
Dowladda Ethiopia oo sharaxaad ka bixisay qaabka ay uga hor tagto weerarada Shabaab
Tewolde Mulugeta, ayaa sheegay la shaqeynta shacabka ciidamada ammaanka sabab inay u noqotay ka hor taga weeraro suurtagal ay ahaan laheyd inay Ururka Al Shabaab ka geystaan gudaha dalka Ethiopia.
"Waxaan garaneynaa Nabad la’aan waxay tahay, muhiimadana shacabkeena way nala fahamsan yihiin, waxay doonayaan in qofna uusan dhibaateyn amniga.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia.
Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia, ayaa ku faanay shacabka dalkiisa inaysan marnaba dooneyn inay u soo gudbaan dad doonaya qal qalgelinta ammaanka dalkaasi.
"Dadkeena marnaba ma doonayaan inay u soo gudbaan dad nabada ka soo horjeeda, waxayna diyaar u yihiin inay ciidamada la wadaagaan xogo walba oo la xiriiro ammaanka qatarna ku ah, waxay ka loo diyaar u yihiin iney la dagaalamaan.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Afhayeenka
Xoogaga Shabaab ayaa weeraro ka geystay dalalka Uganda, Kenya Jabuuti oo dhamaantood ciidamo ay ka joogaan gudaha dalka Somaliya, balse Dowladda Ethiopia ayaa ka duwan Dowladahaasi oo waxa ay ku dadaashay suggida ammaanka dalkeeda.
Dowladda Ethiopia oo sharaxaad ka bixisay qaabka ay uga hor tagto weerarada Shabaab
Markii ugu horeysay Dowladda Ethiopia, ayaa waxa ay xog badan ka bixisay qaabka ay uga hortagto weerarada Shabaab ay isku dayaan inay ka geystaan dalka Ethiopia, xilli ciidamo ka socda Dowladda Ethiopia ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee A