Korneyl Aadan Rufle oo sheegay caradii Kenya ay ka qaaday weerarkii Ceelcadde inay ku laysay dad shacab ah

0
Tuesday January 19, 2016 - 11:05:45 in Wararka by
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Korneyl Aadan Rufle oo sheegay caradii Kenya ay ka qaaday weerarkii Ceelcadde inay ku laysay dad shacab ah

    Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Subaxnimadii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay Shabaab ay ku qaaden Saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa Diyaaradaha Dagaalka Kenya waxa ay Duqeymo aanan kala joogsi laheyn ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Subaxnimadii Jimcaha ee aynu soo dhaafnay Shabaab ay ku qaaden Saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ayaa Diyaaradaha Dagaalka Kenya waxa ay Duqeymo aanan kala joogsi laheyn ka wadeen Deegaano ku dhaw Degmada Ceelcadde.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa si cadho leh uga hadlay Duqeymaha Kenya ay ku laynayso dadka shacabka ah ee ku nool Gobolkaasi oo qaarkood ka cararay Degmada Ceelcadde, kadibna Duurka galay, balse Diyaaradaha dagaalka Kenya ay duurka uga daba tageen oo ay ku duqeeyen.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay cadhadii Kenya ay ka qaaday weerarkii Ceelcadde inay kula dul dhacday dadka shacabka ah oo Diyaaradaha Kenya ay laayeen dad maati ah.

Aadan Rufle, ayaa sheegay tan iyo maalintii Jicmaha Duqeymaha ay bilaabeen Diyaaradaha Dagaalka Kenya inay ku laayeen dad shacab ah oo gaaraya 17 ruux inta ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ku dhawaad 30 ruux oo dhaawac ahna ay jiraan oo qaarkood weli dhiig baxaya oo aanan haysan daawooyin iyo Daryeel caafimaad.

Ururka Midowga Afrika ayuu ugu baaqay inay Guddi Xaqiiqo raadin ah u diraan Deeganada Diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeynta ku garaacayaan, si loo soo arko dhibaatada ay geysanayaan.

Kenya ayaa lagu yaqaanaa marka ciidamadooda jab culus lagu gaarsiiyo Dagaalka inay dadka shacabka ah ee Reer miyiga ah ku asqeeyaan Duqeyn aanan loo meel dayin oo Bulshada ay dhibaato ka soo gaarto.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip