Wasiir Odawaa ayaa ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha oo Talaadadii la soo dhaafay furay shirka maamul u sameynta labada gobol, isagoo ka mid ahaa wafuudii aaday Kismaayo ee ka qeyb gashay shirkii Madasha wada tashiga ee natiijo la’aanta ku dhamaaday.
Sidoo kale Wasiirka ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo jadwalka uu ku soconayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo qaabka loo qeybsanayo ergooyinka, waxaana isa soo taraya cabasho beelaha qaar ka muujinayaan habka wasaaraddu wax u wado.
Ergooyin qaar oo gaaray magaalada Jowhar ayaa la siiyay kaararka aqoonsiga, balse wali ma soo wada dhameystirmin ergooyinkii ka socday Gobolka Hiiraan oo maalintii furitaanka shirka qeyb ka mid ah timid, halka la sheegay in kuwo kale oo ku sugnaa magaalada Beledweyn ay qaadaceen.
Wararka ayaa sheegaya in ergooyinka la xareyn doono, kuwaasoo soo xuli doono Baarlamaanka, isla markaana ansixinaya astaanta maamulka, calanka iyo magaca uu yeelan doono Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa horay ugu sugnaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, Wasiiru dowlaha Maaliyadda, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo howsha waday.
Lama oga sida ay u maareyn doonto Wasaaraddu cabashooyinka horu dhaca ah ee soo baxaya, waxaana odayaal ka soo jeeda labada gobol ay ku dhaliileen Wasaaradda inay wax walba oo ku saabsan howlaha shirka ay isku koobtay, isla markaana aan laga tala gelin.
Wasiirka A. Gudaha oo saaka ku wajahan Jowhar iyo wajiga labaad ee shirka oo la guda galayo
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar, halkaasoo ay taallo gogosha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.