Masaajid weyn oo maanta laga furay Caasimadda Ruushka ee Moscow (Daawo Sawirada)

0
Thursday September 24, 2015 - 14:43:16 in Wararka by
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajid weyn oo maanta laga furay Caasimadda Ruushka ee Moscow (Daawo Sawirada)

    Magaalada Moscow, ayaa waxaa shalay laga furay Masaajid weyn oo ay ku tukan karto toban kun (10,000) oo qof, waxaana si diiran u soo dhaweysay Muslimiinta Wadanka Ruushka iyo caalamkaba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Moscow, ayaa waxaa shalay laga furay Masaajid weyn oo ay ku tukan karto toban kun (10,000) oo qof, waxaana si diiran u soo dhaweysay Muslimiinta Wadanka Ruushka iyo caalamkaba.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa shalay xariga ka jaray furitanka Masaajidka, waxaana kala qaybgalay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Turkiga oo Talaadadii gaaray Magaalada Moscow, ayaa waxaa ku soo dhaweeyay dhigiisa Ruushka, ujeedada ugu weyn ee uu u tageyna waa ka qaybgalka furitanka Masaajidkaasi.

Madaxweynaha Ruushka oo khudbad ka jeediyay furitanka Masaajidka, ayaa sheegay tani inay ka turjumayso sida dalka federalka iyo Islaamka isula jaan qaadayan. Wuxuu kaloo sheegay Islaamku in uu ka mid yahay dhaqan ahaan diimaha ay dadka Ruushku aaminsan yihiin.

Madaxweynuhu wuxuu booriyay doorka Muslimiinta kaga aadan la dagaalanka argagaxisada iyo xagjirnimada, isla-markaana uu Ruushku ammaanaayo doorkaasi.

Madaxweynayaasha Turkiga & Falastiin oo iyana ka hadlay furitanka Masaajidka, ayaa carabka ku adkeeyay Diinta Islaamka inay tahay diin nabadeed, waxayna ammaanayn Masaajidka xilligan laga hirgeliyay Magaalada Moscow.

Masaajidkan waxa uu noqonayaa Masaajidka ugu dheer uguna weyn ee Qaaradda Yurub, sida uu maantaba sheegay Madaxweynaha Ruuskha, Vladimir Putin.

Furitanka Masaajidkan, ayaa waxaa lagu soo beegay sagaalka bisha Carafo, xilli in ka badan laba milyan oo Muslimiin ah ay taagan yihiin Banka Carafo, berritana ay tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Adxaa.

Masaajidka Masaajidka1 Masaajidka2 Masaajidka3 Masaajidka4Masaajidka5Masaajidka6Masaajidka7Masaajidka8Masaajidka9Masaajidka91Pedestrian walks near the Moscow Grand Mosque before an opening ceremony in MoscowMasaajidka93





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip