Waxa uu tilmaamay Shariif Xasan in shacabka Koonfur Galbeed ay yihiin kuwo nabadda jecel, ilaaliya wada deganaanshiyaha iyo is dhexgalka bulshada, sidaa darteedna ay doonayaan in illaa Soomaalida oo dhan laga tiriyo wax lagu qeybsado nidaamka beelaha si aysan u dhicin dad la qadiyo ama laga tago waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Shacabka Koonfur Galbeed waa kuwo jecel nabadda, is dhexgalka, wada deganaanshiyaha iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed, hadaba annaga waxaan taageersannahay in illaa Soomaalida laga tiranayo aan laga gudbin nidaamka 4.5” ayuu yiri Shariif Xasan .
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, ayaa hadalkaan ka sheegay Magaaladaasi xilli uu Saxaafadda uga warbixinaayay waxyaabaha uu kala soo kulmay Shirkii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee Magaalada Kismaayo.
Isaga oo hadalka siiwata Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxa uu ka hadlay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Ceelcadde ee Askarta badan ee Kenyan-ka ah ay ku dileen, wuxuuna Kenya uga tacsiyadeeyay Khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray.
Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa ku kala aragti duwan hanaanka lagu saleyn doono Doorashada la filaayo in dalka Somaliya ka dhacda sanadkan.



0 



Shariif Xasan Sheekh Aadan "Ilaa Somalida laga tiriyo waxaan taageersanahay nidaamka 4.5"
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay mar waliba taageersan yihiin in wax lagu qaybsado Nidaamka 4.5.