loo gaaro yoolka ay hiigsaneyso daladda.
Prof Cali Maxamed Geedi waxaa uu ugu baaqay masuuliyiinta daladda in ay bulshadda ugu adeegaan cadaalad iyo sinaan hawshooddana u gutaan si wadaninimo ay ku jirto, isagoo ugu hambalyeeyay mudadda haatan loogu kordhiyay oo dhan 4ta sanno ee soo socta, isagoo ugu baaqay in ay dardargelin wax qabadkooda sanadaha soo socdda.
Wuxuu hoosta ka xariiqay si sidaas si la mid ah ay ku nafwaayeen xubno ka tirsanaa daladdaasi kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cumar dheere, Marxuum Abuukar Xasan Kadaf iyo marxuumad Saynab Socdaal kuwaasi oo naftoodda ku waayay iyagoo bulshadoodda u adeegaaya.
Masuuliyiinta ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigeen waxqabdkii Daladda iyo hawlihii ay soo qabatay 10kii sanno ee la soo dhaafay waxayna u qornaayeen sidaan:
Deladda Bulshadda Rayidka ah ee Ex banaadir waxaa la aas aasay 2006dii waxaana aas aasay Marxuum Jeneraal Axmed Jilacoow Caddow, waxayna ku guuleeysatay Isku furidda Deegaano badan oo kala xerxeraa kuwaasi oo u dhaxeeyay siyaasado isdiidan, iyadoo sidoo kale ka shaqeysay sidii siyaasiyiinta ayagoo mideysan ugu adeegi lahaayeen Bulshadda ay matalaan.
Dallada waxaa kaloo ay ka qeyb qaadatay sidii dawladda Soomaaliyeed u hanana laheyd Nabadda iyo horumarinta bulshadda ku dhaqan ex banaadir 2006dii, iyadoo xoogga saartay sidii ay muqdisho ugu soo guuri laheyd taas oo fadhigeedu ahaa baydhaba, waxayna sidoo kale har iyo habeen ugu hawlgashay sidii nabad iyo Nolol wanaagsan dadka iyo dalka loogu heli lahaa.
Masuuliyiinta dalladda Ex Banadir waxaa ay ka qeyb qaadatay sidii wax loogu qaban lahaa dadkii ay saameyeen aabaarihii ka dhacay dalka 2010kii, waxayna garab istaagtay sameynta dawladnimadda iyo sidii loo heli lahaa Nidaam iyo kala dambeyn loogu wada shaqeyn lahaa.
Sidoo kale daladda Ex Banaadir waxaa kaloo ay u hawlgashay kana qeyb qaadatay munasabadaha heerka qaran ah ee dalka ka dhacay, waxay Xoojineysaa kana shaqeynaysaa hawlaheedda iyadoo kaashaneysa bulshadda ku dhaqan deegaanadda Ex Banaadir, waxayna u olollaleyneysaa Nabadda iyo wax u qabashadda dadka tabaaleysan, waxayna si weyn u soo dhaweyneysaa in dalka Soomaaliya doorasho xor ah ka dhacddo sanadka 2016ka, taas oo ku timaadda hab leysku waafaqsan yahay oo sharci ah.
Nasuuliyiinta Dalladdu waxay sidoo kale soo dhaweyneysaa Maamul goboledyada haatan dhisan iyo in la dedejiyo kuwa dhismaaya iyadoo la raacayo sharciga federaalka waxayna raali ka tahay kana mahad celineysaa Hawlgalada ururka midowga Afrika ee AMISOM, waxayna ka tacsiyeyneysaa Khasarihii dhimashadda iyo dhaawaca lahaa ee ay u geesteen kooxda Shabaab, waxayna baaq deg deg ah u soo jeedineysaa Guud ahaan umadda Soomaaliyeed inay ilaashaddaan diintoodda iyo sharaftoodda iyo wada jirka midnimadda umadda Soomaaliyeed.
Daladu waxay ugu dambeeyntii Codsi u soo jeedineysaa odoyaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka inay masuuliyiinta daladda u sameyaan Muddo kordhin u sameeyaan ururadda kala duwan ee daladda iyo madaxdoodda taas oo dhan 4ta Sanno ee soo socota si loo dardar geliyo hawlaha kala duwan ee daladda Ex Banaadir waxaana mar kale leysku waafaqay in uu xilkeedda sii haayo Gudoomiyaha Daladda Ex Banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax.
































0 



Sanadguuradii 10aad ee aasaaskii Daladda Bulshadda Rayidka ee Ex Banaadir oo Muqdisho lagu Qabtay
Munaasabad Balaaran oo lagu maamuusaayay sanadguuradii 10 aad ee ka soo wareegtay aas aaskii Daladda Ururadda Bulshadda Rayidka ah ee Ex Banaadir ayna ka qeyab galeen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra'iisal Wasaarihii hore ee dawladda Soomaaliya P