War murtiyeedka laga soo saaray shirkii wada tashiga ahaa {HALKAAN HOOSE KA AKHRISO}:-

0
Tuesday September 22, 2015 - 10:06:13 in Wararka by
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War murtiyeedka laga soo saaray shirkii wada tashiga ahaa {HALKAAN HOOSE KA AKHRISO}:-

    War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii wada tashiga ahaa ee looga hadlayay geedi-socodka doorashooyinka sanadka, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda Maamul goboleedyada iyo wakiilada Beesha Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii wada tashiga ahaa ee looga hadlayay geedi-socodka doorashooyinka sanadka, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda Maamul goboleedyada iyo wakiilada Beesha Caalamka.
  Shirkan ayaa qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la sameeyo Madal wada-tashi oo ka kooban Dowladda Federaalka, Baarlamaanka, Maamul goboleedyada iyo Ururada Bulshada.

Madasha Wada tashiga ayaa waxay ka kooban yihiin sidan: Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul Goboleedyada, 25 Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, 10-Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, 5 Wasiir ka socda Maamul goboleedyadam 3 Wakiil ka socda Gobolka Banaadir, min labo wakiil ka socda Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, min labo wakiil ka socda ururada bulshada rayidka ee maamul goboleedyada iyo 5 wakiil ka socda Ururada Bulshada rayidka ee ka dhisan dalka oo dhan.

Xubnaha Beesha Caalamka oo ay hogaamineyso Qaramada Midoobey, ayna xubno ka yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Swedan iyo Talyaaniga ayaa kormeeri doona howsha Madasha wada tashiga qaran, isla markaana kormeeri doona, iyagoo taageero doona, hadii looga baahdana ka qeyb qaadan doona dhex dhexaadin iyo hadba xalinta khilaafaadka.

Shirka ugu horeeya ee madasha wadatashiga qaran ayaa dhici doona 14 bisha October ee soo socota, iyagoo ka wada hadli doona qaabka doorasho ee sanadka 2016, sidoo kale bisha Janaayo ayay yeelan doonaan kulan kale oo looga hadlay qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada.

War murtiyeedka oo ka koobnaa illaa lix bog halkan hoose ka akhriso:-

WAR MURTIYEEDKA OO KA KOOBNAA ILLAA LIX BOG HALKAN HOOSE KA AKHRISO:-

 

 

war-murtiyeedka (1) war-murtiyeedka (2) war-murtiyeedka (3) war-murtiyeedka (4) war-murtiyeedka (5) war-murtiyeedka (6)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip