Ciidamada Booliska Somaliya oo qaadanaya MushaaraadkoodaDaawo Sawirada:

0
Tuesday September 22, 2015 - 13:03:31 in Wararka by
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Somaliya oo qaadanaya MushaaraadkoodaDaawo Sawirada:

    Waxaa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Saldhigyada Magaalada ka socda qaybinta Mushaaraadka ciidanka Booliska Somaliyed, xilli muddooyinkii u dambeeyay Booliska ay helayaan xuquuqaadka ay leeyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Saldhigyada Magaalada ka socda qaybinta Mushaaraadka ciidanka Booliska Somaliyed, xilli muddooyinkii u dambeeyay Booliska ay helayaan xuquuqaadka ay leeyihiin. Saldhigyada Magaalada Muqdisho ciidamada ku sugan ayaa hada qaadanaya Mushaaraadka, iyadoo maalin waliba Saraakiisha Saadka ee ciidamada Booliska Somaliya ay booqanayaan Saldhiga ay ka bixinayaan mushaarka.

Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Booliska, General C/laahi Xasan Bariise, ayaa ku howlan qaybinta Mushaaraadka ciidamada Booliska Somaliya.

Ciidamada ayaa iyaga ay ka muuqato farxad sare qaadanaya Mushaaraadka ay xaqa ugu leeyihiin Dowladda, xilli ciidanka ay ku sheegayaan Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Somaliya inuu wax badan ka bedelay hanaanka Booliska uu ku shaqeeyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa booqday qaabka ay ku socoto Mushaar qaybinta ciidamada Booliska Somaliya, isaga oo ku ammaanay Saraakiisha ku howlan bixinta Mushaaraadka ciidamada sida nidaamsan ee Mushaarka ay u bixinayaan.

Ciidamada Booliska Somaliya oo soo maray duruufo kala duwan ayaa hada maraya marxaladii ugu wanaagsaneyd oo ay soo arkaan sanadahan.

Booliska Sax (1) Booliska Sax (2) Booliska Sax (3) Booliska Sax (4) Booliska Sax (5) Booliska Sax (6) Booliska Sax (7) Booliska Sax (8) Booliska Sax (9) Booliska Sax (10) Booliska Sax (11) Booliska Sax (12)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip