WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 23-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Wednesday September 23, 2015 - 09:29:49 in Wararka by
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 23-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    JAWAARI: " DHALLINYARADA HA LAGA QEYB GELIYO TASHIYADA KU SAABSAN MUSTAQBALKA DALKA". Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka waxa uu ugu baaqay in dhallinyarada Soomaaliyeed laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JAWAARI: " DHALLINYARADA HA LAGA QEYB GELIYO TASHIYADA KU SAABSAN MUSTAQBALKA DALKA". Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka waxa uu ugu baaqay in dhallinyarada Soomaaliyeed laga qeyb geliyo shirarka wadatashiga ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya.

Jawaari ayaa ku hoosta ka xariiqay in dhallinyarada aad ay Muhiim ugu yihiin in Fikradahooda la garwaaqsado maadama sida uu sheegay ay ku jiri kar aan kuwa wax ku’ool ah islamarkaana ay yihiin Hoggaamiyayaasha Mustaqbalka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsa day madaxda maamul Goboleedyada dalka in shirarka kale ee soo aaddan ay muujiyaan tanaasul iyo isu soo dhawaansho maadaama waxa laga arrinsanayo ay tahay danta guud ahaan ee umadda Soomaaliyeed, ayna muujiyaan masuul iyadda ay shacabka u hayaan.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa hadalkaan ka jeediyay shirka wada tashiga ee darraadqeybtiisa hore ku soo gaba gaboobay Magaalada Caasimad da ah ee Muqdihso.

RW SHARMARKE: ” IN HEYKALKII DOWLADNIMO AAN SOO CELINO AYAA NAGA GO’AN”.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke RW Xukuumadda Soomaaliya oo darraad ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in Juhdi xooggan ay geliso sidii looga arrinsan lahaa Masiirka umadda Sooma aliyeed , iyo dar dar gelinta howlaha adag ee la doonayo in dalka meel wanaa gsan lagu gaarsiiyo.

RW Cumar ayaa u Mahad Celiyay guddiyada isku dhafka ah iyo Maamul Goboleedyada dalka , wuxuuna tibaaxay in loo baahan yahay in ay fuliyaan gudd iyadaas howlaha loo igmday.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo kaliya ay dalka ka hirgelin karaan siyaasad mideysan oo soo celinkarta Heykalkii dowladnimo isagoo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in dowladda Soomaaliya lala shaqeeyo, maadaama fikirkooda lagu shaqeynayo, sida uu hadalka u dhigay.

Darraad ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay waj iga hore shirka wadatashiga ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya ee 2016

SALAAD CALI JEELLE OO SHEEGAY SHABAAB INTA AY HAYSTAAN MEEL AY ISKA SOO ABAABULAAN INUUSAN JOOGSANEYN QARAXYADA

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa ka hadlay weerarada Abaabulan ee Ururka Al Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, xilli habeen hore ma-qribkii weerar Ismiidaamin ah Shabaab ay ku qaadeen Afaafka hore ee Mad-axtooyada Villa Soomaaliya. Salaad Cali Jeelle, ayaa sheegay qaraxyada Sha-baab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho inay ugu wacan tahay Shabaabka inay haystaan meel ay iska soo abaabulaan oo gaadiidka qaraxyada iyo weerara da ay ku soo diyaariyaan.

"Hadda mar haddii Shabaab uusan fogeyn oo uu deris la’yahay Magaalo madaxdi, hadde meeshii uu iska soo abaabulaayay ma fogee mar haddii uusan fogeyn, wuxuu sameyn karaa wixii uu doono, maxaa yeelay deris ayuu kula ya hay, laakiin haddii la eryo oo Qaxooti laga dhigo oo dalka laga barakiciyo fursad uu ku sameysaayo ma arkaayo, laakiin Baabuurkiisa iyo wixiisa meel uu ku sam eysanaayo ayaa jirta oo meel uu xukumo ayaaba jirta.” Ayuu yiri Salaad Cali Jeell oo u waramay Idaacada Risaala.

maqlayay magaalada rasaas.

QARAMADA MIDOOBEY OO SOO DHOWEYSIDA DHISIDA MADASHA WADA TASHIGA QARAN

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabi lsan Soomaaliya Nicolas Kay ayaa soo dhaweeyay shirkii darraad lagu soo gab agabeeyay magaalada Muqdisho ee lagu dhisay madasha wadatashiga Qaran.

Danjire Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay taageereyso mad ashan, ayadoo la shaqeyneysa dowladda Federaalka ah

"Qaramada Midoobay waxay taageeri doontaa hannaankaan wadatashi, iyadoo la shaqeyneysa dowladda federaalka ah iyo dhinacyada kale ee ka shaqe ynaya” ayuu yiri Danjire Kay.

Sidoo kale wuxuu ergaygu tilmaamay in loo baahan yahay in talada laga qeyb galiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan qurbo-joogto.

Dowladda Soomaaliya ayaa darraad soo gabagabeysay shir looga hadlay ay sida waddanka looga qaban karo doorasho sanadka 2016-ka, kaasoo ay ka qeyb galeen baarlamaanka, xukuumadda, maamullada gobollada iyo wakiilo ka socday beesha caalamka, waxaana lagu dhisay Madal Wada-tashi oo ay dow laddu hoggaaminayso, taasoo ka shaqeyn doonta sidii loo heli lahaa dowlad cusub sanadka 2016-ka.

FARMAAJO OO MUNAASABAD SOO DHAWEYN AH LOOGU SAMEEYAY WADANKA KOONFUR AFRIKA

Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa dalka Koonfur Afrika loogu Sameey ay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo; taasoo ay kasoo qaybgaleen qaybaha Bulshada, sida Aqoonyahanno, waxgarad, ga nacsato, dhalinyaro iyo haween oo tiradoodu kumannaan qof ahayd, iyadoo ay Goobta Xafladdu ay ka dhacaysay ay u suuro geli waday inay soo galaan kumannaan qof oo kale.

Xafladda oo ay ka hadleen Xubno Matalayay Ururada Jaaliyaddaha Sooomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa rajeeyay Farmaajo inuu Alle ku guule eyo Tartanka Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya doorashooyinka lagu wado inay Dalka dhacdo Sannadka 2016-ka. Waxayna ku dareen hadalkooda inay u arkaan inuu yahay Ruuxa keliya ee Samatabixin kara ummadda Soomaaliyeed ee colaadaha & maamul xumadu dib u dhigtay 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barrow oo ka Qaybgalay soo dhaweynta loo Sameenayay Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ku fara xsan yihiin inay Farmaajo kusoo dhaweeyaan dalkan Koonfur Afrika.

Mudane Farmaajo ayaa booqasho ku yimid dalka Koonfur Afrika oo ay ujeeddadiisu tahay in midnimo iyo is fahan ay gaaraan Bulshada Soomaaliyeed ee Waddamada Caalamka iyo gudaha dalka ku nool, ayna u yeelan lahaayeen Qaaraan Qaran. Wuxuuna ka hadlay dib u dhaca Soomaaliya iyo sida dalalka Afr ikaanka oo Qaatay Xorriyaddooda markii ay xorowday Sooomaaliya 1960-kii, isagoo sheegay inay la tahay in lagu daydado Dowladahaas sida ay ku mideey een ummadahooda oo ah kuwo kala si aad ah u kala duwan dhaqan ahaan; diin ahaan, luqad ahaa iyo dhaqan ahaan. Isagoo xusay in Soomaaliya oo wadaagta wax walba ay 25 sano colaado iyo arrimo kale oo kala fikir duwanaasho ah ay ka dhexeeyaan, taasoo oo uu ku tilmaamay inay tahay mid aad looga xumaado, ayna ka gaabiyay hogaanka Soomaaliya.

Sidoo kale; Farmaajo wuxuu ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika inay gacan siiyaan safaaradooda, ayna la shaqeeyaan safiirka cusub ee dhawaan loo magacaabay Danjire Jamaal Baroow.

Xafladda soo dhaweynta ah ee loo Sameeyay Farmaajo ka dib wuxuu si Gaar-gaar ah ula kulmay howlwadeennada safaarada Soomaaliya, ururrada haweenka, dhallinyarada, odayaasha, Ganacsatada iyo Aqoonyahannada ku waa soo uu ka dhageystay Talooyinkooda ku aaddan dib u soo celintii Qaranni madii Soomaaliya, Waxayna isla garteen inuu mar kale u soo noqdo uuna siiyo waqti midkaan ka badan si Aragtiyo intan ka ballaaran isku dhaafsadaan.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo Gabagabeeyay booqashadiisa ayaa Faray in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ka Qaybqaataan Qaaraanka Qaran ee ay ka Qaybqaadanayaan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee caalamka ku kala firir-san, ayna ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Qara nnimada Soomaaliya.

XILDHIBAAN DALXA OO WEERARAY HAY’ADAHA ISLAAMKA EE KA HAWLGALA MAGAALADA MUQDISHO

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baar lamaanka Soomaaliya, ayaa weerar afka ah ku qaaday Hay’adaha Islaamka, kuwaa oo sida uu sheegay ka gaabiyay waajibaadkii loo igmaday.

"Hay’adaha Islaamiga oo badanaa looga bartay inay masaakiinta wax gaarsiiyan, qaab fara badan badan oo dhaliil ay ka taagan tahay, ayaa lagu tuh mayaa Hay’adaha qaarkood sida maamulkooda uu yahay kuwa badan oo la ra bay inay masaakiinta al baabada u furan ayaad mooddaa inay albaabka ka xirteen.” Ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa carrab dhabay inay arrintan kala kaashanayan Guddiga Arrimaha Bulshada Baarlamaanka, haddii ay yihiin Gudd iga Arrimaha Dibadda, si loola xisaabtamo Hay’adaha Islaamka.

"Anaga haddii aan nahay Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddiga Arrim aha Dibadda Baarlamaanka, waxaan la kaashan doonnaa Guddiga Arrimaha Bulshada, waana la xisaabtamaynaa Hay’adahaasi.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Prof. Dalxa, ayaa ku baaqay in tirakoob lagu sameeyo Hay’adahaasi, wu xuuna taageeray tirakoobka ay iminka wado Wasaaradda Shaqada & Shaqaa laha Xukuumadda Soomalaiya.

"Horta marka hore waxaan soo jeedinaynaa in la tirakoobo Hay’adaha sida hadda Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha ay wado sharciga oo runtii taabanayo Hay’adaha Ajaanibta.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Soomaa liya ka tirsan oo shalay laga maqlaayay Warbaahinta gudaha.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Dalxa, ayaa xoojinaya eedeymo horey loogu soo eedeyay Hay’adahaasi, oo sheegaayay in taageerada loogu talla ga lay inay ku bixiyan dadka daryarta ah, ay ku bixinayan waxyaabo aan loo baah nayn.

BOOLISKA SOOMAALIYA OO SI HABSAMI LEH U QAADANAYA MUSHAARAADKOODA

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa muddo dhowr bilood ka dib oo ay mushaar la’aan ahaayeen waxay darraad iyo shalay qaadanayeen mus-haaraadkooda.

Mushaar bixinta ayaa ka socota qaar ka tirsan Saldhigyada Booliska, iya doo Guddi ka socda Booliska Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan mushaar bixinta.

Ciidamada Booliska oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa qaadanayay mush aar dhan $100 bishii iyo lacag iidaan ah oo bil walba loogu tala galay.

Askariga mushaarka qaadanaya ayaa magaciisa la yeerinayaa, dabadee dna saxiixaya inuu mushaar qaatay, waxaana liiska ciidamada booliska laga tixraacayay faylal ay wateen Guddiga qaabilsanaa mushaar bixinta ciidamada.

Qaar ka mid ah Ciidamada Booliska ayaa sheegay in wali ay ka maqan yihiin mushaarka bilo ka hor, waxaana inta badan mushaarka Booliska bixisa UNDP oo hey’ado deeq bixiyeyaal ah u soo marsiiyaan.

Hase ahaatee ma ahan joogto mushaarka, waxaana dhacda in bilo aysan helin wax mushaar ah.

Goobaha ay ka socotay mushaar bixinta ayaa waxaa kormeeray Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaana saraaki ishii mushaarka la qaadanayay ciidamada ku jiray Taliye kuxi-geenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Mukhtaar.

MADAXWEYNAHA YEMEN MANSOUR HADI OO LIX BILOOD KADIB KU LAABTAY MAGAALADA CADAN

Madaxweynaha dalka Yemen Abedrabbo Mansour Hadi ayaa dib ugu la abtay magaalada Cadan lix bilood ka dib markii uu ka cararay dagaallo xoog leh oo ka dhacay dalkiisa. Hadi ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafay musaafuris iskiis ah ugu noolaa boqortoyada Sacudi Carabiya iyadoo dagaalo xoog leh ay ka dhacayeen dalkiisa. Dib ugu laabashadiisa ayaa waxa ay calaamad ugu tahay in xoogagga taabacsan Hadi ee taageerada ka helaya isbahaysiga wadamada Khaliijka ah ay dhul ballaaran ka qabsanayaan xoogaga mucaaradka ee ay dowl ada Iran taageerto.

Hadi ayaa lagu wadaa in ciid ul Adxaha uu ku qaadan doono dalkiisa ka dibna uu u duulid oono magaalada New York si uu ugaga qeybgalo shirka Qaramada Midoobay ee toddobaadka soo socda ka furmaya xarunta Qaramada Midoobay.

Ra’iisal wasaaraha Yemen Khalid Bahah iyo qaar ka mid ah golihiisa wasii rada ayaa ku soo dhoweeyay Cadan Madaxweyne Hadi iyadoo lagu wado in uu xukuumad cusub soo dhiso madaxweyne Hadi.

Ishahaysiga taageerada siiya madaxweynaha Suniga ah ayaa geeyay ciidamo dhulka ah dalka Yemen iyagoo tababaro siiyay ciidamo faro badan wax ana ay haatan doonayaan inay dib u qabsadaan magaalada Sanca ee caasi mada dalka Yemen taasoo ay sanad kahor la wareegeen xoogaga Xuutiyiinta.

Kumanaan ruux ayaa ka qaxay dalka Yemen lixdii bilood ee la soo dhaaf ay waxaana ka dhashay dagaalo xoog leh oo ka socday dalka Yemen lixdii bil ood ee la soo dhaafay burbur xoog leh oo soo gaaray magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

NABADOON C/QAADIR SHEEKH CALI KULMIYE OO LAGU XIRAY MAGA ALADA CADAADO IYO XIISAD KA DHALATAY XARIGIISA

Nabadoon C/qaadir Sheekh Cali Kulmiye oo ka mid ah Odayaasha Gola ha Dhaqanka Gobolada Dhexe, ayaa waxaa saacadihii ugu dambeysay laga soo qabtay Deegaanka Baxdo, oo 90km u jirta Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, iyadoona loo soo kaxeeyay Cadaado oo uu iminka ku xiran yahay.

Nabadoon C/qaadir Sheekh Cali Kulmiye, ayaa waxaa lala soo xiray wiil uu dhalay, ka dib hawlgal gaar ah oo Ciidanka Nabad Suggida Galmudug ka sameeyen hoygiisa Deegaanka Baxdo.

Nabadoonka waxa uu ka mid ahaa xubnihii wax ka soo dhisay Maamulka Ahlu Sunna (Gobolada Dhexe), oo Madaxweynihiisa 1-dii bishii July lagu doortay Xarunta Gobolka Galgaduud Ee Magaalada Dhuusamareeb.

Saciid Sheekh Cali Kulmiye oo la dhashay ninka Nabadoonka ah, ayaa sheegay walaalkii in lagu haysto ka qayb qaadashada Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe, haatana laga soo qabtay hoygiisa, xilli uu sheegay in si nabdo on uu ku joogay.

Ciidan kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug, kuna heyb ah Nabaddoon Kulmiye, ayaa waxay ka horyimaaden xariggiisa, waxayna dalbadeen in si deg deg ah xabsiga looga soo sii daayo, taasoo ay iska diiday Nabad Suggida.

Arrintan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in xiisad ka dhex abuurtay Ciidan ka Galmudug, iyadoona xiisadan laga dareemay Magaalada Cadaado, sida ay soo sheegayan Suxufiyiinta.

Dadka reer Cadaado waxay hadalhayan juhdiga ay Galmudug ku bixisay xariga Nabadoonkaasi, xilli Madaxda Galmudug ay Warbaahinta ka sheegeen in wada hadalo la furayan Maamulka Ahlu Sunna, si labada dhinac isugu soo dha waadan.

AMISOM OO CAMBAAREYSAY QARAXII MUQDISHO IYO WAXYEELLO KA SOO GAARTAY ILAALADII NICHOLAS KAY

Taliska Guud ee AMISOM ayaa shalay ka hadlay Qaraxii ay Al-shabaab la beegsatay Xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Weerarkaas ay Waxye ello ka soo Gaartay ilaalada la socotay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soom aaliya, Danjire Nicholas Kay.

Mid ka mid ah ilaaladii la socotay danjire Nicholas Kay ayaa ku dhintay Qaraxa, iyadoo ay ku dhaawacmeen Sagaal kale; Waxaana Xilliga uu Weerarka ni dhacayay uu kasoo baxayay Danjire Kay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire Nicholas Kay ayaa ku sheegay Weerarkani uu ahaa mid horumar ka ay Soomaaliya ku Tallaabsatay lagu diiddan yahay, isagoo aan ka hadlin Khasaaraha ka soo gaaray ilaaladii la socotay Weerarkan Qaraxa ah.

Sidoo kale, Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Maman S. Sidikou ayaa isna ku Tilmaamay Weerarkaas isku day quus ah oo ay Al-shabaab ku doonayso inay ku caraqaladeyso dadallada nabadeed ee Soomaaliya ka socda.

"Weerarkaan Foosha xun nama Cabsigelinayo, Nagama niyadjabin doono Horumarka ka socda Soomaaliya. Waxaana Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku Ammaanayaa sida deg-degga ah ee ay uga hortegeen Weerark aas,” ayuu yiri Danjire Maman S. Sidikou.

Ugu dambeyn, Sidikou ayaa dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay dhisma ha Golaha Wadatashiga Qaran ee ka shaqeyn doona sidii loo qaabeyn lahaa doorasho dalka ka dhacda iyo howlaha kale ee Hiigsiga 2016-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkan oo ay Al-shabaab sheegatay ayaa waxaa ku dhintay dad isugu jira Askar, Rayid iyo Saddex qof oo u dhashay Wadd anka Poland, kuwaasoo howlo dhanka dhismaha ah ka waday Soomaaliya.

MILETARIGA BURKINA FASO OO HUBKA KA DHIGAY CIIDAMADII INQILAABKA SAMEEYAY

Miletariga dalka Burkina Faso ayaa shalay Talaado ah billaabay inuu hub ka ka dhigo ciidamada Madaxtooyada ee todobaadkii hore sameeyey Inqil aabka..

Jeneraal.Gilbert Diendere oo ah Taliyaha ciidamada Madaxtooyada ho-reyna u soo noqday madaxa sirdoonka, ayaa oggolaaday qorshaha ururka dalal ka Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa isniintii darraad warbaahinta kala hadlay shacabka Burkina Faso, isagoo ka raali geliyey inqilaabkii ay sameeyeen, sheeg ayna in awoodda dib loogu wareejin doono Dowladda KMG ah..

Dalka Burkina Faso oo dhaca galbeedka Afrika ayaa muddooyinkii u dam beeyay waxaa ka jiray qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay inqilaab ay sameeyeen ciidamo ka tirsan mileteriga dalkaasi.

ITOOBIYA OO LAGU WADO IN AY CIIDAMO GEYSO MAGAALADA KISMAAYO.

Saraakiil sar sare oo ka socota wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Itoobiay ayaa dhawaan gaaray Magaalo xeebeedka kismaanyo ee Gobalka jub bada hoose halkaasoo ay ku soo dhaweyeeyeen Madaxda maamulka jubbaland.

Wafdiga ka socday dowladda Itoobiay iyo madaxda maamulka Jubbaland ayaa kulan ay halkaasi ku yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xaaladaha ammaan ee Magaalada kismaanyoiyo deegaanada kale gobalka.

Booqashada wafdiga ka socda wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiayayaa imaanaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Itoobiay ay qor shaynesyo in ilaa 950 askari oo ka mid ah ciidamadeeda ay dhawaan gaari doon aan Magaalada Kismaanyo si ay uladagaalamaan xarakada Al Shabaab iyagoo qayb ka noqonaya sida la sheegay ciidamada midowga afrika ee ka howl gala Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan malateriga Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ciidam adaasi ka socda Itoobiay ay ka mid noqon doonaan kuwa midowga afrika ee ka howl gala gobalka Jubb-ada hoose.

GALMUDUG OO DIGNIIN U JEEDISAY MAAMULKA PUNTLAND

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cismaan Max’ed Cali oo u warramayay Warbaahinta ayaa uga digay Puntland wax uu ku tilmaamay daan daansi ay ku heyso maamulkiisa.

Mr Cismaan ayaa tilmaamay in Puntland carqaladda ay ku heyso Puntl and ee been abuurka ay uga faafineyso maamulka Galmudug ay hakiso isagoo hoosta ka xariiqay in Puntland dhulkeeda la yaqaanno aana lagu xad gudbeynin iyadana laga rabo in aysan ku soo xad gudbin dhulka maamulka Galmudug, haddii kalana Galmudug ay ka bixin doonto Jawaab ku haboon.

" Puntland waxa ay ku hal qabsataa hooyadii Federaalka ayaan nahay , ugumana dhaqanto sida saxda ah ee Dastuurku qabo , Federaalku ma meel wel iba oo qabiilkeyga dega inaagaa ka arrimiya” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku cel celiyay tiro dhowr jeer in mam ulka Galmudug uusan ahayn mid sharci ahislamarkaana aan soo buuxin dast uurka qodobada uu kaga hadlayo sameynta maamul goboleedyada.

OGEYSIIS MUHIIM AH AY KUU HEYSO HEY’ADDA- INTERNATIONAL COMMITTEE OF THE RED CROSS (ICRC)

Readvertisement: economic security field officer – gedo region.

International Committee of the Red Cross

Somalia Delegation

Denis Pritt Road

P.O. Box 73226, Nairobi

00200 – Kenya

E-mail address: sok_hrrec_services@icrc.org

EMPLOYMENT OPPORTUNITY

 

The International Committee of the Red Cross (ICRC) is an impartial, neutral and independent organization with the exclusively humanitarian mission to protect the lives and dignity of victims of war and internal violence and to provide them with assistance. It also endeavors to prevent suffering by promoting and strengthening International Humanitarian Law and universal humanitarian principles. The ICRC Somalia delegation in Nairobi is seeking for an experienced and motivated person to fill the position of:

READVERTISEMENT: ECONOMIC SECURITY FIELD OFFICER – GEDO REGION

The field officer is responsible for the management of the Economic Security activities and resources in the areas of assignment. S/he conducts assessments, plans interventions as necessary in consultation with the Economic Security team in Nairobi and implements the activities according to department objectives and agreed plan of action. S/he reports on the progress and achievements of the programme as required.

Main Responsibilities:

·Maintain up to date information on the economic security situation in her/his area of assignment and identifies and compiles dataon the context: historical, environmental, and political; agro-ecology, livelihoods, markets, nutrition, health, water and sanitation, housing.

·With the guidance of the Economic Security Coordinator, design a primary data collection exercise adapted to context and resources.

·Contribute to the set-up and application of assessment and monitoring systems and to evaluations including: Identification of SMART indicators, draft data collection tools and sampling approaches for quantitative/qualitative surveys, advice on teams composition and logistic and resources arrangements, participate directly in the collection of the data, contribute to data analysis, use a participatory approach in field visits and interactions with communities and other stakeholders (authorities, public and technical services, other agencies etc.), debrief supervisor and enumerator teams and compile their feedback on the data collection exercise.

·Contribute to the response analysis of different Economic Security interventions: Strengths-Weaknesses-Opportunities-Threats (SWOT) analysis, appropriateness and feasibility.

·Provide inputs to the drafting of the ICRC Planning for Results (PfR), including Economic Security objectives.

·Contribute to the design of a project or programme: description of inputs, activities, timeframe, outputs and outcomes, identification of SMART indicators, identification of risks and actions to mitigate the risks.

·Manage the logistics, targeting and implementation of distribution/delivery activities of inputs and services.

·Coach and motivate the ICRC assistants and SRCS volunteers under her/his supervision and ensures that a good atmosphere is maintained within the Economic Security department and with the other ICRC departments through adequate communication.

Experience required

Ÿ University degree in Agriculture, Economics, Development Studies, Sociology, Animal Production, Veterinary Science or related fields,

Ÿ 6 years’ work experience in a similar field,

ŸFluent in spoken and written English and Somali,

Ÿ Team leadership skills,

Ÿ Very good analytical skills,

Ÿ Good communication skills,

Ÿ Good knowledge of geographically assigned environment.

Interested and qualified persons with the required experience are invited to submit their application to the Head of Human Resource Department of Somalia Delegation on the above mentioned address, before 1st October 2015. Indicate the position title on the subject line.

 

Please note that only short-listed candidates will be contacted. Canvassing will lead to automatic disqualification.


OGEYSIIS OGEYSIIS OGEEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH AY KUU HEYSO HEY’ADDA-

INTERNATIONAL COMMITTEE OF THE RED CROSS (ICRC)

Field officer – gedo.

International Committee of the Red Cross

Logo Somalia Delegation

Denis Pritt Road

P.O. Box 73226, Nairobi

00200 – Kenya

E-mail address: sok_hrrec_services@icrc.org

EMPLOYMENT OPPORTUNITY

The International Committee of the Red Cross (ICRC) is an impartial, neutral and independent organization with the exclusively humanitarian mission to protect the lives and dignity of victims of war and internal violence and to provide them with assistance. It also endeavors to prevent suffering by promoting and strengthening International Humanitarian Law and universal humanitarian principles. The ICRC's Somalia Delegation in Nairobi implements the institution's humanitarian activities in Somalia.

FIELD OFFICER - GEDO

Based on an optimal knowledge and analysis of his/her area of responsibility(AoR), he/she represents the delegation; facilitates and contributes to the identification of humanitarian problems and to the smooth implementation of activities; manages the security situation; manages staff under his/her direct supervision; provides regular reporting and contributes to the elaboration of the main orientations of the delegation.

Main Responsibilities:

·Monitors the political, security, economic and social developments and their impact on the population.

·Shares oral and written analysis of the above with the field Coordinator on a timely and regular basis.

·Identifies humanitarian needs resulting from the conflict or natural factors, and proposes course of action (assistance projects, intervention to authorities) when relevant.

·Contribute to the analysis, definition of annual objectives and plans of action in consultation with specialists in his/her area of responsibility (AoR)

·Develops and maintains an extended network of contacts among local authorities, parties to the conflict, traditional leaders, humanitarian organizations and members of civil society.

·Represents the ICRC towards them, especially with a view to strengthen its acceptance, access and security, and the respect of its principles of neutrality, impartiality and independence, according to the guidelines given by the Delegation.

·Participates in joint assessments and follow up visits of the various Operational departments (Water and habitat, Economic security, Health, Protection etc.)

·Regularly reviews the security situation in his/her area of responsibility, based on his/her own analysis, input from team members, contacts with stakeholders such as authorities, elders and parties to the conflict.

·Provides regular reporting on the security situation and in case of security incident or event likely to affect staff security, shares an ad hoc and timely written report with his field coordinator.

·Ensures that security rules and procedures are followed by all staff under his/her supervision and those visiting/operating in his/her area of responsibility, and apply them in an examplary manner.

·Provides security guidance (briefing, instructions) and resources (cars, security guards) to staff operating in his/her area of responsibility, according to the delegation’s guidelines.

·The Field Officer is responsible for the effective running of the office and ensures that HR, material and finances resources used in his area of responsibility are managed according to the delegations’ regulations and procedures. He ensures that the procedures are in the frame and the procedures of the ICRC regulations, particulary the Rules on financial management.

·Is responsible for ensuring the accuracy and relevance of Working Advance (WAD) requested from technical or other field officers in his AoR.

·Maintains a regular (oral and written) communication flow with the field coordinator on all aspects relevant to his/her function (analysis, contacts, internal management, operations, etc).

Minimum Requirements:

§University degree or diploma

§4 years work experience in a similar field

§Fluent in written and spoken Somali and English

§Team leadership and management skills

§Very good analytical skills

§Sense of organisation

§Confirmed capacity to work independently

§Confirmed knowledge of the area of responsibility

§Computer skills : MS Office etc.

Interested and qualified persons with the required experience are invited to submit their application to the Head of Human Resource Department of Somalia Delegation on the above mentioned address/email address before 1stOctober 2015. Please indicate the position title on the subject line of your application letter.

Please note that only short-listed candidates will be contacted. Canvassing will lead to automatic disqualification

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip