Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka taageerayaan, sidii ay isaga difaaci lahaayeen Al-Shabaab, waxaa uu xusay inay si dhow ula shaqeynayaan.
Mareykanka ayaa taageero toos ah siinayay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, isagoo ka caawinayay tababarka iyo qalabka Milateri.
Sanadihii u dambeeyay Mareykanka ayaa dhaqaale gaaraya Hal bilyan oo dollar siiyay Ciidamada AMISOM, isagoo u marsiiyay Hey’addaha Qaramada Midoobey.
Mareykanka oo taageero dheeraad ah siinaya Ciidamada Kenya
Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkii jimcihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.