Dad yar oo ku haray Degmada Ceelcadde, ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaaradaha Kenya ay garaacayaan goobaha ay ku tuhmayaan inay ku sugan yihiin Xoogaga Al Shabaab.
Korneyl Warfaa Sheekh Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay diyaaradaha dagaalka Kenya, inay baadigoob ugu jiraan dagaal-yahanadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.
Korneyl Warfaa, ayaa xusay in Xoogaga Al Shabaab ay weli ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Xeradii Ciidamada Militariga Kenya, ay ku lahaayeen Degmadaasi Ceelcadde.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ku cago jugleeyay in la xisaabtan uu ka dambeen doono daadinta dhiigga Ciidanka Militariga Kenya, isla-markaana aanu dhiigoodu noqon doonin mid la’isaga haro, sida uu yiri.
Mr. Kenyatta, ayaa ku hanjabay inay raadin doonaan cid kastaa oo ku lug leh weerarkaasi, isla-markaana ay ciqaabi doonaan, marka ay gacanta ku soo dhigaan, sida uu yiri
Diyaaradaha Kenya oo duqeymo ka wada deegaanada ku dhow dhow Degmada Ceelcadde
Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya, ayaa waxay saakay illaa galabta ay duqeymo ka wadaan deegaanada ku dhow dhow Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo. Diyaaradaha Kenya ayaa beegsanaaya Xoogaga Ururka Al Shabaab, oo tan iyo shalay ku sugan Ceelcadde iyo