
220 qof oo ku dhimatay isbuurasho maanta ka dhacday Xajka (SAWIRRO)
220 qof, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, halka 400 oo kalana ay ku dhaawacantay, markii maanta isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5km u jirta Magaalada barakaysan ee Makka. Saraakiisha Sacuudiga, ayaa sheegay in 220 qof geeriyootay, iyagoo
gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka
dhacday Mina.
Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, ayaa qoraal ay ku baahisay bogga ay ku lee dahay Twitter-ka ku sheegtay in 400 oo kalana ay ku dhaawacantay isbuurashadaasi.
Waa tiradii ugu badneyd oo sanadkan ku dhimata dalka Sacuudiga, tan iyo markii ay bilaabatay acmaasha Xajka. In ka badan laba milyan oo Muslimiin ah, ayaa sanadkan Sacuudiga u tagtey gudashada waajibaadka Xajka.


0 









220 qof oo ku dhimatay isbuurasho maanta ka dhacday Xajka (SAWIRRO)
220 qof, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, halka 400 oo kalana ay ku dhaawacantay, markii maanta isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5km u jirta Magaalada barakaysan ee Makka.