Wadahadalada Suuriya oo la dardargalinayo

0
Sunday January 10, 2016 - 10:30:12 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadalada Suuriya oo la dardargalinayo

    Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan waddanka Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa wadahadalo waxa uu u joogaa magaalada Dimishiq ee waddanka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan waddanka Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa wadahadalo waxa uu u joogaa magaalada Dimishiq ee waddanka Suuriya.

Wadahadaladan aya ku saabsan wada xaajoodka nabadda ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha mucaaradka ee la filayo in ay qabsoomaan dhammaadka bishan.

Bishii Diseembar ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu taageeray qorshe jadwal loogu dejinayo soo afjaridda colaadda dalka Suuriya.

Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa u sheegay Mr de Mistura, in ay khasab tahay in dowladda Suuriya ay qaaddo tallaabooyin muujinaya niyad sami sida in ay joojiso duqeymaha ka dhanka ah deegaanda ay deggan yihiin dadka rayidka ah ka hor inta wada xaajoodku uusan bilaaban.

Dhanka kale, waxaa jirto cabsi ah in xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Sucuudiga oo kala taageera labada dhinac ay wax u dhimi karto horumar laga gaaro wada xaajoodkani.

Staffan de Mistura, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya


XIGASHO:-BBCsomali.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip