Madaxweyne Xasan oo boqolaal qof Salaadda Ciidda kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga (Daawo Sawirada)

0
Thursday September 24, 2015 - 14:58:20 in Wararka by
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo boqolaal qof Salaadda Ciidda kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga (Daawo Sawirada)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Salaaddii Ciidda boqolaal qof oo shacab ah kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga Ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Salaaddii Ciidda boqolaal qof oo shacab ah kula tukaday Masaajidka Isbahaysiga Ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha, ayaa Ummada Somaliyeed u diray dhambaal hambalyo ah oo ku aadan Munaasabadda Ciidul Adxaa, isagoona shacabka ugu baaqay inay dhexdooda is kaalmeeyan.

Sidoo kale Masuuliyiin kale oo ka kala tirsan labada gole ee Dowladda, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehlinaayay Salaadda Ciidda, oo ay ku wada tukadeen Masaajidka weyn ee Isbahaysiga.

Ciidamada Dowladda & Amisom, ayaa iska kaashaday suggida ammaanka ee Masaajidka Isbahaysiga, waxayna xireen dhammaan wadooyinka soo gala, oo ay u diidayen gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo lee yahay.

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba dalka, ayaa maanta si isu midda looga ciiday, mana jirin wax khilaaf ah oo ka dhashay Ciiddaan, markii Arbacadii dalka laga wada soomay maalinta 9-aad ee bisha Carafo.

Muslimiinta ku dhaqan caalamka oo idil, ayaa maanta wada ciidaaya. Ciidul Adxaa waxay ka mid tahay labada ciidood ee Ummada Muslimiintu lee yihiin.

CiiddaCiidda1Ciidda2Ciidda3Ciidda4Ciidda5Ciidda6Ciidda7Ciidda9Ciidda91Ciidda92Ciidda93Ciidda95Ciidda96Ciidda97Ciidda98Ciidda99Ciidda991Ciidda992Ciidda993




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip