
Ciyaartoyda Soomaaliya u mataleysay Cayaaraha Fudud oo dalka dib ugu laabtay + Sawirro
Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Gos ay Ciyaartooydan ka soo xushay Ardayda Dugsiyada kaddibn ay xero tababar iyo xanaanayn ay geeliyeen muddo 8 bil ay xeraysnaayeen si ay tartanka ugu diyaariyaan taana ay keentay in ay qaar ka mid ah heerka fiinaalka Soo gaaraan ayna mutaysteen in loo qabto xaflad soo dhawayn ah.
Guddoomiye Tarabi ayaa intaa ku daray in guushan ay ka timid tartanka dugsiyada, balse haddii la qabto tartanka degmooyinka iyo gobolada ay soo baxayaan ciyaartooy tayo leh oo calanka dalka difaaca taasna ay u baahan tahay dadaal xooggan oo wasaraddu qayb ka tahay, waxuuna ugu dambayn mahad celin ballaaran usoo jeediyay Wasaaradda Dhallinyarada oo door muhiim ka qaadatay ka qayb galka e All Afrian Games.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyaraa iyo isboortiga Cusmaan Aadan dhuuboow oo hogaaminayay ciyaartooyda ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabahii uu kala soo kulmay Brazziile, waxuuna tilmaamay in ciyaartooyda ay sameeyeen bandhig lagu qanci karo wasaaraduna ay dadaalo u gashay sidii ay ugu heli lahayd dugsiyo tababar oo dalka Ethoipia kuyaal taasoo loo ballan qaaday in lasiin doono.
Waa marki ugu horreysay oo Soomaaliya ka qeybgasho tan all Afrian Games 1999 waxaana Fiinaalka 1500 mtr soo gaaray Cali Iidoow oo ka mid seddexda cayaarayahan oo xulka matalayay iyadoo cayaaryahan ada kale ay bandhig wanaagsan ka sameeyeen tartanka.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow Nocsom Media Department
XIGASHO:- SOMALIWEYN.COM
Ciyaartoyda Soomaaliya u mataleysay Cayaaraha Fudud oo dalka dib ugu laabtay + Sawirro
Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta Gos waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socdotay wasaaradda dhallinyaradda iyo isboortiga, GOS , xiriirka cayaaraha fudud ururka dugsiyada ururka cayaartoyda , macalimiinta iyo caya