Labo ruux oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay degmada Shibis

0
Sunday January 10, 2016 - 10:04:47 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo ruux oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay degmada Shibis

    Qarax miino oo kuwa baabuurta lagu xiro ah ayaa saaka ka dhacay degmada Shibis, gaar ahaan xaafada Maana-booliyo, iyadoo qaraxaas waxyeelo ka soo gaartay labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa darawalkii gaariga waday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax miino oo kuwa baabuurta lagu xiro ah ayaa saaka ka dhacay degmada Shibis, gaar ahaan xaafada Maana-booliyo, iyadoo qaraxaas waxyeelo ka soo gaartay labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa darawalkii gaariga waday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa kuwa raaxada uu ku xirnaa aalada qaraxa magnada leh ee baabuurta lagu dhejiyo, iyadoo uu qarxay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Maana-booliyo.

Wararka ayaa sheegaya in darawalka gaariga uu ka booday gaariga, ka hor inta uusan qarxin, markii la sheegay inuu dareemay inay wax ku xirnaayeen sida dad goob joogayaal sheegeen.

Ninkan ayaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana la sheegay inuu ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo goobta soo gaaray, kuwaasoo baaritaano sameeyay, waxaana labada ruux ee dhaawaca gaaray loo qaaday goobaha caafimaadka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkan ku soo badanayay qaraxyada baabuurta gaarka loo leeyahay lagu xirayay, kaasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaara dadka wata.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip