
Madaxweynaha Burkino Faso Michel Kafando oo dib ula wareegay madaxtinimada dalkiisa(Sawiro)
Milatarigii xukunka la wareegay ayaa maalin kahor saxiixay heshiis ay afgambiga ugaga laabanayaan si aysan u dhicin iska horimaad dhex mara ciidamada dalka Burkino Faso.
Saraakiisha afgambiga ka dambeysay ayaa oggolaaday in ay ku laabtaan xeryahooda ciidamada soo galay caasimadana dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen.
Ilaalada madaxtooyada Burkino Faso oo loo yaqaan (RSP)ayaa daacad u ah madaxweynihii waqtiga dheer xukumayay dalka Burkino ee Blaise Compaore, kaasoo kacdoon shacbi xukunks loogaga tuuray sanadkii hore.
Ciidamada ilaalada madaxtooyada ayaa u doortay hogaamiyaha dalka Burkino Faso General Gilbert Diendere toddobaadkii hore bil kahor doorasho la qorsheynayay in ay ka dhacdo dalka Burkino Faso.
Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhimatay boqol kalana waa ay ku dhaawacmeen isku dhacyo dhex maray dad banaanbaxayay oo diidanaa afgambiga iyo ilaalada madaxtooyada.
Kulan ay talaadadii yeesheen madaxda dalalka Galbeedka Afrika ee ku bahoobay urur goboleedka Ecawas ayaa lagu dhisay qorshe lagu soo afjarayo khilaafka ka dhex aloosmay ciidamada dalka Burkino Faso.
Heshiiska ay gaareen ciidamada ilaalada madaxtooyada dalka Burkino Faso iyo ciidamada Milatariga ayaa lagu hor saxiixay hogaamiyaha dhaqanka ee dalkaas Mogho Naba.
Madaxweynaha Burkino Faso Michel Kafando oo dib ula wareegay madaxtinimada dalkiisa(Sawiro)
Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Burkina Faso Michel Kafando ayaa markale dib ula wareegay madaxtinimada dalkiisa kadib markii muddo toddobaad ah ay Milatariga ka talinayeen dalkiisa.