
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-KA JANNAAYO 2016-KA
Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlaman ka, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Wadatashiyada madaxda ayaa lagu wadaa in dhowaan ay halkoodii ka sii socdaan sii loo helo aragti mideysan oo ku saabsan doorashada ka dhacaysa dalka sannadkan.
MADAXWEYNAHA OO SHALAY KULANKII UGU HORREEYAY LA YEESHAY WAKIILKA CUSUB EE QARAMADA MIDOOBAY EE ARRIMAHA SOOMAALIYA
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilk cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating.
Madaxweynaha ayaa wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.
Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Keating oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey dalka.
Mr Keating waa diblomaasi u dhashey dalka Britain, waxaana uu beddelayaa Mr Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, oo muddadi uu xilka hayey ay dhammaatey.
Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka kala socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
R.WASAARE CUMAR OO CAMBAARE EYEY WEERARKII ARGAGIXISO EE LAGU QAADAY CIIDAMADDA AMISOM EE KU SUGAN CEELCADDE
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee kooxda Alshabaab ay ku qaadeen fariisin ay Ciidamadda AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Ceelcadde ee gobolka Gedo.
"Waxaan tacsi u dirayaa ehelada askartii naftooda ku waayay weerarkii CeelCadde, shacabka iyo Jamhuuriyadda Kenya, ciidanka AMISOM waxa ay Soomaaliya u joogaan dib u soo celinta xasiloonida iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa tilmaamay weerarada nafla caariga ah ee ay geysnayaan Kooxaha Argagixisadu in Soomaaliya aysan ka weecin doonin horumarka ay gaareyso, isagoo xusay in guud ahaan dalka laga sifeyn doono waqti dhow haraadiga Nabad diidka.
"Sida muuqata argagixisada waxaa saaran culeys weyn, iyagoo laga saarayo goobihii ay dhuumaaleysiga ku joogeen, taasoo ka dhalatay hawlgallada millateri ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay ka gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa awgeed Alshabaab waa naf la caari doonaya inay dalkeena dhibaatooyin ka abuuraan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaare Sharmaarke.
IMAARAADKA CARABTA OO MAAMULKA KOOFUR GALBEED KU WAREEJISAY 10GAADIID
Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed AlCuthman ayaa shalay ku wareejiyay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan 10 baabuur oo isugu jira gaadiidka ciidanka, ambalaas, gaari booyad ah iyo hal gaari oo kuwa aan xabadaha karin.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ee degmada Shingaani ayaa Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan waxaa uu ku guddoomay furayaasha baabuurtaas.
Danjire Maxamed Axmed AlCuthman ayaa sheegay in gaadiidkan ay ku wareejiyeen Maamulka Koofur Galbeed uu qeyb ka yahay taageerada dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab taagan tahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka Cara bta taageerada, isagoo xusay in gaad iidka lagu wareejiyay uu wax weyn ka tari doono tayeynta iyo dib u dhiska cii damada Koofur Galbeed.
Imaaraadka Carabta ayaa horay gaadiid ciidan iyo agab milateri ugu deeqday Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland, iyadoo gaadiidkaas ay ku jireen kuwa qafilan ee ay isticmaalaan Ciidamada.
KENYA: QIYAASTII 80 CIIDANKEENA KA TIRSAN AYAA KU WAXYEELOOBAY WEERARKII SALDHIGGA CEELCADDE
Dowladda Kenya ayaa shaacisay markii ugu horreysay in qiyaastii 80Askari oo ka tirsan ciidamadooda ay ku Waxyeelloobeen Weerarkii ay Alshabaab ku qaaday Jimcihii lasoo dhaafay saldhigga ciidamada Kenya ee Ceelcadde oo ka tirsan gobolka Gedo.
Inta badan Ciidankan ayaa la sheegay inay weli maqan yihiin, kuwaasoo aan la ogeyn meel ay jaan iyocirib dhigeen, balse waxaa socda baaritaanno la sheegay in lagu baadigoobayo oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamada Cirka Kenya.
Sidoo kale, Qaar ka mid ah Ciid anka maqan ee Kenya ayaa waxay sheegtay Alshabaab in ay gacanta ku hayso iyagoo nool, kuwaasoo ay she egtay inay gacanta ku dhigeen intii uu socday weerarkii ay ku qaadeen sal dhigga Ceelcadde ee gobolka Gedo.
Wasiiradda Difaaca Kenya, Rachael Omamo oo Warbaahinta kula Hadashay Nairobi ayaa sheegtay in weerarka saldhigga ciidamadooda ay ku lahaayeen Soomaaliya loo adeegsaday qaraxyo is miidaamin ah oo aad u khatar badnaa.
"Ciidamada Kenya ee ku waxyeelloobay weerarka waxay ka tirsanaayeen kuwa AMISOM ee Soomaaliya,” ayay tiri Omamo, iyadoo diidday inay faahfaahin ka bixiso in la dilay, in la dhaawacay iyo in la qabsaday.
Saldhigga AMISOM ee Ceelcadde ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen ciidammo Kenyan ah oo tiradeoda lagu sheegay illaa 250 Askari, iyadoo Alshabaab ay sheegeen in ay dileen ku dhawaad 100askari oo ka mid ahaa, 12 Askari oo kalena ay gac anta ku dhigeen iyagoo nool.
Recael Omamo ayaa xustay in howlgalka lagu baadigoobayo ciidamadooda ka maqan uu billowday tan iyo markii weerarku dhacayillaa hadda na uu sii socdo, uuna socon doono illaa lasoo badbaadinayo dhammaan ciidamada ka maqan.
Wasiiradda oo sii hadlaysay ayaa xustay in weli xaaladda deegaankii u weerarku ka dhacay ay tahay mid khatar ah; Ciidamada maqanna ay ku sugan yihiin xaalad khatar ah oo aan la Qiyaasi karin.
"Qoysaskii ay askarta waxyeell adu soo gaartay ayaan marka hore u gudbinaynaa warbixin ku aaddan kha araha sida uu u soo kala gaaray, mark aas ka dib ayaanan shacabka Kenya u soo gudbin doonnaa,” ayay hadalkee da ku dartay Omamo.
Ugu dambeyntii, tiro kale oo Ciidammo Kenyan ah oo dhaawac ah ayaa Shalay la geeyay Nairobi, kuwaasoo aan illaa hadda tiradooda Rasmi ah la shaacin, iyadoo Weerarkaan na uu noqonayo kii ugu xumaa ee ciidamada Kenya lagula beegsado gudaha dalka Soomaaliya.
XUKUUMADDA FEDERALKA OO SHEEG TAY INAYSANISKU XIRNAYN DEEQAHA SACUUDIGA IYO GO’AANKII LAGU JARAY XIRIIRKII DIPLOMAASIYA DEED EEIIRAAN.
Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federalka Somaliya, Maxa med Ibraahim Aadam ayaa sheegay in xiriirka Somaliya iyo Sacuudiga ahaa mid muddo dheer soo jiray, oo uusan ahayn mid waayadan dambe bilowday.
Wasiirka ayaa hadalkaasi sheegay, ka dib, markii wax laga weydiiyey Taageeradda ay Dowladda Sacuudiga ku siiyeen Dowladda Somaliya lacag dhan 50 Malyan oo Dollar, wuxuuna sheegay Kaalmo kasta oo ay Dowlad da Sacuudiga ka helaan inaan lagu dabaqi karin Go’aankii Dowladda Somalia ee ay xiriirka Diplomaasiyadeed ugu jartay Dowladda Iiraan.
Wasiirka waxa uu ka gabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo inay Dowladda Sacuudiga kharajkaasi u bixisay si Dowladda Somaliya looga abaalmariyo go’aanka lagu jaray Xiriirkii Iiraan, laguna cayriyey Diplomaasiyiintii Iiraan ee ku sugnaa gudaha dalka Somaliya.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid, ka dib, markii ay Wakaalladda Warar ka dalka Britain ee REUTERS daabac day Dukumentiinay Dowladda Sacuu diga ugu yaboohday Dowladda Somal iya lacag dhan 50Million oo Dollar, hal maalin ka dib, markii ay Dowladda Somaliya ku dhawaaqday inay Xiriirka Diplomaasiyadeed u jareen Dowladda Iiraan.
REUTERS ayaa sheegtay inay arkeen Dukumenti ay Safaaradda Sa cuudiga ee magaalladda Nayrobi u direen Safaaradda Somaliya ee Nay robi, taasi ooDowladda Somaliya loo gu ballan qaaday in la siinayo 20 Mil lion oo Taageero dhinaca Miisaaniyad da ah iyo 30Million oo Dollar oo loogu tala galay Maalgelinta Somaliya.
Hay’adda Sacuudiga ugu qaabildan Horumarinta "The Saudi Development Fund” ayaa shaacisay Ballanqaadyadaasi oo soo baxay bishan 7da, oo ku beegan markii ay Dowladda Somaliya xiriirka u jartay Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Iiraan.
Tallaabadaasi ayaa timid, markii ay Kooxo Iiraaniyiin ah ay dab qab adsiiyeen Safaraadda Sacuudiga ee ku taallay caasimadda dalka Iiraan ee Tehraan iyo Qusuliyada magaalada Mashhad.
Dibadbaxayaasha Reer Iiraan ayaa ka caraysnaa go’aankii ay Sacu udiga ku dileen Shiikh Nimir Baaqir Alnimri, kaasi oo lala dilay 46 qof oo ku eedeysnaa Falal Argagixiso.Xigasho:radiodalsan.com
XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA KENYA OO KU BAAQAY IN CIIDAMADA DALKAAS LAGA SOO SAARO SOOMAALIYA
Xildhibaan ka tirsan dalka Kenya oo Lagu Magacaabo Stephen ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in Ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya si loo badbaadiyo Askar cusub oo kaga geeriyoota Soomaaliya.
Mr Stephen ayaa sheegayin dowladda ay ceeb weyn ku tahay in ay daawato dhibaatada ay ku suagan yihiin Ciidamadeeda Jooga Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo halkaas oo lagu dilay inkabadan 60 Askari oo ka tirsanaa Askarta Kenya.
Mr Stephen ayaa Madaxweynaha Kenya ugu baaqay in uu cashir ka barto dowladda Maraykanka oo horay Soomaaliya ugala baxday Ciidmadeeda oo ka mid ahaa Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.
SOOMAALI BADAN OO TAAGEERTAY IN ISMAACIIL CUMAR GEELLE UU MAR KALE ISI SOO SHARRAXO
Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ayaa markale Xisbigiisa u doorteen in uu u noqdo musharraxa doorashada soo socota dalkaas u matalaya.
Madaxweyne Geelle ayaa talada hoggaanka Jabuuti qabtay sanadkii 1999 isagoo muddo 17 sano oo illaa iyo iminka ah ma jaraha u haya hoggaanka dalkaas.
Mudadaasi sanadaha aadka u badan ayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu xaqiijiyay Kalsoonida shacabkiisa kadib markii uu ku hogaamiyay daacadnimo, Cadaalad kuna tilmaamnaaday wax qabad muuqda oo dalkiisa uu ku gaaray horumar iyo Barwaaqo .
Ismaaciil Cumar Geelle ayaanan indha ka qarsan walaalihiisa Soomaaliyeed oo mudadii bur burka illaa iyo iminka dhibaatooyin kala duwanay daashadeen.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa Gogol dib u heshiisiineen u fidiyay dadka Soomaaliyeed sanadkii 2000 halkaas oo Soomaalidu ay ku soo dhisteen dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Hobollada Deegaan ee dalka Jabuuti oo Muqdisho Yimid ayaa ku cabiray waxa jabuuti mar weliba ay ugu heelantahay dadka Soomaaliyeed in uu yahay sookeeyenimada, sinji wadaaga , Midabka iyo hadalka naga wada dhexeeyo, darisnimada iyo dunida kale oo dhan ay nooga sokeyso Jabuuti.
Ismaaciil Cumar Geelle markii dhibaatada ay ragaadiisay Soomaaliya walaalihiisa waa uu ku eegan waayay mar weliban nabad ayuu umadda Soomaaliyeed ugu gacan haatinayay.
Dowladda Jabuuti ee uu Hoggaamiyo ayaa Ciidamo Nabad ilaalin ah u soo diray Soomaaliya kuwaas oo loogu Magac daray Hiil walaal, iyadoona Ciidamadooda wax badan uga duwan yihiin kuwa kale ee AMISOM, marka loo eego in ay ka qeyb qaataan kala dhex galka dagaal beeleedyada mararka qaar dhexmara Beelaha Soomaliyeed ee walalaha ah xittaa Askar kuwooda ah ay uga dhinteen.
Sidoo kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sanadkii aan ka soo gudubnay booqasho ku yimid Soomaaliya ayaa dhaqaalo fara badan ballan qaaday in uu ku bixinayo dib u heshiisiinta Beelo Soomaaliyeed oo ku dagaalamay Hiiraan kadib markii uu shaaca ka qaaday in wax alaala wixii hanta ku bas beeshay uu jeebkiisa ka bixinayo.
Nabadoon Badal Jaamac ( Bedel Laangare ) ayaa ku tilmaamay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Shaqsiga Kaliya ee u istaagay in uu sa matabixiyo ummadda Soomaaliyeed isagoo sheegay in Soomaalida meel kasta ayjoogto abaalkiisa aysan ilaabi doonin. Dhinaciisa Nabadoon Dac ar Xirsi Nuur oo ka mid ah Odayaashii Magaalada Baladweyne kula kulmay Ismaaciil Cumar Geelle xilligii uu booq day halkaas ayaa ku tilmaamay shaqsi wanaagsan oo karti leh oo ku sifo obay Soomaali Jaceel.
Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa rumeysan in Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti sii hoggaamiyo ay ka dhigantahay in Soomaaliya ay heys ato garab walaal oo aad loogu kalsoonyahay.
HUB IYO GAADIID DAGAAL OO LAGU WAREEJIYAY MAAMULKA GALMUDUG..
Wafdi uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Galmuudg ayaa waxa ay kormeer ku tageen deegaanno hoostaga dagmooyinka xarardheere iyo Hobyo ee Gobalka Mudug halkaasi oo dhawaan uu dagaal ku dhaxmaray dad xoolo dhaqataa iyo al shab aab Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir udowlaha Wasaaradda Amniga Galm udug Nuur Ibraahin Cismaan oo ay ka mid ahaayeen Xidhibaanno iyo saraak iil ciidan ayaa markii ay gaareen deeg aanadii Shabaabka iyo dadka deeg aanku ay ku dagaalameen ee u dha xeeyay degmooyinka Hobyo iyo Xara rdheere, waxa ay warbixinno ku aadan xaaladda xiligan ay ku suganyihiin iyo dhibaatooyinkii ay u geysteen al shab aab ka dhageeysteen Qaar ka mid ah dadkaasi, kuwaasoo sheegay in ay ma leeshiyaadka AlShabaab ay u geyst een falal isugu jira dhac iyo dil, iyagoo sidoo kalena sheegay in ceelashii ay xooluha iyo dadku ka cabi jireen ay ka xabaaleen deegaanada Qaarkood
Nuur Sanwayne Wasiiru Dowla ha Amniga Galmudug oo lahadlay Cii damdii aagga hore ay ugu tageen iyo maleeshiyaadkii xoola dhaqatadaa ah aa ee la dagaalamay maleeshiyaadkii Alshabaab ee ku soo duulay ayaa umuujiyay balan qaadyo ku aadan in la qalabeeynayo ay noqon doonaan Ciidama Galmudug Ah
Xildhibaan Xasan Cali Dhuuxe oo isna ka mida ahaa wafdigii uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Dowlad Galmudug oo la hadlay maleeshiyaadkii xoola dhaqatadaa ahaa ee la dagaallamay maleeshiyaadkii AlShabaab ee ku soo duulay ayaa u sheegay in maamulkooda ay ka helayaan xuquuqda ay ku leeyihiin
Xubnaha Wasaaradda Amniga Galmudug ka socday ayaa kormeerka kadib tira gaadiid ah iyo ciidama kala wareegay Maxamed Cismaan Garfa aje oo horjooga u’ahaa gadiid iyo ciid amo qabaa’il horayna uga mid ahaan jiray kooxihii burcad badeed Soomaa lida ee fadriisimaha ku lahaa xeebaha Gobalka Mudug
Wasiirka ayaa kamahd celiayay hubka ay kala wareegeen Garfaaje wuxuuna sheegay in Hubkaan iyo ciid amda ay galeen gacan masuuliyadeed.
Maxamed Garfaaje oo hadal ka jeediyay goobta hubka uu mas’uuliyiinta kula wareejinaayay ayaa sheegay in uu diyaar uyahay ka shaqaynta amniga isagoona si rasmi ah ugu war eejiyay furayaashii in ka badan 10 Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo ciid amo gaaraya ilaa 300 oo kuwaasii oo ahaa maleeshiya beeleedkii horay u saarnaa Gadiidka shalay la wareejiyay
Deegaanda Lagu Dagaalmay ayaa kala ahaa gabdhaale, bilsan iyo faax kuwaasi oo gabi ahaan dadkii dagaanaa ay ka barakaceen kadib markii la gubay guryihii ay ku noolaayeen sidoo kalana Alshabaab ay ka duugeen ceelashii ay cabi jireen waa markii ugu horeysay oo masuuliyiin gal mudug ah ay tagaan deegaanadasi
AL-SHABAAB OO DILAY CIIDAMOKENY AN AH OO HOR LEH
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya aaga Degmada Ce elcadde ee Gobolka Gedo, ciidamada Shabaab ayaa dilay Afar Askari oo hor leh oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya.
Dilka Afartaan Askari ayaa yimid, ka dib markii Shabaabka ay ka dul dhaceen meel ay degan yihiin dad reer miyi ah oo soo dhaweyn u sameeyay ciidamada Kenyattiga ah.
Ciidamada Shabaabka ayaa markii ay ka dul dhaceen guriga ay deganaayeen dadka reer miyiga ah ee ciidamada Kenya lagu soo dhaweeyay, ayaa waxa ay halkaasi ku dileen Afartii askari ee Kenyanka ahaa iyo Odaygii reerka.
Odayga reerka ayaa la sheegay in ciidamada Kenya uu siiyay raashin, sidoo kalena uu guriga ku soo dhaweeyay, balse markii dambe taasi ay noqotay mid guud ahaan naftiisa uu ku waayo, markii Shabaabka ay heleen macluumaadka ku saabsan in Askartaasi halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Dadka Deegaanka oo Warbaahinta gudaha la hadlay, ayaa sheegaya weli inay jiraan ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Kenya oo dhulka howdka ah ku jira, kuwaasi oo aanan garaneyn meel ay aadaan.
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday howlgal culus oo cirka iyo dhulka ah oo lagu baadigoobaayo Askarta ka maqan ciidamada Kenya ee duurka ku firxaday.
Weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa noqday kii ugu Khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Kenya, tan iyo markii 2011 ay soo galeen gudaha dalka Somaliya.
XIGASHO:DHACO.COM
TOGDHEER: CIIDAMADA SOMALILAND OO SHALAY XIRAY WARIYE IYO TALIYE KA WARBIXIYAY XARIGGIISA
Ciidamada ammaanka gobolka Togdheer ayaa shalay u taxaabay xabsiga Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Gobolka Togdheer.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xadhiga wariye Coldoon ku wheelinayo sawir qaadihiisa oo la yidhaa Diiriye, waxaana la sheegay in Ciidanku la Wareegeen Xafiiskiisii Iyo waliba qalabkii Warbaahineed ee meesha yaalay.
Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta Booliiska Togdheer, Axmed Maxamuud Guutaale oo HOL khadka telefoon ka ugu warramay ayaa sheegay in war iye Coldoon xidhan yahay, isla mark aana loo haysto eedeysanne baa dhistiisu socoto oo uu jeelka waraysi uga qaaday.
"Wariyaha wuu xidhan yahay, waxaana u xidhnay kaddib markii nin dambi loo haysto oo baadhistiisu dhamaan ku dhex waraystay jeelka dhexdiisa taas oo ah mid ka hor imanaysa qaynuunka,” ayuu yiri taliyaha qaybta gobolka Togdheer Guutaalle .
Sidoo kale, mar aanu waydiinay sababta shalay wariyaha loo xiray maadaama waqtigii uu qaaday waraysiga ay muddo kasoo wareegtay ayaa ku jawabay. "Mudadaanba baadhitaano baanu ku jirnay, imika maxkamad baa loo gudbinayaa wariyiaha; waxaana loo haysta inuu qaynuunka ku gefay oo qof baaritaankiisa lagu gudo jiro waraysi ka qaaday, sharciguna ma ogola.”
Ugu dambeyn, mar ay HOL weydiisay taliyaha in wariyaha waaran maxkamadeed lagu soo xiray iyo in kale, ayuu ku jawaabay; waaran maxkamadeed ayaanu ku soo qaateen xadhiga wariyaha, isla markaana wariyaha laftiisa baadhitaankiiisu socdo.
Xigasho hiiraan .com
DIBADBAX SOMALILAND LOOGA HORJE EDO OO KA DHACAY BUUHOODLE IYO XIISADO KA TAAGAN
Dibadbax looga horjeedo maamulka Somaliland ayaa daraad ka dhacay magaalada Buuhoodle, iyadoo laga soo gudbay ay xiisado colaadeed ka aloosnayd, kaddib markii ciidanka Somaliland ay qabsadeen tuuladda Ballicad oo xarun u ahayd maamulka Khaatumo.
Boqolaal bulshadda qaybaheeda kala duwan ah ayaa isugu soo baxay bartamaha degmada Buuhoodle, iyagoo ku dhawaaqaya hadalo lagu diidan yahay ciidamada Somaliland.
Qaar ka mid ah waxgaradka degmada Buuhoodle, sarakiil ciidan iyo madaxda maamulka Khaatumo oo dadka isku soo baxay kula hadlay fagaaraha Dugsiga Sare ee Samatar Baxnaan, waxaana hadalkooda saldhig u ahayd in laga hortago ciidamada Somaliland oo ay sheegeen inay Buu hoodle duullaan kusoo yihiin.
"Diyaar ayaanu u nahay duullaan kasta oo ay Soomaalidiidku nagu qaadaan, waana isnaqaan, wixii horey uga raacayna waa garanayaan," ayuu dibadbaxa ka yiri guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo, Maxamuud Sh. Cumar Xassan [Surayo].
Sidoo kale, Sheekh Maxamuud Yuusuf Dhuux oo ka mid ah culummada ugu waaweyn deegaankaas ayaa si cad ugu dhawaaqay in dagaalka lala galo ciidamada Somaliland uu yahay Jihaad. "Digniin baan u diray oo aan u diraynaa ciidamada soconaya ee duullaanka ahhaddii ay ku joogi waayaana waa jihaadeeyaan loo kala ha dhin," ayuu yir Sheekh Dhuux.
Ciidamada Somaliland ayaa ku sugan deegaanada kala ah Widhwidh, Ballicad iyo Qorilugud oo saddex jiho kaga aaddan degmada Buuhoodle marka laga reebo dhanka galbeed oo Itoobiya ay ka xigto, taasoo ku keentay culays aad u xoog badan.
Ugu dambeyn, laga soo billaa bo sannadkii 2012kii bishan oo kale waxaa ka billaabma xiisado colaadeed deegaanka Buuhoodle kuwaasoo kala dhexeeyay ciidamada Somaliland; iya doo dadka ku dhintay iyo kuwa ku dha awacmay ay aad u fara badan yihiin.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY BUULABURTE
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Yuusuf Dabageed] oo ay wehliyaan xubno isugu jira Waxgarad iyo saraakiil ciidan ayaa shalay gaaray degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Buulaburte ku soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta maamulka degmada, odayaaldhaqameed, saraakiisha ciidanka dowlada Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo dadweyne ka yimid xaafadaha ay degmadaas ka kooban tahay.
Ujeeddada socdaalka Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Wafdigiisa ayaa lagu sheegay ka qaybgalka munaasabadda loo qabanayo furitaanka garoonka diyaaradaha Degmadaas oo si rasmi ah xariga looga jarayo, waxaana garoonka hadda si toos ah u isticmaala diyaaradaha, waxaana dib u dhis ku sameeyay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa halkaas kulamo kala duwan kula qaaday doonta qaybaha bulshada, odayaashadhaqanka iyo waxgaradka beelaha degmadaas ku dhaqan, isagoo kala hadli doona arrimo la xiriira maamul u sameynta gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe.
Ugu dambeyn, Degmada Buulaburte ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud loogu magacaabay inay tahay xarunta maamulka goboladan loo sameyn doono, taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka degmadaas.
MARAYKANKA IYO ITOOBIYA OO KA WADA HADLAY IN DOWLADDA SOMALIYA LAGA TAAGEERO LADAGAALLANKA ALSHABAAB.
Ra’isulwasaaraha dalka ItoobiyaHa ilemariam Desalegn Boshe ayaa mar kale xaqiijiyey inay Dowladiisa sii wadayso Taageeradda ay Dowladda Somalia ka siinayaan Hawlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alsha baab.
Ra’isulwasaaraha ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu Xafiiski isa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Kongareeska Maraykanka ugu qaabilsan Xiriirka Arrimaha Dibed da,Edward Randall "Ed Royce” oo ha atan booqasho ku jooga magaalladda Addis Abeba.
Warkan oo ay baahisay Wakaalla dda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa la gu sheegay inay Labada Mas’uul isku aragti ka noqdeen sidii Dowladda Fed eralka iyo Hawlgalka AMISOM looga taageeri lahaa Hawlgalka ka dhanka ah AMISOM.
Guddoomiyaha Guddiga Kongare eska Maraykanka ugu qaabilsan Xiriir ka Arrimaha Dibedda, Ed Royce oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay inay Dowladda Maraykanka soo dhaweyn ayso dadaalka Dowladda Itoobiya ugu jirto Nabadraadinta Somaliya iyo Haw lgalka La dagaallanka Alshabaab.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrima ha dibedda eeItoobiya,Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus waxay Toddo baadkii hore mar kale ka digtay inay Alshabaab khatar ku yihiin Dalalka Go balka, gaar ahaan dalka Itoobiya.
HADAL HAYNTA WARBAAHINTA KENYA IYO WEERARKII SHABAAB EE CEELCADDE
Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haysa dhacdada la xiriirta dagaalkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo Shabaab ay ku qaadeen Xero ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Degmadaasi.
Inkastoo ilaa hadda aanan si dhab ah loo haynin tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya looga dilay weerarkaasi, ayaa Saxaafadda Kenya waxa ay isku dayaysaa inay iftiimiso Khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray weerarkaasi inta uu la eeg yahay.
Warbaahinta Citizen ee dalka Kenya ayaa sheegtay in shalay Gar oonka Wilson ee Nairobi ku yaalla la geeyay meydadka askar ku geeriyootay weerarkii Ceelcadde.
Waxaanan si dhab ah loo ogeyn tirada Askarta Kenyatiga ah ee shalay meydadkooda laga dejiyay Mag aalada Nairobi, waxaana loo diiday Saxaafadda inay macluumaad ka he sho tirada askartaasi ama in sawiro laga qaado meydadka Askarta.
Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegay inay wadaan Baaritaanka ku aadan tirada rasmiga ah ee Shabaabka ay ku dileen weerarkaasi, maadaama weli ay jirto Askar Kenyati ah oo la la’yahay nolol iyo geeri intaba.
Shabaab waxa ay sheegteen weerarka Ceelcadde inay ku dileen 100 Askari, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan 12 Askari oo ka mid ahaa ciidanka Saldhiga ku sugnaa. Wargays ka The Star ayaa sidoo kale asagoo soo xiganaya saraakiil ciidanka Kenya ka tirsan waxaa uu qoray inay jiraan askar illaa iyo hadda la la’yahay raqdooda iyo ruuxooda kuwaasoo tiradoodu gaarayso 15 askari.
CIIDAMADA KENYA EE GOBOL KA WAQOOYI BARI OO HEEGAN ADAG LA GELIYAY
Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa heegan buuxa la geliyay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro Shabaabka ay ka geystaan Gobolkaasi.
Guddoomiyaha Gobalka Wajeer, Michael Ole Tialal ayaa tilmaamay in la soo gaarsiiyey in Kooxo hubeysan oo lala xiriirinayo AlShabaab lagu arkay Deegaanka Welmerer oo kudhawaad 70KM u jirta Degmada Wajeer.
Michael Ole Tialal, wuxuu sheegay sababta ciidanka heeganka loo geliyay inay tahay ka jawaabista suurtagalnimada weerar kaga yimaada Shabaab, isla markaana ciidamada sidaasi heeganka buuxa loo geliyay.
Deegaan kale oo lagu magaca abo Kutulo oo Gobolka Waqooyi Bari Kenya ka tirsan, ayaa la soo sheega yaa in dadka deegaanka ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Shabaab.
Guddoomiyaha Degmada Wajeer ayaa ku micneeyay sababaha Nawaaxiga Wajeer ugu soo kordhayaan Shabaab inay tahay iyagoo doonaya inay gabaad ka helaan Kenya.
Shabaab badan ayaa ka buuxa dhulka Kaymaha ah ee Boni oo dalka Kenya ka tirsan, waxaana la aaminsan yahay Shabaabka weerarada ka geysta dalka Kenya inay ka soo baxaan halkaasi.
BOGGA CAYAARAHA
MILKIILAYAASHA CHELSEA IYO ARSENAL OO QASAARAY IN KA BADAN HAL BILYAN GINNI KA DIB HOOS U DHACA QIIMAHA SHIDAALKA.
Hoos u dhaca weyn ee ku yimid qiimaha shidaalka ee Russia ayaa keenay in taajiriin badan oo ganacsato ah inay qasaaraan boqolaal malaayiin oo ginni 10 maalmood gudaheed.
Hoos u dhaca qiimaha shidaalka ayaa war nasiibdarro ah waxa uu u yahay taageerayaasha kooxaha Chelsea iyo Arsenal iyadoo labada kooxood ee Premier League ay si weyn u maalgeliyaan taajiriin u dhashay dalka Ruushka.
Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich iyo Alisher Usmanov oo ah ninka labaad ugu saamiga badan Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay qasaareen in ka badan HAL BILYAN ginni wadar ahaan tan iyo bilowgii sannadkan ee 2016.
Abramovich ayaa la aaminsan yahay inay lacagtiisa gaareysa 6 bilyan doolar, waxaana shaqsi ahaan ka luntay 820 milyan doolar oo u dhigan 575 milyan ginni, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray jariirada Daily Telegraph.
Usmanov oo qeyb ka leh kooxda waqooyiga London ka dhisan ayaa isna waxaa ka qasaartay 910 milyan doolar oo u dhigan 638
TABABARAHA XULKA QARANKA CHILE EE JORGE SAMPAOLI OO KU KAFTAMAY IN FIFA AY SOO FARAGALISO MSN OO AY GANAAXDO ISAGA OO SHEEGAY IN AY KA FIICAN YIHIIN BBC
Tababaraha xulka qaranka Chile ee Jorge Sampaoli ayaa bixiyay waraysi uu si furan ugu kaftamay farqiga udhexeeya MSN Iyo BBC oo ka kala tirsan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid sida ay ukala horeeyaan.Jorge Sampaoli ayaa ku kaftamay in FIFA ay soo fara galiso isfahanka iyo saaxiibtinimada Messi, Suarez iyo Neymar wuxuuna sheegay in ay FIFA xidigahan ganaax ku soo rogto. Jorge Sampaoli ayaa intaa raaciyay in MSN ay ka fiican yihiin dhigooda BBC.MSN
Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar ayaa haddaba xili ciyaareedkan Barcelona udhaliyay 67 gool oo tartamada oo dhan ah halka Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Gareth Bale ay Real Madrid xili ciyaareedkan udhaliyeen 60 gool oo tartamada oo dhan ah.
Jorge Sampaoli ayaa si gaar ah uga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Messi, Suarez iyo Neymar wuxuuna yidhi: "Waxaa waajib ah in ay FIFA soo fara galiso, Saaxiibtinimada Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar waa wixii ugu xumaa ee kubbada cagta ku dhaca”.Jorge Sampaoli ayaa sidan ku sheegay waraysi uu siiyay El Pais.MSN2
Jorge Sampaoli oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Messi oo kaliya ayaa kulan ku guulaysan kara, haddii lagu sii daro, waxa uu sii kordhiyay awooda Suarez iyo Neymar, taasi waa mid aan faa’iido lahayn, waxaa waajib ah in iyaga la ganaaxo”.
Tababaraha xulka qaranka Chile ee Jorge Sampaoli oo ka hadlaya BBC ayaa yidhi: "Haddii uu Ronaldo bilaabo dhaqaaq waxa uu ku dhamaanayaa isaga, Haddii uu Bale dhaqaa sameeyo isaga ayuu ku dhamaanayaa, Benzema waxa uu qaaban karaa waxa uu awoodo laakiin waxba ma abuuri karo”.BBC
Sampaoli ayaa sanadkii 2015 kii xulka qaranka Chile ku hogaamiyay koobka Copa America 2015 iyada oo xulka qarankiisu uu finalkii ku garaacay Argentina wuuxuuna Sampaoli ku soo baxya liiska saddexdii tababare ee u sharaxnaa tababaraha aduunka ugu fiican waxaana kaga guulaystay Luis Enrique.


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 19-KA JANNAAYO 2016-KA
MADAXWEYNAHA OO DIB UGU SOO LAABTEY MUQDISHO, KA DIB MARKII UU MAGAALADA KISMAAYO KAGA SOO QEYBGALEY MADASHA WADATASHIGA QARANKA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley galab dib ugu soo laabtey ma