Askarta ay Shabaabku laayeen, ayaa isugu jiray Muslimiin iyo kuwa aan Muslim ahaynba. Shabaabku waxay Ciidanka Kenya ula wada dagaalameen, si aan kala sooc lahayn.
C/naasir Ciise oo ka mid ah Somalida degan Degmada Wajeer Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa ka mid noqday tobonaanka askari ee Kenyanka ah ee lagu dilay Degmadaasi Ceelcadde.
C/naasir wuxuu bilowgii bishan uu bogga uu ku leeyahay Shabakadda Bulshada Xiriirisa Facebook, uu ku soo qoray in uu ka mid noqday Ciidanka Difaaca Kenya, ee la qorsheeyay in la geeyo Somaliya. C/naasir iyo asxaabtiisuba waxay bedel u ahaayeen askar kale oo horey u joogay Xeradaasi.
Lawrence Rinui Kamau oo ka mid ah 12-ka askari ee Kenyanka ah, isla-markaana ay Jimcihii gacanta ku dhigeen Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa qiray in laba toddobaad oo keliya uu ku sugnaa Somaliya.
Lawrence Rinui oo u waramay Radio Al Andalus oo ku hadla afka Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu yiri "Waxaan Somaliya ku sugnaa muddo laba toddobaad ah.”
Warbaahinta Kenya oo sidii caadada ahaydba looga bartay inay qariso khasaaraha Ciidanka Kenya ka soo gaaraaya dagaalka ay kula jiraan Ururka Al Shabaab, ayaa waxaad markaan mooddaa inay si isku midda u baahinayaan, jabka Jimcihii ka soo gaaray weerarka ay Shabaabku ku galeen Xeradii, ay kaga sugnaayeen Degmada Ceelcadde.
Warbaahinta, ayaa tebisay in ugu yaraan 50 ka mid ah Militariga Kenya lagu dilay dagaalka qaraar ee ka dhacay Ceelcadde, balse dadkii ka barakacay Ceelcadde waxay xaqiijiyeen in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay.
Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 100 ka mid ah Ciidanka Militariga Kenya, iyadoo tiro aan la aqoon ay kaga dhaawaceen, halka 12 kalana ay nolosha kaga qabteen.
XIGASHO:-DHACDO.COM
Faah faahin dheeraad ah oo laga helaayo Ciidankii Kenya ee lagu laayay weerarkii Ceelcadde
Inkastoo aanay weli Dowladda Kenya xaqiijin tirada rasmiga ah ee Ciidankeeda Militariga looga dilay weerarkii Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa dhanka kale soo baxaaya warar sheegaaya in Ciidankan ay muddo laba toddobaad ah ku sugnaayeen