
Daawo Sawirada: Askari Yuhuudi ah oo toogtay Gabar 18 jir reer Falastiin ah
Askari Yuhuudi ah oo wata Qori ayaa Hadeel Salah al-Hashlamon ku qabtay qoriga isaga oo ku eedeynaya inay doonayso inay disho isaga, wuxuuna ku dhuftay rasaas.
Hadeel Salah al-Hashlamon, ayaa dhulka ku dhacday, waxaana xilliga falkaan uu dhacaayay laga qaaday Sawiro muujinaya tacadiga ciidanka Yuhuuda ah ay ku hayaan dadka Muslimiinta ee Reer Falastiin.
Falkaan oo ah mid argagax badan ayaa dhacay shalay, waxaana aad uga xumaaday ehelada gabadha yar ee la toogtay dhalay, inkastoo aysan sameyn karin ficil aar gudasho ah.
Askariga falka dilka ah geystay ayaa ku doodaya inuu is difaacayay oo Hadeel Salah al-Hashlamon, iska difaacaayay xilli uu sheegaayo inay wadatay Mindi oo ay doonaysay inay ku disho.
Goobta falkaan uu ka dhacay ayaa ah goob Koontarool ah oo ciidamada Yuhuuda ay fariistaan, balse dadka shacabka ah ay maraan.
Ciidamada Yuhuuda ayaa tacadi kala duwan u gaysta shacabka reer Falastiin ee u dagaalamaya Xuriyada dhulka ay xooga ku haystaan ciidanka Yuhuuda.




0 







Daawo Sawirada: Askari Yuhuudi ah oo toogtay Gabar 18 jir reer Falastiin ah
Askari Yuhuudi ah ayaa toogtay shalay gabar 18 sano jir ah oo u dhalatay dalka Falastiin, xilli ay ka soo baxday Jaamacad ay dhiganaysay Magaalada Hebron ee daanta Galbeed.