Qaar ka tirsan Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Sawirro)

0
Tuesday September 22, 2015 - 13:46:14 in Wararka by
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka tirsan Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Sawirro)

    Qaar ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ee fadhigooda yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo habeenka Ciidul Adxa ay qaban doonaan Bandhig Faneed ay farxada ciida kula wadagayaan shacabka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Fanaaniinta Kooxda Xidigaha Geeska ee fadhigooda yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo habeenka Ciidul Adxa ay qaban doonaan Bandhig Faneed ay farxada ciida kula wadagayaan shacabka Muqdisho. Fanaaniintan oo kala ah Nimcaan Hilaac, Maxamed Axmed Cirro Bakaal, Xamda Queen iyo C/raxmaan Oday ayaa saaka si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Ciidii la soo dhaafay bandhig faneed cajiib ahaa ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu mar kale ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo ay wehliyaan asxaabtiisa Kooxda Xidigaha.

Sidoo kale C/raxmaan Oday ayaa isna sheegay in shacabka Muqdisho ay kula dabaal degayaan farxada ciida, ayna aad ugu faraxsan yihiin inay yimaadaan Caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Axmed Cirro Bakaal ayaa ka mahad celiyay sida diirneyd ee loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Fanaanada Xamda Queen oo sheegtay in markii u horeysay ay tahay ee ay Muqdisho timaado ayaa xustay inay farxad darteed ay la dhici gaartay, ayna uga mahad celineyso taageerayaasheeda sida wacneyd ee loo soo dhoweeyay.

Ugu dambeyn Fanaaniintan ayaa uga mahad celiyay Hey’adda CCD inay gacan ka geysatay imaanshahooda magaalada Muqdisho, ayna ku faraxsan yihiin inay Bandhig Faneed ay qaban doonaan habeenka Ciida.

DSC09530DSC09532 DSC09547 DSC09560 DSC09604 DSC09612 DSC09631

Like it? Share it!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip