
Duqeyn loo geystay saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Baydhabo
Sida ay sheegayaan wararka duqeyntan oo dhacday shalay gelinkii dambe ayaa la sheegay in lala beegsaday fariisin Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.
Wasiirka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista Maleeshiyaadka ee Maamulka Koofur Galbeed Xasan Maxamed ayaa u sheegay Idaacada VOA in duqeyntan ay aheyd mid bartilmaameed ah oo lala beegsaday goob shir uga socday Al-Shabaab.
"Duqeyntaas waxay qeyb ka tahay howl galada ka socda deegaanada koofur galbeed, waxaana lala bartilmaameedsaday goobo ay ku shirayeen nimanka nabad diidka ah”ayuu yiri Wasiirka dhaqan celinta iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka Maamulka Koofur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka Koofur galbeed iyo kuwa Itoobiya ay howl galo ka wadaan Gobollada Bay iyo Bakool, waxaana uu cadeeyay in meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab la weerari doono.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa diyaarado qumaatiga u kaca oo ka kacayay garoonka diyaaradaha Baydhabo waxay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool, waxayna duqeymahaas khasaarooyin u geysteen dad shacab ah.
Duqeyn loo geystay saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Baydhabo
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in diyaarado Helicoptero ah ay duqeeyeen deegaanka Labaatan-jirow oo qiyaastii 60-KM u jira Baydhabo.