Ciidamada Shabaabka ayaa markii ay ka dul dhaceen guriga ay deganaayeen dadka reer miyiga ah ee ciidamada Kenya lagu soo dhaweeyay, ayaa waxa ay halkaasi ku dileen Afartii askari ee Kenyanka ahaa iyo Odaygii reerka.
Odayga reerka ayaa la sheegay in ciidamada Kenya uu siiyay raashin, sidoo kalena uu guriga ku soo dhaweeyay, balse markii dambe taasi ay noqotay mid guud ahaan naftiisa uu ku waayo, markii Shabaabka ay heleen macluumaadka ku saabsan in Askartaasi halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Dadka Deegaanka oo Warbaahinta gudaha la hadlay, ayaa sheegaya weli inay jiraan ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Kenya oo dhulka howdka ah ku jira, kuwaasi oo aanan garaneyn meel ay aadaan.
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday howlgal culus oo cirka iyo dhulka ah oo lagu baadigoobaayo Askarta ka maqan ciidamada Kenya ee duurka ku firxaday.
Weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa noqday kii ugu Khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Kenya, tan iyo markii 2011 ay soo galeen gudaha dalka Somaliya.
XIGASHO:-DHACDO.COM



0 



Shabaab oo dilay Ciidamo Kenyan ah oo hor leh
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya aaga Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, ciidamada Shabaab ayaa dilay Afar Askari oo hor leh oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya.