
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA JANNAAYO 2016-KA
Shirar gaar gaar ah ayaa waxaa uu xilligan u socdaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana shirarkan dibad joog ka ah Warbaahinta qeybaheeda kala duwan.
Goor sii horeysay waxaa magaalada Kismaayo ka soo ambabaxay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad, xildhibaano, wasiiro, xubnaha ururada bulshada rayidka ee shirka ka qeyb galay iyo qaar ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxda la socdeen.
Madaxda dowladda, sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaar aha, sidoo kale Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa u muuqda kuwo kaliya ku haray Kismaayo, howsha wada tashigana ku keli noqday.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Soomaalida ay durbaba la kulmeen cadaadis be esha caalamka uga yimid, kaasoo ku aadan inay gaaraan is afgarad ah, intii ay kala tagi lahaayeen.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in la qaadan doono in Baarlamaanka lagu soo xulo 4.5, halka aqalka golaha sare lagu soo xulo 18kii gobol ee dalka. Waxay u badan tahay in shirka la soo gaba gabeyn doono saacadaha soo socda, isla markaana laga soo saari doono war murtiyeed ka koo ban dhowr qodob oo qorshihiisa yahay nooc doorasho oo dalka ka dhaca.
Lama oga sida meel dhexe ay isugu imaan doonaan dhinacyada ku shirsan Kismaayo, waxa ase isha lagu wadaa go’aanka ugu dambeeya ee soo bixi doona iyo sida loo soo bandhigo nooc doo rasho oo la isku raacsan yahay oo dalka ka dhacda Agosto kadib.
XAAD: "BEESHA HAWIYE WAA KA HORJEEDAA IN AWOOD QEYBSIGA LAGU SALEEYO 18KII GOBOL”
Afhayeenka Golaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ka warbixiyay kulan golaha uu ka yeeshay marxalada dalka uu marayo xilligaan.
Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in beelaha Hawiye go’aan cad ka qaateen hannaanka ay doonayaan in dalka uu ku gaarayo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in beel weynta Hawiye ay taageereyso in awood qeybsiga lagu saleeyo 4.5.
"Beel weynat Hawiye hadaan nahay waxaan ka soo horjeednaa in 18kii gobol lagu saleeyo awood qeybsiga” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in dalka Soomaaliya dhibaatadii ka dhacday ay ahayd midii ka dhacday gobolada dalka.
Dhinaca kale Afhayeenka beelaha Hawiye ayaa sheegay inay doonayaan gobolka Banaadir in loo sameeyo nidaam gaar ah, isla markaana beeshu soo dhoweyneyso wax kasta oo ay xal u aragto inay ku jirto danta dadka iyo dalka.
WAKIILADA BEESHA CAALAMKA OO KU BIIRAY SHIRKA MAGAALADA KISMAAYO.
Dhinacyada Siyaasadda Somalida, ayaa weli ku shirsan Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose, illaa iyo hadana ma jirto wax War Murtiyeed ah oo ka soo baxay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa ka qayb gelaaya shirka, si ay Madaxda Somalidu ugu cadaadiyaan in qodobo la’isku waafaqsan yahay, ay ka soo saaraan shirkan.
Wakiilada ku biirtay shirka, ayaa waxaa laga xusi karaa Safiirka Emirateka Carabta u fadhiya Somaliya, Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, iyadoona siyaabooyin kala duwan loogu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo.
Waxaa suurtagal ah in Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ay shirka ka soo saaraan qodobo ay ku mideysan yihiin, qodobadaasi oo ay suurtagal tahay inuu ku jiro qodob qee xaaya, in shir kale la’isugu yimaado oo ka dhaca Magaalada Baydhabo.
Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaaya in natiijada shirka ay tahay mid cak iran, ayna u badan tahay in la taggi doono Xarunta G/ Baay Ee Magaalada Baydhabo.
Haddi ayba dhacdo in shirka laga soo saaro qodobo la’isku waafaqsan yahay, ayaa waxay mar kaasi noqon doontaa in la soo saaro wixii ka dambeeya maalinta berrito ah.
Madaxda Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ayaa waxay isku khilaafsan yihiin no oca lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo Dhismaha Aqalka Sare.
Tan iyo Khamiistii waxaa socotay dood kulul oo la xiriirta in Xildhibaanada lagu soo doorto nid aamka beelaha ee 4.5 iyo in lagu soo xulo hannaanka deegaanada. Madaxda Dowladda Somaliya, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayaa u ololaynaaya in Xildhibaanada lagu soo xulo 4.5, halka Pu ntland iyo Jubbaland ay dalbanayaan in lagu soo doorto habka deegaanada.
MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE OO SHEEGAY IN DOORASHO QOF IYO CODKIIS AY KA DHICI KARTO DALKA
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada Dhexe Cali Baashi ayaa tibaaxay in doorasho qof iyo codkiis dalka ay ka qabsoomi karto.
Cali Baashi ayaa sheegay in maadaama madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Gob oleedyada ay isku fahmi la’yihiin nuuca doorasho ee dalka ay kula talin lahaayeen in qof iyo codkiis laga dhigo.
" kulamo maamulka Gobollada dhexe uu qabtay ayaa la isku raacay in dalka qeybo badan oo ka mid ah laga qaban karo dorasho qof iyo codkiis ah” ayuu yiri Cali Baashi.
Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa weli shirar xasaasi ah ku leh Magaalada Kismaayo.
SOMALILAND OO KA BILAABATAY DIIWAAN GELINTA COD BIXIYEYAASHA DOORASHADA SANADKA 2017
Somaliland ayaa waxaa shalay si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta codbixiyeyaasha door ashada soo socota ee Maarso sanadka 2017.
Illaa 163 goobood ayay shalay subixii ka bilaabatay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, iyadoo dadka ay safafaf dhaadheer ugu jiraan.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa murano ka dhashay hab diiwaan gelinta doorashooyinka, iya doo markii u dambeysay saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ku heshiiyaan qaabka diiwaan gelinta oo ah mid casri ah.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland C/qaadir Iimaan ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC in howsha diiwaan gelinta ay si wanaagsan u socoto.
Waxaa uu sheegay in Gobolka Togdheer lagu bilaabay howsha diiwaan gelinta, isagoo xusay in lixda gobol ee maamulka Somaliland ay mid walba muddo bil loogu tala galay in dadka iska diiwaan geliyaan.
Diiwaan gelintan ayaa ah mid aad u casri ah, waxaa dadka laga qaadayaa, faraha, sawir iyo in dhaha, waxaana la diiwaan gelinayaa dadka ay da’dooda ka weyn tahay 16sano jir ee reer Somaliland ah ama muddo degenaa.
Waxaa la diiwaangelinayaa dadka da’doodu ka weyn tahay 16 sano jir ee Somaliland u dha shay ama muddo deganaa.
Midowga Yurub ayaa la sheegay inuu bixinayo dhaqaalaha ku baxaya howsha diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha.
Xisbiyada Somaliland ayaa abaabul xoogan u galay sidii taageerayaashiisa u keeni lahaa goob aha diiwaan gelinta, waxaana qof walba marka la diiwaan geliyo la siinayaa kaarka aqoonsiga.
XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA OO FURAY SHIR LOOGA HADLAYO HORUMARINTA HANAANKA GARSOORKA DALKA
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa shalay furay shir looga hadlayo sidii loo nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska loo keeno xeer ilaalinta dalka.
Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirka Cadaaladda, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo aqoonyahano.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Macalin Daahir oo ka hadlay furitaanki shirka ayaa ka shee keeyay baahida loo qabo in la helo nidaamka Databaska ee lagu keeydiyo kiisaska xeer ilaalinta.
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobbe ayaa sheegay in nida amkani uu qiimo u leeyahay hanaanka garsoorka dalka, wuxuuna tilmaamo ka bixiyay sida uu u fidud eyn karo nidaamkan howlaha garsoorka dalka.
Wasiirka Cadaaladda oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa ka hadlay ahmiyadda gaarka ah ee nidaamkani u leeyahay cadaaladda iyo garsoorka dalka, wuxuuna xusay in wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto hirgelinta nidaamkani, iyo wax kasta oo lagu horumarinayo hanaanka garsoorka dalka.
TALISKA TARAAFIKADA OO SHEEGAY INEY MAXKAMAD U GUDBIN DOONAAN DADKA JABIYA SHARCIGA WADOOYINKA
Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee "Taraafiko" General Cali Maxamed Cali oo shalay Shir Jaraa id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in ay Maxkamad u gudbin doonaan Wadayaasha gaadiidleyda ee jibiyay Sharciga Wadooyinka iyo Wadista gaadiidka.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay mar welibo ganaaxan Wadayaasha gaadiidleyda isla markaana aysan waxbo ka tareyn ganaax iyo digniino kalena.
Waxa uu xusay in go’aansadeen in dadkaasi loo gudbiyo Maxkamada si arrintooda wax loogu qabto.
Taliyaha ayaa sidoo kale u digay dadka gawaarida xawliga ku wada ee shilalka gala kuwaasi oo uu sheegay in ay dhibaato ku yihiin shacabka.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee "Taraafiko” General Cali Maxamed Cali ayaa digniin u diray dadka gaadiidkoodu uu shilka galay ee Arrimahooda shilalka la xaliyay balse aan soo doonan gaadiidkooda iney yimaadaan taliska soona doontaan gaadiidka.
Waxa uu tilmaamay in ay go’aano ka soo saarayaa hadii ay soo doonan gaadiidkooda, isla markaana ay Dowlada la Wareegeyso gaadiidkaasi.
IRAN OO XABSI KASII DAYSAY WERIYE U SHAQEYNAYAY WARGEYSKA WASHINGTON POST
Dowlada Iran ayaa sii daysay Jason Rezaian weriye u shaqeynayay wargeyska Washington Post iyo saddex ruux oo ah dad asalkoodu ahaa Iran balse haysta dhalashada Maraykanka.
Maxaabiistan afarta ah ayaa la sheegay in dowlada Maraykanka ay bedelkoodii sii deysay todd obo ruux oo u dhashay dalka Iran kuwaasoo ku xiran xabsiyo ku yaal dalka Maraykanka. Rezaian oo 39-sano jir ah ayaa loo xirey arrimo la xiriira basaasnimo bishii November ee sanadkii hore.
Wadahadalo dhinaca diblumaasiyada ah ayaa ka socda magaalada Vienna iyadoo xukuumada Iran ay dadaal xoog leh ugu jirto in laga qaado cunoqabataynta dhaqaale maadaama sanadkii hore laga gaaray heshiis arrimaha Niyukliyerka ah.
Muwaadiniintan Maraykanka ah ayaa loo soo duuliyay dalka Switzerland iyadoo loo sii gudbin doono dalka Jarmalka si baaritaan caafimaad loogu sameeyo inta aan ugu dambeyntii dib loogu celin dalka Maraykanka.
Sida laga soo xigtey wakaalada wararka ee Associated Press Mr Levinson oo ah sarkaal u sha qeynayay FBI ayaa lagu waayay gudaha dalka Iran sanadkii 2007dii isagoo u hayay howlo aan la cadeyn sirdoonka Maraykana CIA
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada Iran ay doonayso in 14 muwaadiniin u dhashay dalka Iran laga tirtiro liiska ay hay’ada Interpol
KENYA OO SI ADAG KAGA DIGTAY IN BARRAHA INTERNETYADA LAGU BAAHIYO SAWIRADA ASKARTA LAGU LAAYAY CEELCADDE
Xukuumadda Nairobi, ayaa waxay si xoogan kaga digtay in barraha bulshada lagu baahiyo sawirada meydadka iyo dhaawacyada Ciidanka Militariga Kenya, ee Jimcihii lagu laayay weerarkii ka dhacay Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mombasa, ayaa shacabka ugu yeeray inay u hogaansamaan awaamiirta ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wasiirka, ayaa waxaa uu dhammaan shacabka reer Kenya uu kaga digay inay barraha bul shada u adeegsadaan sawiradaasi, haddii kalana ay u aqoonsan doonaan kuwo argagaxiso kalkaal ah, sida uu yiri.
Wasiirka, ayaa sidoo kale bulshada ugu yeeray inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Ke nya, si hal daraf looga wada noqdo Ururka Al Shabaab, maadaama sida uu sheegay ay u soo qalab qaateen burburinta Qaranka Kenya.
Wasiir Nkaissery waxaa uu ku cago jugleeyay inay dagaal adag la geli doonaan Shabaabka hubeysan ee Somaliya ka dagaalamaaya, balse sheegtay inay dagaalkii u weeciyeen dhanka Kenya.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ku cago jugleeyay in la xisaabtan uu ka dambeen doono daadinta dhiigga Ciidanka Militariga Kenya, islamarkaana aanu dhiigoodu noqon do onin mid la’isaga haro, sida uu yiri.
Mr. Kenyatta, ayaa ku hanjabay inay raadin doonaan cid kastaa oo ku lug leh weerarkaasi, islamarkaana ay ciqaabi doonaan, marka ay gacanta ku soo dhigaan, sida uu yiri.
