R.W. kuxigeenka oo ka qeybgalay munaasibad lagu taageerayay Barnaamijka Aada dugsiyada

0
Sunday January 17, 2016 - 19:46:24 in Wararka by
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R.W. kuxigeenka oo ka qeybgalay munaasibad lagu taageerayay Barnaamijka Aada dugsiyada

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad Balaadhan oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, taas oo taageero loogu muujinayey horumarinta Barnaamijka Aada Dudgsiyada (G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad Balaadhan oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, taas oo taageero loogu muujinayey horumarinta Barnaamijka Aada Dudgsiyada (Go to School).

Ugu haroyntii Ra’iisul ku xigeenka Dalka ayaa ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed iney u istaagan xoojinta iyo adkaynta Qorshaha Aada Dugsiyada oo ay ka faa’iidaysteen shan dugsi oo qaarkood ay ku jiraan Caruur Agoon ahi.

"Af-Soomaligu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, maanta waxaa wax lagu faano ah in dalka uu ka hir-galay Barnaamijka Aada Dugsiyada oo ay ka Faa’iidaysteen Caruur badani, waxaan si gaara ugu mahadcelinayaa Waalidiinta Ubadkooda uga faa’iideeyay, xukuumada waxa ka go’an horu-marinta afka hooyo” ayuu yidhi Mudane Carteh.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada oo uu ku amaanay hirgelinta Barnaamijka Aada Dugsiyada, wuxuuna taageeray go’aanka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ahaa in la joojiyo boodhadhka lagu qorayo afafka qalaad.

Munaasabado lagu xusayo maalinta Far-soomaaliga ayaa lagu qaban doono dhamaan dalka oo dhan 21 Jan, 2016, taas oo noqonaysa sanad guuradii 43 ee ka soo wareegtay xiligii la asaasay qoraalka Afsoomaaliga oo soo maray marxalado kala duwan.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

IMG 8496
IMG 8402
IMG 8341
IMG 8319
IMG 8308
IMG 8283
facebooktwitter
 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip