
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Buula-burte
Ujeeddada socdaalka Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Wafdigiisa ayaa lagu sheegay ka qayb-galka munaasabadda loo qabanayo furitaanka garoonka diyaaradaha Degmadaas oo si rasmi ah xariga looga jarayo, waxaana garoonka hadda si toos ah u isticmaala diyaaradaha, waxaana dib u dhis ku sameeyay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa halkaas kulamo kala duwan kula qaaday doonta qaybaha bulshada, odayaasha-dhaqanka iyo waxgaradka beelaha degmadaas ku dhaqan, isagoo kala hadli doona arrimo la xiriira maamul u sameynta gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe.
Ugu dambeyn, Degmada Buula-burte ayaa wareegto uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud loogu magacaabay inay tahay xarunta maamulka goboladan loo sameyn doono, taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka degmadaas.


0 



Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Buula-burte
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Yuusuf Daba-geed] oo ay wehliyaan xubno isugu jira Wax-garad iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.