Uhuru Kenyatta oo baadigoobayo isbahaysiga dalalka deriska, si ay guluf ugu qaadaan Alshabaab.

0
Tuesday January 19, 2016 - 11:24:52 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta oo baadigoobayo isbahaysiga dalalka deriska, si ay guluf ugu qaadaan Alshabaab.

    Uhuru Kenyatta ayaa si carro leh uga hadlay weerarkii ay Alshabaab dhawaan ku qaadeen Saldhig ay Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, wuxuuna sheegay inaan marnaba Ciiddankiisa laga soo saari doonin Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uhuru Kenyatta ayaa si carro leh uga hadlay weerarkii ay Alshabaab dhawaan ku qaadeen Saldhig ay Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, wuxuuna sheegay inaan marnaba Ciiddankiisa laga soo saari doonin Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Alshabaab heli doonin nasasho, isla markaana la kordhin doono weeraradda ka dhanka ah, waa sida uu hadalka u yiri.

"Kuwa weerarka nagu soo qaaday, waxay u maleeyaan inay na cabsi gelin karaan, ma heli doonaan fursad ay ku neefsadaan,kuna nastaan” ayuu yiri Uhuru Kenyattaoo shalay ka hadlay Isku-soo-bax shalay ka dhacay Dugsiga Hoose ee Langa Baya ee Degmadda Killifi.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inuu badaigoobayo Isbahaysi Ballaaran oo Dowladaha deriska ah, si dagaal mideysan iyo guluf ugu qaadaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Aadan Barre Ducaale oo Aqlabiyad ku leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay u codeeyaan haddii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta codsado in la kordhiyo Ciiddanka Kenya ka jooga gudaha Somalia.

Waxa kaloo uu sheegay haddii la daadiyo dhiigga Askarta Kenya inay toban jeer u aar-gudi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, Askarta Kenya ayaa la sheegay inuu khasaaro xooggan ka soo gaaray weerarkii ugu dambeeyey ee ay Alshabaab la beegsadeen, marka loo barbar dhigo weeraradii hore ee lagu qaadi jirey tan iyo markii ay Askarta Kenya soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip