DAAWO MUUQAAL: Shirkii madaxda Soomaaliyeed uga socday Kismaayo oo la isku fahmi waayay

0
Monday January 18, 2016 - 11:21:29 in Wararka by
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO MUUQAAL: Shirkii madaxda Soomaaliyeed uga socday Kismaayo oo la isku fahmi waayay

    Waxaa maanta soo gabagaboobay shirweeynihii qaran ee looga tashanayay aayaha Soomaaliya, kaa oo ay kasoo qeybgaleen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta soo gabagaboobay shirweeynihii qaran ee looga tashanayay aayaha Soomaaliya, kaa oo ay kasoo qeybgaleen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Shirkan oo socday mudo afar maalmood ah ayay madaxdu siweyn uga doodeen qodobo dhowr ah oo ay isku hayeen, walow qaar kamid ah qodobadaasi ay adkaatay in ay xal ka gaaraan amaba ay tanaasulaad isu sameeyaan.


Raysul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo warbaahinta la hadlay xilli isaga iyo madaxweeynaha ay ka duuli rabeen garoonka Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in shirku soo xirmay qodobo qaar la isku afgartay, kuwa kale ee dhimanna ay dib ambaqaadi doonaan.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo sheegi doonto xilliga la isu soo laaban doono, balse waxa uu xusay in ay jiraan qodobo la isku mari waayay.

Madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud, Raysul wasaaraha, Madaxweeyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo xubnihii ku wehlinayay safarkooda ayaa mar qura ka duulay garoonka Kismaayo.

Madaxweeynaha Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa isagu weli ku sugan magaalada Kismaayo.

Arintan ayaa muujineeysa in shirkii uu kusoo idlaaday fashil, madaxda Soomaaliyeedna ay xal ka gaari waayeen hannaanka loo marayo doorashooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada sanadka.

Lama garanayo tallaabada xigi doonto, balse arintan ayaa niyadjab ku ah umadda Soomaaliya oo iyagu indhaha ku heeysay shirka ka socday Kismaayo ee looga tashanayay aayaha dalka
.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo-Soomaaliya.
XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip