Madaxweyne Sissi oo cafis u fidiyay maxaabiis ay ka mid yihiin weriyaal ka tirsan Al Jazeera
Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed oo ka mid ahaa weriyaasha Al jazeera ayaa la sii daayay kadib markii uu cafis munaasbada Ciidda awgeed u fidiyay madaxweynaha dalka Masar Sissi.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Masar All Youssef ayaa sheeegay in maxaabiis gaareysa boqol laga soo daayay xabsiyada dalka Masar munaasabada ciidda Adha awgeed.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa bogga uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku shaaciyay "in la deynayo maxaabiis dhalinyara ah oo gaareysa boqol kuwaasoo u xirnaa arrimo la xiriira sharciyada banaanbaxa ay jebiyeen iyo qaar kale oo arrimo bani’aadanimo iyo arrimo caafimaad.”
Hase yeeshee lama cadeyn in cafiskan ay ka mid yihiin illaa iyo toddobo weriye oo iyagoo maqan xabsiyo u dhexeeya saddex sano illaa iyo toban sano la xukumay. Shabakada warbaahinta ee Al Jazeera ayaa soo dhoweysay sii deyntan balse waxa ay ka codsatay xukuumada Masar inay joojiso dhammaan xariga iyo eedeymaha loo haysto saxafiyiinta.
Madaxweyne Sissi oo cafis u fidiyay maxaabiis ay ka mid yihiin weriyaal ka tirsan Al Jazeera
Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed oo ka mid ahaa weriyaasha Al jazeera ayaa la sii daayay kadib markii uu cafis munaasbada Ciidda awgeed u fidiyay madaxweynaha dalka Masar Sissi. Afhayeenka madaxtooyada dalka Masar All Youssef ayaa sheeegay in maxaa