DIYAARADAHA KENYA OO DUQEYMO KA WADA DEEGAANADA KU DHOW DHOW DEGMADA CEELCADDE
Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, ayaa waxay shalay subixiiy illaa shalay galab ay duqey mo ka wadaan deegaanada ku dhow dhow Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo. Diyaaradaha Ken ya ayaa beegsanaaya Xoogaga Ururka Al Shabaab, oo tan iyo daraad ku sugan Ceelcadde iyo goob aha kale ee ku dhow dhow.
Degmada Ceelcadde, ayaa waxaa si wayn uga barakacay dadkii deganaa, kuwaa oo u yaacay miyiga Degmadaasi, ka dib markii Jimcihii uu dagaal qaraar ka dhacay Degmada.
Dad yar oo ku haray Degmada Ceelcadde, ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaaradaha Kenya ay garaacayaan goobaha ay ku tuhmayaan inay ku sugan yihiin Xoogaga Al Shabaab. Korneyl Warfaa Sheekh Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay diyaaradaha dagaalka Kenya, inay baadigoob ugu jiraan dagaalyahanadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.
Korneyl Warfaa, ayaa xusay in Xoogaga Al Shabaab ay weli ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Xeradii Ciidamada Militariga Kenya, ay ku lahaayeen Degmadaasi Ceelcadde.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ku cago jugleeyay in la xisaabtan uu ka dambeen doono daadinta dhiigga Ciidanka Militariga Kenya, islamarkaana aanu dhiigoodu noqon doonin mid la’isaga haro, sida uu yiri.
Mr. Kenyatta, ayaa ku hanjabay inay raadin doonaan cid kastaa oo ku lug leh weerarkaasi, isl amarkaana ay ciqaabi doonaan, marka ay gacanta ku soo dhigaan, sida uu yiri.
KENYA OO SOO SAARTAY DIGNIIN KU SAABSAN WEERARO SHABAAB KA GEYSTAAN DALKA KENYA
Taliska ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniin culus oo ku wajahan shac abka Kenyanka ah, iyagoo uga digay in ka feejignaadaan weerar argagixiso oo dalkaasi ka dhaca.
Arintaan ayaa ka dambeysay markii xoogag ka tirsan Shabaab daraad weerar ku qaadeen Sal dhig ay Ciidamada Midowga Africa ee Amisom gaar ahaan kuwa dalka Kenya ku leeyihiin Degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo.
Af hayeenka Booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in dhacdadii daraad ka dhacday Degmada Ceelcadde ay muujineyso sida ay Shabaabka ugu heelan yihiin in ay waxyeello ka geystaan dalka Kenya gudihiisa, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la iska kaashado ka hor tagidda dhaq dhaqaaqyadaasi.
Mr Owino ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada ammaanka ay qaadi doonaan tallaabooyin dhee raad ah oo nabad galyada lagu xoojinayo, islamarkaana baaritaanno xoogan lagu sameyn doono dhamaan gaadiidka, xitaa kuwa ay isticmaalaan ciidamada Booliska, si aan hub sharci darro ah loogu qaadin.
SHEEKH CALI DHEERE OO KA HADLAY WEERARKII CEELCADDE FARIINA U DIRAY KENYA
Afhayeenka Guud ee Ururka Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge Cali Dheere, ayaa ka hadlay weerarkii Ururka Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ay ku lahaayeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.
Sheekh Cali Dheere oo Warbaahinta Shir Jaraa’id u qabtay ayaa waxa uu sheegay weerarka ka dhacay Degmada Ceelcadde inuu ahaa mid abaabulan oo ay qaadeen Koox gaar ah oo lagu mag acaabo Katiibada Sheekh Saalax Nabhaan, uuna u dhacay weerarkaasi sidii loogu talo galay.
Cali Dheere wuxuu tilmaamay inay halkaasi ku dileen ku dhawaad 100 Askari oo Kenyati ah oo qaarkood si toos ah loo toogtay halka qaarna ay ku baaba’een weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee alba abka hore lagu galay.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay Afhayeenka Shabaab ciidamada Mujaahidiinta Shabaab weerarkaasi inay si dhiiran u qaadeen, islamarkaana ay ku baabi’iyeen Kenyattiga ku sugnaa Saldhiga.
Wuxuu ku faanay inay halkaasi ka qaateen ku dhawaad 30 gaadiidka Dagaalka ah, hub iyo Agab Millaterina ay ka furteen ciidamada Kenya ee Saldhigaasi lagu weeraray.
Afhayeenka Guud ee Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in ciidamada Kenya ay ku beegsan doonaan meel kasta oo ay Somaliya ka joogaan, weerarkii Ceelcadd ena uu qayb ka ahaa weeraro badan oo ciidanka Kenya loo qorsheeyay.
Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu fariin u diray Dowladda iyo shacabka Kenya oo uu u sheegay in Kenyanka aysan aqoonin dagaalka, islamarkaana ay ku halaagsamayaan dagaalka hadii aysan Somaliya ka bixin.
Ilaa hada waxaanan si rasmi ah loo cadeyn karin Tirada Askarta Kenyanka ah ee Shabaab ay ku dileen weerarkaasi, kasokoow Sheegashada Shabaabka ay sheeganayaan.
Dowladda Kenya waxa ay qiratay in Askar looga laayay weerarka ka dhacay Degmada Ceelcade, balse ma aysan faahfaahin tirada Askarta weerarkaasi looga dilay.Xigasho:-dhaccdo.com
MAXKAMAD MIN 11SANNO OO XABSI AH KU XUKUNTAY LABA RUUX OO SOMALISWEDISH AH
Laba qof oo Asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia, isla markaana haysta dhalashada dalka Sweden ayaa maxkamad ku taala Maraykanka waxay ku riday xukun kadib markii lagu heley in ay ka mid ahaayeen dagaalyahanada alShabaab, isla markaane dagaalo dhowr ah kaso qaybgalay.
Dacwadoogaha maxkmadda ayaa sheegey in Cali Yaasiin Axmed 31jir ah iyo Maxamed Yusuf oo 33jir ah ay ka qaybqaateen dagaallo ka dhacay Muqdisho; iyagaoo ka mid ahaa dagaalyahannada Ururka AlShabaab ee Soomaaliya.
Labadan qof ee soomaalida ah haystane dhalashada Sweden ayaa maxkamadda New York, Brooklyn waxay ku ridey xukun ah 11 sano oo xabsi ah.
Sido kale dacwad oogaha labadan muwaadin ee soomaaliga ah ayaa sheegey in labadan nin ay ka safreen guryahoodi oo ku yaala dalka Sweden Sannadkii 2008, waxayna tababarro ku qaateen xerooyin ay leeyihiin alShabaab.
Dhanka kale mid ka mid ah labada nin ayaa ka qaybqaatay calad muuqaal ah oo dacaayad loo gu samaynaayo alShabaab sida uu sheegay dacwadooguhu labada nin.
Si kasta ha ahaatee, Xagaagii 2012kii ayaa labadan nin lagu qabtay Jabuuti iyagoo u socda Ye men; waxaana xukuumadda Sweden ay ku guuldareysatey in iyaga lagu wareejiyo, hase ahaate bishii Nofeember 2012 ayaa gacanta loo geliyey dalka Maraykanka. Dacwadda lagu oogay waxaa ka mid ahaa caddeymo ay soo gudbisey hay’adda sirdoonka Sweden ee Sapo.
XUKUUMADA BURKINA FASO OO SHEEGTAY IN AY SOO AFJARTAY WEERARKII SPLENDID HOTEL …
Xukuumadda Burkina Faso ayaa sheegtay inay lasoo afjaray howlgalkii hoteelka Splendid oo ay kooxo hubeysani daraad Gellinkii dambe Weerar ku qabsadeen.
Wasiirka arrimaha gudaha Burkina Faso ayaa sheegay in lasoo afjaray shalay hawlgalkii ka soc day hoteel ku yaala caasimadda dalkaas ee Ougadougou, iyadoo Weerarkaas 23qof lagu dilay, lana badbaadiyay 126qof oo kale.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in saddex ka mid ah kooxihii weerarka qaaday lagu dilay howl galka, isagoo intaas ku daray inay weli socdaan howlgallo qaas ah oo ka socda gudaha Hoteelka.
Koox taageersan ururka AlQaacida oo ka howlgala Woqooyiga Afrika ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka yihiin weerarka, Inkastoo mas’uuliyiin kale oo Dowladda Burkino Faso ka tirsan ayaa sheegay in weli laga maqlayo rasaas ka dhacaysa hoteelka gudihiisa.
Ciidamo khaas ah ayaa lasoo sheegayaa inay ka qaybqaadanayaan howlgalka lagu soo afjarayo weerarka oo khasaaro badan dhaliyay. Waxaana hoteelkaas lala weeraray maqaayad ka agdhaweyd.
Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande oo Ciidammadiisu ay qayb ka yihiin Hawlgalka ka dhanka ah kooxda qabsaday Hoteelka Splendid oo ku yaalla bartamaha magaalada Ougadougou ayaa cambaareeyay weerarkaas, kuna tilmaamay mid fulaynimo ah.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Burkina Faso, Remi Dandjinou oo isagana la hadlayay war baahinta ayaa sheegay in dabley tiro ahaan u dhexeeya toddobo illaa lix ruux oo rag ah oo degnaa hoteelka ay ka dambeeyeen weerarka.
Remi Dandjinou ayaa wuxuu intaas ku daray in mas’uul ka tirsan dowladda uu ka mid ahaa da dka halkaasi laga soo badbaadiyay, iyadoo isbitaallada Xarunta dalkaas lagu Daweynayo 33qof oo weerarkan lagu dhaawacay.
Goobjoogayaal ayaa iyaguna dhankooda sheegaya in kooxaha hubeysan ay markii hore la wareegeen gacan ku haynta maqaahi kafeega lagu cabo oo u dhaw hoteelka; halkaasoo ay markiiba dhowr qof ku dileen.
Ugu dambeyn, Hoteelkan la weeraray ayaa ku yaallaa meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha magaalada Ougadougou, waxaana weerarkan uu noqnayaa midkii ugu horreeyay oo kooxo hubeysan ay ku qaadaan hoteel ku yaalla Burkina Faso.
HAWEENEYDII U HOREYSAY OO MADAXWEYNE LOO DOORTAY TAIWAN
Tsai Ingwen ayaa loo doortay Madaxweynaha Taiwan, iyadoo noqotay haweeneydii u horeysay oo Madaxweyne noqotay.
Haweeneydan oo 59 jir ah ayaa ka mid aheyd Xibsiga gobonimo doonka ee DPP, kaasoo doon aya inay ka go’aan Shiinaha.
Shiinaha ayaa u arka Taiwan Gobol ka tirsan, balse ka fallaagoobay, waxaana xisbiga la ware egay talada dalkaas ee DPP loo arkaa inuu qaadi doono tallaabooyinka madax banaanida Taiwan
Tsai Ingwen ayaa ugu baaqday dowladda Shiinaha inay ixtiraamto madax banaanida, isla mark aana wax kasta oo carqalad keeni kara cilaaqaada labada dhinac laga hortago.
Waxaa ay u mahad celisay dowladaha Mareykanka iyo Japan, taageeda ay siiyeen Xisbigeeda.
Dowladda Shiinaha ayaa si dhow isha ugu heysay doorashada Taiwan, waxaana xisbiga laga guuleystay lagu tilmaamay inuu xiriir dhow la lahaa Shiinaha.
SHIR LOOGU HADLAAYAY NIDAAM CASRI AH OO LAGU KEYDIYO KIISASKA OO MUQDISHO KA FURMAY.
Waxaa Shalay Magaalada Muqdisho ka Furmay shir loogu Hadlaayay qaabkii loo sameyn la haa nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska loo keeno xeer ilaalinta dalka.
Shirka waxaa ka qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr axmed Cali Daahir, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobbe, iyo Wasiirka Cadaaladda xukuumadda soomaliya Mudane Cabdulaahi Ilka Jiir.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr axmed Cali Daahir oo shirka Furay ayaa sheegay in muhii mada gaar ah u leeyahay xeer ilaalinta dalka. In la sameeyo nidaam casri ah oo lagu keydiyo kiisaska madaama ay maalin walba dalka ka dhacaaan dhacdooyin kala duwan,
Dhanka kale Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Goobbe oo kulanka ha dal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in qiimo u leeyahay hanaanka garsoorka dalka, hadii la samee yo nidaam casri ah oo lagu keediyo kiisaska dalka,
Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdulaahi Ilka Jiir oo gabagabada kulanka ka hadlay ayaa Tilmaamy in ahmiyadda gaarka nidaamkani u leeyahay cadaaladda iyo garsoorka dalka,
IIRAAN OO LAGA QAADAY CUNAQABATAYNTII
Cunaqabateenada caalamiga ahaa ee saarnaa Iiraan ayaa la qaaday kaddib markii hay'adda Qaramada Midoobay ee quwadda atoomikada ay xaqiijisay in ay adeecday heshiis loogu talagalay in looga hortago in ay kobciso hubka nukliyeerka.
Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka ee loo soo gaabiyo IAEA, ayaa waxa ay she egtay in dowladda Iiraan ay soo dhameystirtay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ay ku bila abi laheyd dhaqangelinta heshiiska nukliyeerka.
