Labaatan kun oo Soomaali ah oo Nasiib u heshay hsay in ay istaagaan Banka Carrafo, waa tiradii ugu badneyd ebid ka qeyb gasha mar kaliya u istaagidda banka carrafo

0
Thursday September 24, 2015 - 14:34:56 in Wararka by
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labaatan kun oo Soomaali ah oo Nasiib u heshay hsay in ay istaagaan Banka Carrafo, waa tiradii ugu badneyd ebid ka qeyb gasha mar kaliya u istaagidda banka carrafo

    Labaatan kun oo Soomaali ah oo Nasiib u heshay hsay in ay istaagaan Banka Carrafo, waa tiradii ugu badneyd ebid ka qeyb gasha mar kaliya u istaagidda banka carrafo iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka ee maalintii ugu dambeysay, ka dib markii ay isaga k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labaatan kun oo Soomaali ah oo Nasiib u heshay hsay in ay istaagaan Banka Carrafo, waa tiradii ugu badneyd ebid ka qeyb gasha mar kaliya u istaagidda banka carrafo iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka ee maalintii ugu dambeysay, ka dib markii ay isaga kala yimaaden dalal kala duwan. Inta badan Xujeydan, ayaa ka soo xajisay gudaha dalka Sacuudiga, marka loo eeggo tirada ka timid Gobolada Somaliya oo idil, waxayna tirada Somalida ee Banka Carafa taagan noqonaysaa tiradii ugu badneyd ee ebid soo Xajiso.

Gobolada Somaliya, ayaa waxaa ka timid tiradii caadiga ahayd ee loo ogolaa, tiradaa oo ah toddobo kun toddobo boqol iyo afartan qof (7,740), dibadana waxaa ka timid tiro intaa aad uga yar.

Sii Haayaha Qunsiyadda Somalida Ee Magaalada Jeddah, Daahir Axmed Wehliye, ayaa xaqiijiyay in tiradii ugu badneyd oo Soomaali ah ay sanadkan soo Xajisay, inta ay taariikhda xusayso.



Daahir Axmed Wehliye oo la hadlay VOA, ayaa sidoo kale sheegay inaanay jirin cid illaa iyo hadda la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay gudashada waajibaadka Xajka, Soomaalidu ay xaaladoodu wanaagsan tahay.

Wehliye wuxuu kaloo sheegay in maanta uu kuleel daran ka jiro dalka Sacuudiga, xilli ay Soomaan yihiin Ummada Muslimiinta ee maanta buuxda Banka Carafa.

Muslimiinta maanta taagan Banka Carafo, ayaa u duceynayso Ummada Muslimiinta, xilli Wadamada Islaamka ay maanta dhibaato badan ka jirto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip