
Danjire Kay: "Soomaaliya waa ka dhici karaa dagaalkii Gaalkacyo oo kale, balse ma aha mid burburinaya hannaanka Federaalka"
Nicholas Kay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya oo 20-sano ka badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye ay u aragtay nidaamka federaalka inuu yahay midka ay uga bixi karaan dhibaatada ragaadisay.
"Soomaaliya waa ka dhici karaa dagaalkii Gaalkacyo oo kale, balse ma aha mid burburinaya hannaanka Federaalka” ayuu yiri Ambassador Nicholas Kay oo u waramayay BBC-da.
Mar uu ka hadlayay doorka beesha caalamka, waxa uu sheegay Nicholas Kay in muddo laba sano iyo bar ay dadaal ugu jireen sidii xal looga gaari lahaa mushkiladda siyaasadeed, wuxuuna tilmaamay inay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ka gacan siiyeen 3-arrimood oo muhiim u ahaa maamulka Federaaliga ah.
Wuxuu sheegay in madaxda Soomaalida haatan ay ka arrinsanayaan hiigsiga sanadka 2016-ka iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, taasina wuxuu sheegay Danjiraha inay meel fiican mareyso.
Dhinaca kale Mr. Kay ayaa mar uu ka hadlayay ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama inuu awood u leeyahay kahortageda hannaanka dowladnimada Soomaaliya ee dalka ku baahaya, wuxuu sheegay in Al-Shabaab oo ah urur argagixiso aan looga hortegi karin milateri ahaan.
"Way adag tahay urur argagixiso oo sida Al-Shabaab ah looga hortago milateri ahaan kaliya” ayuu yiri Nicholas Kay oo sheegay in kooxdaani aanay ahayn awood khatar ku ah hannaanka dowladnimada Soomaalida ee dalka laga hirgelinayo.


0 



Danjire Kay: "Soomaaliya waa ka dhici karaa dagaalkii Gaalkacyo oo kale, balse ma aha mid burburinaya hannaanka Federaalka"
Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u fadhiyay dalka Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa ka hadlay isbedelka siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya, hannaanka federaalka iyo dagaalada ururka Al-Shabaab.