Salaad Cali Jeelle oo sheegay Shabaab inta ay haystaan meel ay iska soo abaabulaan inuusan joogsaneyn Qaraxyada

0
Tuesday September 22, 2015 - 13:29:11 in Wararka by
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Salaad Cali Jeelle oo sheegay Shabaab inta ay haystaan meel ay iska soo abaabulaan inuusan joogsaneyn Qaraxyada

    Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa ka hadlay weerarada Abaabulan ee Ururka Al Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, xilli xalay maqribkii weerar Ismiidaamin ah Shabaab ay ku qaadeen Afaafka hore ee Madaxtooyada Villa Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa ka hadlay weerarada Abaabulan ee Ururka Al Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho, xilli xalay maqribkii weerar Ismiidaamin ah Shabaab ay ku qaadeen Afaafka hore ee Madaxtooyada Villa Somaliya. Salaad Cali Jeelle, ayaa sheegay qaraxyada Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho inay ugu wacan tahay Shabaabka inay haystaan meel ay iska soo abaabulaan oo gaadiidka qaraxyada iyo weerarada ay ku soo diyaariyaan.

"Hada mar hadii Shabaab uusan fogeyn oo uu deris la’yahay Magaalo madaxdi, hade meeshii uu iska soo abaabulaayay ma fogee mar hadii uusan fogeyn, wuxuu sameyn karaa wixii uu doono maxaa yeelay deris ayuu kula yahay, laakiin hadii la eryo oo Qaxooti laga dhigo oo dalka laga barakiciyo fursad uu ku sameysaayo ma arkaayo, laakiin Baabuurkiisa iyo wixiisa meel uu ku sameysanaayo ayaa jirta oo meel uu xukumo ayaaba jirta.” Ayuu yiri Salaad Cali Jeell oo u waramay Idaacada Risaala.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip