
Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in dhawaan uu booqasho ku taggi doono Baydhabo
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu booqasho ku taggi doono Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday in Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, uu dhawr goor booqasho ku tagey Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose, isla-markaana uu markiisa ka jawaabi doono. "Madaxweynaha Koonfur Galbeed dhawr goor buu booqasho ku yimid
Kismaayo. Saan Saan ku gud, saxana saxan ku gud. Marka hadda saantaydii
baa dhimanoo, iyadana waxaan rabaa inaan waqti dhow Baydhabo aado,
saxaafad badana aan geeyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay inay meesha ka saari doonaan hadalada la’isla dhex maraayo, ee la xiriira khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Hadalkan, ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo si wada jir ah ay isaga, Shariif Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, gelinkii dambe ee shalay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde.
Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe, ayaa Sabtidii kulan ku yeeshay Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii uu kulankaasi isugu keenay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in dhawaan uu booqasho ku taggi doono Baydhabo
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu booqasho ku taggi doono Magaalada Baydhabo Ee Gobolka Baay. Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday in Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha M