WATAAC: "Tartanka runtii wuxuu ahaa mid aad u kulul, waxaana soo gaarnay kaalin wanaagsan"

0
Monday January 18, 2016 - 20:07:40 in Wararka by
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WATAAC: "Tartanka runtii wuxuu ahaa mid aad u kulul, waxaana soo gaarnay kaalin wanaagsan"

    Magaalada Mahe ee wadanka Seychelles waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka ciyaarta Chess-ka ee dhallinyarada dalalka Afrika 2015-ka, iyadoo kooxaha ka qeeyb galay ay ka mid ahaayeen ciyaartoy ka socotay xiriirka Shataranjiga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Mahe ee wadanka Seychelles waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka ciyaarta Chess-ka ee dhallinyarada dalalka Afrika 2015-ka, iyadoo kooxaha ka qeeyb galay ay ka mid ahaayeen ciyaartoy ka socotay xiriirka Shataranjiga Soomaaliya.


Tartankaani ayaa mudadii uu socday waxay kooxaha ka socday dalalka Afrika soo bandhigeen ciyaar wanaag heerkiisu sareeyo, waxaana kaalinta koowaad galay Angola, halka kaalinta labaad ciyaartoyda ka socday dalka Egypt.

Ciyaartoyda ka socotay dalka Soomaaliya waxay galeen kaalinta lixaad, iyadoo dalal marka la eego kaalinta ay galeen ka dhigan tahay mid aan laga fileyn, bacdamaa ay ka hooseeyaan kooxo kale oo ka socday dalalka Afrika.

Ciyaartoyda magacyadoodu kala yihiin: 1- Ali Abdullahi Farah iyo 2-Mohamud Hussein Ali ayaa la ciyaaray kooxaha ka socday dalalka Afrika, iyagoona ay ka badiyeen, isla markaana iyagana laga badiyay.

Guddoomiyaha Xiriirka Shataranjiga Soomaaliya Axmed Xasan Cabdi (Wataac) oo hoggaaminayay ciyaartoyda ka qeyb galay tartanka African Ches Championship 2015-ka ayaa ka warbixiyay tartankaasi.

"Tartanka runtii wuxuu mid aad u kulul, waxaana soo gaarnay kaalin wanaagsan oo aanan fileyn” ayuu yiri Guddoomiye Wataac oo sheegay in ciyaartoyda Soomaaliya ay soo bandhigeen qaab ciyaareed wax badan uga duwanaa kooxihii ay la ciyaarayeen.

Ma aha markii ugu horeysay oo xiriirka Shataranjiga Soomaaliya ka qeyb galo tartamada kooxaha Chess-ka ee ka dhisan dalalka Caalamka, wuxuuna Guddoomiyaha xiriirka sheegay inuu halkaasi kula kulmay madaxda xiriirada heer caalami iyo heer qaaradeed, isla markaana kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa ciyaaraha Chess-ka.

DSC00123 DSC00124 DSC00125 DSC00129 DSC00136 DSC00137 DSC00145 DSC00152 DSC00153 DSC00168 DSC00176 DSC00179 DSC00186 DSC00187 DSC00195 DSC00196 DSC00199 DSC00208 DSC00210 DSC00212 DSC00214 

DSC00222

XIGASHO:- SOMALIWEYN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip