
Qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay oo lala eegtay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay (Sawirro)
Qaraxa oo ka dhacay albaabka hore ee laga galo xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa wuxuu burbur xoogan u geystay halkaasi iyo bartamaha looga leexdo madaxtooyada oo bohollo waaweyn uu ka qoday qaraxaasi.
Ambassador Nicholas Kay oo gawaaridii galbineysay ay ka soo baxayeen halka uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegayaa inuu isagu ka badbaaday, balse dhaawac iyo dhimasho ay ka soo gaartay in ka badan shan ka mid ah saraakiishii la socotay.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in tirada guud ahaan dadka ku geeriyooday ay iminka ka badan yihiin ilaa toban ruux oo isugu jira ilaalada madaxtooyada iyo dad rayid ah, waxaana saakay laga dareemayaa madaxtooyada jawi ka duwan kii hore.
Meydad iyo dad dhaawac ah ayaa saakay laga helay guryaha ku dhow halkii uu xalay qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo iminka lagu dabiibayo isbitaalada Muqdisho, halka saraakiisha Qaramada Midoobay ee qaraxaasi waxyeelada ka soo gaartayna loo qaaday xarunta Xalane ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxii xalay Muqdisho ka dhacay oo lala eegtay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay (Sawirro)
Waxaa saakay degan xaaladda magaalada Muqdisho oo xalay uu ka dhacay qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu ka mid ah wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay Danjire Nicholas Kay.