Agaasimaha guud ee hay’adaasi, Yukiya Amano, ayaa sheegay in "maanta ay tahay maalin muhiim u ah bulshada caalamka”.
Baarayaasha hay’adda ee ku sugan gudaha Iiraan ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay qaadday tallaab ooyinkii laga doonayay, ayuu sii raaciyay.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska uu ka qeyb qaadan doono horumarinta ammaanka iyo nabadda gobolka iyo caalamka.
BOGGA CAYAARAHA
Maxaa Ka Jira In FIFA Ay Baaritaano Kuwado Qaar Kamid Ah Kooxaha Ingiriiska, Suurogalna Ay Tahay In Garka Loo Galiyo Ganax Lamid Ah Kii Barcelona, Real Iyo Atletico Madrid Ay La Kulmeen ?
Jose Angel Sanchez, madaxa kooxda Real Madrid ayaa qaba in kooxaha ingriiska ay yihiin kooxaha xiga ee la kulmi kara dhibaatadii garka loo galiyay kooxaha waa weyn ee dalka Spain ee kala aha Real Madrtid, Atletico iyo waliba Barcelona isagoona sheegay in FIFA xili horaba ay bilowday baaritaano ak dhan ah kooxaha ingiriska qaarkood.
Madaxa Real Madrid ee Jose Angel Sanchez ayaa sheegay in FIFA ayasan heysan dad ku filan oo markaliya baaritaano u sameeya laakin ay dhawaan kooxaha ingiriiska weydiin doonaa cadeymo wuxuuna yiri "Waxaa jira in baaritaano ay FIFA ku bilowday kooxaha ingriiska, sheekadaan kuma ekaan doonto kaliya Spain, sanad waliba waxaan maqli doonaa koox lagu dhagan yahay, waxaa jiro ganaaxyo badan oo kooaha la saaro”.
Jose Angel Sanchez ayaa sabab uga dhigay in FIFA aysan haatan weydiisan kooxaha ingriiska cadeymo ku aadan saxiixyadooda ayaa yiri "Waxaa heysata dhibaato ah ineysan heli karin baareyaal ku filan oo markaliya u wada baara kooxaha ay doonayaan iney baaraan, waan hubaa in dhawaan ay kooxio badan la kulmi doonaan baaritaan iyo ganaaxyo”.
Dhanka kale FIFA ayaa xili horeba ceeb kala kulmeysa ganaaxii ay ku soo rogtay Real Madrid kadib markii ay dacwadooda ku soo dareen afarta wiil ee uu dhalay macalinka kooxda Madrid ee Zinadine Zidane kuwaasoo sida la ogyahay arin qoys ugu soo guuray dalka Spain laakin FIFA ay ku sheegtay in si qaldan loola soo saxiixday si lamid ah Ezequel Garay oo ay qoyskiisa u soo guureen Madrid xili hore uguna soo guureen arin qoys ay FIFA ku sheegtay in saxiixiisa uu ahaa mid qaldan arintaas ayaana ceeb iyo dhabarjab weyn ku noqon karta FIFA.
Ganaaxa Ay FIFA Suuqa Ka Saartay Real Madrid Iyo In Wiilashiisu Ay Ku Jiraan Liiska FIFA Ay Madrid Ku Ganaaxday, Qaab Ciyaareedka Ronaldo Iyo Waxyaabo Uu Zinedine Zidane Ka Hadlay
Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane oo saxaafada la hadlay ka hor kulanka ay Real Madrid bari la ciyaari doonto kooxda Sporting Gijón ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ay ugu muhiimsan tahay ganaaxa ay FIFA ku soo rogtay kooxdiisa Madrid.
Zidane ayaa kulankiisa labaad ee Madrid markale ka soo hor muuqandoonta Santiago Bernabéu isaga oo raadinaya guushiisii labaad oo xidhiidh ah. Laacib.net ayaa idiin soo turjumay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu Zidane shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Sporting Gijón uu kaga hadlay halkan ayaanad kaga bogon kartaa.
Zidane oo ka hadlaya ganaaxa Madrid laga saaray in ay ciyaartoy diwaan gashan karto iyo in wiilashiisu liiskan Madrid lagu ganaaxay ay ka mid yihiin ayaa yidhi: "Waxaan filayaa in ay tahay wax niyadjab leh,Anigu halkan waxaan ku loolaa waqti dheer aniga oo qayskayga iyo wiilashayda halkan kula noolaa. Arintan oo dhan waa la xalin doonaa.Waanu ognahay wixii dhacay, waxaana la xalin doonaa todobaadka soo socda”.Zidane Family
Zidane ayaa la waydiiyay in uu ganaaxan ka cadhaysan yahay wuuxuna yidhi: "Anigu waan cadhaysanahay, laakiin waxba ma qaban karo, waxyaabo gaar ah ayay adag tahay in la aqbalaa laakiin waxaan baaqi ku sii ahay in aan deganaado”.
Zidane ayaa la waydiiyay go’aanka ay FIFA Madrid laba xili suuq kaga ganaaxday in ay wax ciyaartoy ah diwaan gashan karto wuxuuna yidhi: "Anigu ma doonayo in aan wax sameeyo, kooxda ayaa arintan u xilsaaran, sababtoo ah wiilshaydu ma aha carruurta kaliya ee warbixinta FIFA lagu xusay”.
Zidane oo ka hadlaya kulanka Sporting ayaa yidhi: "Waxaa anaga waajib nagu ah in aanu ciyaarta ku bilaabano si xoogan, Sporting waa koox xoogan oo kubbada fiican ciyaarta”.Zidane44Zidane ayaa la su’aalay in Ronaldo uu qaab ciyaareed liita ku jiro wuxuuna ku jawaabay: "Ronaldo qaab ciyaareed fiican ayuu ku jiraa, waxaanan anigu si buuxda u aaminsanahay Ronaldo, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Ronaldo haysto”.
In ay Real Madrid ku jirin Copa Del Rey iyo Pual Pogba: "Waa wax nasiib daro ah in aanu ka maqnahay Copa Del Rey, laakiin waxay waqti noosiinaysaa in aanu fursad u helno aanu diirada ku saarno tababarka. Pogba waa ciyaartoy aan caadi ahayn, laakiin anigu kaliya waxaan ka fikirayaa ciyaartoyda aan haysto”.Zidane and David Bettoni
Zidane ayaa wax laga waydiiyay xaalada David Bettoni oo markii hore loo haystay caawiyhiisa wuuxuna yidhi: "David Bettoni waxa la shaqeeyaa shaqaalahayga farsamada, laakiin sidoo kale kuwo kale ayaa jira, Bettoni hadda ma aha caawiyaha tababaraha”.
Xanta Suuqa: Barcelona Oo Qarka U Saaran Iney La Soo Wada Wareegto Xidigaha Nolito Iyo Denis Suarez Maalmaha Soo Aadan
Barcelona ayaa qarka u saaran saxiixa xidiga kooxda Celta Vigo ee Nolito iyo waliba xidiga Villareal ee , Denis Suarez sidaasi waxaa goordhawey qoray jariirada maalinlaha ah ee koasoo baxda Catalonia ee Sport.
Nolito ayaa la fialyaa inuu kaga yimaado Celta Vigo amaah laakin wuxuu si toos ah ugu biiri karaa kooxda Catalans xagaaga isagoo saxiixaya qandaras sadex sano ah waxaana la filayaa inuu ku yimaado lacag dhan €18 milyan oo euro waxayna Barca lacagtaasi bixin doontaa xagaaga.
Dhan kale Suarez ayaa la filayaa inuu ugu kaco Barcelona qiimo dhan €3.5 milyan oo euro lakain lacagta ayaa kordhi doonta iyadoo marwaliab ku xirnaan doonat qaab ciyaareedka xidigaaan ee Bluagrana.
Si kasta kooxda uu Suarez haatan ka titsan yahay ee Villarreal ayaa suuqa ugu jirta badalkii xidigaan waxayna filayaan iney ku dhawaaqaan saxiixa badalkiisa ka hor inta aysan ku dhawaaqin bixitaankiisa.
Kulamada la cayaaray ee England Premier League
Tottenham Hotspur 4 1 Sunderland
AFC Bournemouth 3 0 Norwich City
Chelsea3 3 Everton
Manchester City 4 0 Crystal Palace
Newcastle United 2 1 West Ham United
Southampton 3 0 West Bromwich Albion
Aston Villa 1 1 Leicester City
kulamada la ciyaarayo caawa iyo maanta ee England Premier League
5:05 Liverpool ? ? Manchester United
7:15 Stoke City ? ? Arsenal
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA JANNAAYO 2016-KA
WARARKII UGU DAMBEEYAY SHIRKA MADASHA WADA TASHIGA OO LA FILAYO IN WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARO.. Madaxda Soomaalida ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah iyo isu soo dhowaansho, si ay ugu yaraan u gaaraan saacadaha soo socda is faham ku aadan nooca d