Sida laga soo xigtay ilo militari, weerarka Ceelcadde waxaa loo muuqaal ekeysiiyay/isticmaalay qaababka sare, ee ay weerarada u adeegsato Daacishta Ciraaq.
Wargeyska afka dheer ee ka soo baxa Magaalada Nairobi ee Standardmedia, ayaa qoray in Saraakiisha Militariga Kenya, ay baarayaan doorka Daacish-ta Shaam ay ku leedahay weerarkaasi.
Jariirada Globalsecurity, ayaa waxay tebisay in khuburada ammaanka ay baarayaan, gaadiidkii loo adeegsaday weerarada ismiidaaminta ee lagu galay Xerada Ceelcadde.
Khuburada, ayaa sheegay in qaraxyada macmalka ee gawaaridaasi loo adeegsay, ay muddooyinkii ugu dambeysay Daacish u adeegsaneysay weerarada. Gaadiidka qaraxyada lagu fuliyay ayaa sidoo kale loo adeegsaday sunta rasaasta.
Khuburada, ayaa sheegay in qaraxyada la macmalay ay tahay farsamada kordheysa ee Daacish u adeegsato weerarada. Qaraxyada ay Daacish u adeegsato weeraradaan waxay dhibaatayn karayaan dadka ku sugan masaafo dhan laba boqol oo tallaabo.
Waxa sababay inuu kordho khasaaraha ballaaran ee Ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkaasi, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ka dhalatay sunta rasaasta. Suntaasi ayaa sida la sheegay dhex gashay jirka Ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya, General Joseph Boinnet, ayaa bishii December sheegay in Ururka Al Shabaab uu u kala jabay laba garab, oo kala taabacsan Daacish iyo Al Qaacidda, waxaana uu xilligaa ka digay in Daacish ay qorsheyneyso weeraro ka dhan ah Kenya.



0 



Kenya "Daacish ayaa ku lug leh weerarkii Degmada Ceelcadde"
Kenya, ayaa waxay dareen wayn ka qabtaa in Ururka Daacish uu ka dambeeyay weerarka uu dhiigga badani ku daatay, ee Jimcihii lagu qaaday Xerada Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo.