Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya oo la wareegay Xafiiska Shaqada (SAWIRRO)

0
Tuesday January 19, 2016 - 10:27:55 in Wararka by
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya oo la wareegay Xafiiska Shaqada (SAWIRRO)

    Wakiilka cusub Qaramada Midoobe ee Somaliya, Amb. Michael Keating oo Isniintii shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu la wareegay Xafiiska Shaqada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka cusub Qaramada Midoobe ee Somaliya, Amb. Michael Keating oo Isniintii shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu la wareegay Xafiiska Shaqada.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska UNSOM, ayaa waxaa lagu sheegay in Wakiilka cusub uu si rasmi ihi ula wareegay Xafiiska Shaqada, tan iyo markii uu 29-kii bishii December uu baneeyay Amb. Nicholas Kay.

Wakiilka, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo ka hadlaayay soo dhawaynta Wakiilka loogu sameeyay Garoonka Aadan Cadde, ayaa gacmo furan ugu yeeray inuu ugu soo dhawaado Magaalada Muqdisho.

Michael Keating, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu ka shaqo bilaabo dalka Somaliya, xilli laga suggaayo inuu Dowladda Somaliya kala shaqeeyo, sidii ay kaga gudbi laheyd marxaladda habraaca kala guurka, meeshii lagu gaaro bisha August iyo dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka.

Amb. Keating, ayaa ku dhashay Magaalada Kampala (1959-kii), wuxuuna wax ku soo bartay Magaalada London, muddo dheer ayuuna la soo shaqaynaayay Qaramada Midoobe. Waxaanu Qaramada Midoobe uu kaga soo shaqeeyay Wadamada Pakistan, Afghanistan, Malawi & Israel.

Keating


Keating1
Keating2
Keating3
Keating4
Keating5
Keating6Keating
Keating7
Keating8
Keating9
Keating91
Keating92





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip