Aabe Wiilkiisa ku dilay Magaalada Kismaayo

0
Tuesday September 22, 2015 - 13:23:39 in Wararka by
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabe Wiilkiisa ku dilay Magaalada Kismaayo

    Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacday shalay galab dhacdo aad u xanuun badan oo intii goobjooga u ahaayeen ay aad uga naxeen, markii ay maqleen arintaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacday shalay galab dhacdo aad u xanuun badan oo intii goobjooga u ahaayeen ay aad uga naxeen, markii ay maqleen arintaasi. Dhacdada ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay tahay Aabe Somaliyed oo Magaaladaasi ku nool inuu dilay Wiil uu dhalay, kadib markii la sheegay Wiilka inuu Aabihiis ku caasiyay oo inta badan uusan maqli jirin hadaladiisa.

Wiilka la dilay ayaa 19-sano jir ahaa, wuxuu ahaa wiil aad u dhib badan oo badi dadka ay ka soo dacwoodaan, aadna wuxuu ula dagaalami jiray dhalinyarada asaagiisa ah.

Dacwado badan oo soo gaaray Aabaha dhalay wiilkaan ayaa ugu dambeyn shalay galab waxa ay sababtay inuu dilo Wiilkiisa oo dilkiisa uu u adeegsado Xarig oo uu ku ceejiyo, waxaana amuurtaan ay ka dhacday Xaafada Farjano, gaar ahaan halka loo yaqaano Maxfalka.

Aabaha dilay Wiilkiisa ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdulle Karaaf oo ku magac dheer (Suufi Luubaan), wuxuuna dilay Wiilkiisa oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdulle Karaaf.

Suufi Luubaan, ayaa ka tirsan Dariiqada Suufiyada ee ku nool Magaalada Kismaayo isaga oo miirqaba ayuu dhex joogaa Hooygiisa Magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen dad deris la’ah hooyga dhacdada ay ka dhacday.

Maamulka Magaalada Kismaayo iyo Saraakiisha ammaanka Jubbaland ma jirto weli wax tilaabo ah oo ay ka qaadeen Aabahaasi dilay Wiilkiisa, iyadoo dhacdadaan ay noqotay mid guud ahaan Magaalada Kismaayo si weyn looga hadal haayo.


XIGASHO;- DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip